SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, Nuur Cadde “….markaan arkey fariimo badan oo dhinacyo kala duwan iga soo gaaraya, waxaan ogaadey inaan qaldanahay”

Kulan Qado sharaf oo ay isugu yimaadeen in ka badan 150 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG oo uu u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde, islamarkaana uu uga warbixinaayey shirarkii kala duwanaa ee uu ku soo kala bixiyey dalalka dibada, tirada qaab dhismeedka Xukuumadiisa cusub ee uu soo dhisidoono iyo tii hore sida uu u kala direy ayaa lagu qabtey Hoteel Bakiin ee Magaalada Baydhabo.


qayb ka mid ah fadhigii Qado sharafta xildhibaanada uu u sameeyey col. nuur Cadde

Qado sharaftaan uu u sameeyey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde ayaa waxaa ka soo qaybgaley Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe iyo labadiisa ku xigeen iyo mudanayaal badan, khudbad uu halkaasi ka jeediyey Col. Nuur Cadde wuxuu ku sheegey “tirada qaab dhismeedka Xukuumadiisa in ay ka koobnaandoonto 18”,


Nuur Cade oo warbixin siinaya Xildhibaanadii uu u sameeyey Qado sharafta, Dec 17, 2007

Hase ahaatee hadalka uu u jeediyey Nuur Cadde marka loo eego sida uu u sheegey way sahlaneyd, balse waxaa jira hadal hayn fara badan oo ku saabsan sida ay Beeluhu wax u qaybsandoonaan, dadka arimaha siyaasada ku xeel dheer waxay carabka ku adkeynayaan qaab dhismeedka Xukuumada beeluhu sidu ay wax u qaybsadaan in waqti ay qaadandoonto, waayo waxay isku dayeen in Xukuumada wax ay ka dhisaan, waxayna leeyihiin sidan hadii loo dhiso wey adkaan Madaxweynuhu wuxuu ka soo jeedaa Beelaha Harti marka isaga Beeshiisu sidaas ayey ku aamuseysaa, Gudoomiyaha Baarlamaanka Beeshiisa waa Mirifle gaar ahaan Hadamo oo ka tirsan Jufooyinka Sagaal iyaguna sidaas ayey ku aamusayaan, Halka Ra’iisul Wasaaraha Beeshiisu ay tahay Mudulood iyaguna aysan hawo ka qabin xubin kale, sidoo kale Beelaha Jareerweyne oo iyaguna haysta Gudoomiye ku xigeenka Koowaad sidaas darteed iyaguna ma hadlikaraan, halka Beesha Direed oo iyaguna haysta Gudoomiye ku xigeenka labaad, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedo Gudoomiye ku xigeen isaguna wax kale ma sheegan karaan, dhamaan arimahaan hadii hoos loo eego sidaas ayey sax ku tahay ayey leeyihiin, laakiin hadii wax ka baxsan la doonayo wey adkaandoontaa, sababtoo ah Beelaha kale ee aan hada xilka hayn ayaa iyaguna waxay markooda boorka ka soo jafidoonaan mucaaradnimo marka laga reebo kuwa hada xilka haya, arintuna waxay noqondoontaa in is xalintu ay waqti dheer qaadandoonto.


Nuur cade Bixid, kan ku xiga Sh. Madoobe, Prof. Dhalxa iyo Midig Boqore.

Runtii qaabka uu u soo jeediyey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG wey fududaan lahayd hadii ay sidaas ku qancayaan Beelaha Soomaaliyeed intooda badan ayey leeyihiin, laakiin ma dheceyso, ugu yaraan waxay qaadandoontaa in waqtiga uu ka dhaco Xukuumada, hadii kale culaysyo badan ayaa soo wajihi doona, waxaana meesha ka maqnaandoona Dowladaha Dunida qaarkood xubno ay ku lahaayeen oo iyaga si gaar ah xiriir hoose ula leh, qaabka lagu xalinaayo iyo garashadeedana waxay u baahan tahay Aragti mideysan.



Halka kooxo kale ay leeyihiin Ra’iisul wasaaraha DFKMG magacyada wasiiradda cusub jeebka ayey ugu jiraan, wuxuuna kala yimid dalka dibadiisa, mana dheceyso in uu isagu hawshiisa toos u maamusho, Dhamaan arimahaan oo isbiirsadey iyo kuwo kale oo soo bixidoona, jawaabaheeda waxaa laga sugayaa Ra’iisul wasaaraha DFKMG Nuur Cadde.

Dhinaca kale waxaa maanta la filayaa in Baarlamaanka uu shirkiisii caadiga ahaa uu isugu yimaado, iyadoo Ajendaha ugu weyn ee horyaalana uu yahay Awood Qeybsigii iyo kuwo kale ooh ore loo soo gudbiyey, taasina waxay dhalindoontaa iyaduna hadalo waaweyn oo hada qarsoon oo qaarkood aan Afka lagu balaarinkarin.

Max’ed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2007


caddeDheegyso: Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore... Waxa kale oo uu sheegay in kala-bar xukuumada cusub uu ka keeni doono baarlamaanka bannaankiisa Guji

 

cabdullaahiWaraysi: Madaxa Ururka Ardayda Soomaalida ee Minneapolis MCTC: C/laahi Maxamed Aadan ayaa faahfaahin ka bixinaya arrimo muhiim ah oo ay ka wadaan MCTC.. Waraysiga SomaliTalk.

 

aloorePuntland oo Loo Sameeyey Wasaarad Cusub ee Batroolka iyo Macdanta oo Aan Lahayn Wasiir-ku-xigeen... Akhri...

Gen CaddeGen. Cadde Muuse oo Isku Shaandheeyey Golihiisii Wasiirada
Wasiirada la bedeley waxaa ka mid ah wasiirkii is casiley ee kalluumaysiga, waxaana jagadoodii waayey Cali Cabdi Awaare iyo... Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com