SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Ka Hortaga Kala Goynt Umada Soomaaliyeed

Shir muhiim ah oo looga hadlayey sidii loo badbaadin lahaa in aan lakala goyn Soomaaliya xiligan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Mnneapolis ee gobolka Minnesota. Shirkaas ayaa waxa lagu qabtey caasimada gobolka ee Saint Paul, waxana ka soo qayb galay dad badan oo gaarayey in kudhow sedex boqol.



Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey dhalin yaro ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin, hooyooyin, culimo, abwaano, siyaasiyiin iyo ardeyda gobolka Minnesota.

Shirkan ayaa waxa lagu casuumey in ay yimaadaan Generaalo iyo Saraakiil sare. Generaal Maxamed Cali Abokor iyo Korneel Faarax Ceynab. Sidoo kale waxa weheliyey Aqoon yahan ka yimid Virginia Axmed Ali Abokor. Shirkan ayaa waxa Keynote Speaker ka ahaa General Maxamed Ali Abokor oo qudbadiiso ay ku saabsaneyd sidii loo difaaci lahaa in Soomaaliya aan lakala goyn. Sidoo kale Kornel Faarax, ayaa ku celceliyey in aan marnaba loo dulqaadan kerin in faraha laga laabto gardarada qaawan ee lagu doonayo in lakala gooyo wadanka Soomaaliya.

Shirkaas ayaa waxa warbixin ka soo jeediyey xaalada hada ay ku jirto gobolka Sool Maxamuud Mire oo ka yimid gobolka. Xafladaas ayaa ugu dambeyntii waxa soo gunaanadey Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Abdi Haashi.

Somali Media
Abdimnalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com