SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Garowe: Baarlamaanka DGPL oo kulmaya maalita Sabtida ah isaga oo Cadde Muuse ka maqan yahay Caasimada Garoowe.
     
  • Garoowe: "Waan u ooyi doonaa ama waan Gubi doona Cali Cabdi Awaare" Sidaas waxaa yiri Suldaan Siciid...

Garowe: Baarlamaanka DGPL oo kulmaya maalita Sabtida ah isaga oo Cadde Muuse ka maqan yahay Caasimada Garoowe.

  • Wararka Xafiiska: Guddoomiyaha Xisbiga Ramaas - Garoowe | Dec 21, 2007

Garowe: Baarlamaanka DGPL oo kulmaya maalita Sabtida ah isaga oo Cadde Muse ka maqan yahay Caasimada. Baarlamaanka DGPL ayaa yeelanaya Maalinta Sabtida ah ee Jimcada oo kaliaya ay ka harsan tahay kalfadhi aan caadi ahayn oo ay kaga arinsanayaan xaalada Maagaalada Laascaanood iyo guud ahaan xaalada uu maanta ku sugan yahay Dalka.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn ee Baarlamaanku uu yeelanayo ayaa ku soo beegmaya xili lakal diray kalfadhigii caadiga ahaa ee u socday Golaha wakiilada DGPL kaasi oo si cad oo aan gabasho lahayn uu u kala diray Madaxwaynaha DGPL iyo kuxigeenkiisa Afqurac kuwaasi oo ka biyo diiday Su'aalo Badan oo uga yimid Baarlamaanka kuwaasi oo u badnaa xaalada Gobalka Sool iyo sidii laga yeeli lahaa Maamulka Soo duulay ee Gacanta ku haya Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Su'aalihii la waydiiayay ayaa waxaa ka mid ahaa maadaama ay dhamaatay 30 kii bari ee Baarlamaanku u qabtay Xukuumada Cade Muuse in ay ku soo celiso Magaalada Laascaanood tilaabada Xigta ee cade iyo Xukuumadiisu ay damacsan yihiin Su'aalahaas iyo kuwo kale oo aysan wali Xukuumada Cadde Muuse si cad u shaacin waxa ay ka yeeli doonto haysashada magaalada Laascaanood ay wali haystaan Maamulka La baxay Somaliland ayaaa ka mid ahaa Su'aalihii uu ka xanaaqay Madaxwayne cade Muuse kuna kaliftay in uu xiro kalfadhigii u socday Golaha wakiilada DGPL Kuwaasi oo iyana sheegay in uusan Madaxwaynuhu xiri karin kalfadhiga caadiga ah ee u socda Baarlamaanka in lagu casuumo xiritaankiisa maahane dastuurkuna uusan u ogolayn in uu xiro Madaxwaynuhu.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa qaba in horayba sharciga loogu tuntay cid ka hadashayna aysan jirin maantana hadii lagu sii tuntaa aysan waxba ka duwanayn kuwii hore ee loogu tuman jiray hadii Golaha wakiilada lakala diraana aysan waxba soo kordhinayn oo ay awalba madaxa uun u ruxi jireen waxa cadde Muuse Jecel yahay oo ay u ansixin jireen dalkana ay ilaaween waajibaadka ka saarnaa iyo xilkii loo dhiibtay oo ay u dhaarteen.

Qaar kale oo mushtamaca Puntland ka mid ah ayaa iyana qaba in xiligoodii uu dhamaaday Golaha wakiilada loona baahan yahay in la soo xusho xildhibaano kale oo leh aqoon iyo karti balse aan loo keenin meesha in ay caruurta ku korsadaan oo qura ee loo keeno in ay yihiin kuwii dalka badbaadin lahaa dhibkana ka saari lahaa xisaabtan iyo daacadnimo laimaan lahaa iskuna ay arkaan in ay yihiin kuwo loo baahan yahay ee aan laga maarmin la'aantood.

Si kastaba kalfadhigan sabtida ay ku dhawaaqeen xubnaha wakiiladu ayaanka dhulsugi doonaa waxa ka soo bixi kara ama ka hirgali kara.

Garoowe: "Waan u ooyi doonaa ama waan Gubi doona Cali Cabdi Awaare" Sidaas waxaa yiri Suldaan Siciid...

Xafladii xilka uu ku wareejinayay wasiirkii hore ee Dawladaha Hoose iyo horumarinta Gobalada Cali Cabdi Awaare ayaa hadal dareen leh oo soo jiidasho leh waxaa halkaasi ka jeediyay Suldaan Siciid kaasi oo watay Maah maahyadiisa iyo murtidiisa dareensiisayna shacabkii halkaasi isugu yimid hadal qiiro leh.

Suldaanku waxa uu goobtii xilka looga wareejinayay Cali Cabdi awaare ka soo jeediyay hadal qosol galiyay dadkii oo dhan kaasi oo suldaanku uu ugu maah maahay Cali cabid awaare waxana uu yiri:

Oday indha la' ayaa waxa uu qabay haweenay taasi oo hilibka u calalin jirtay odaygeeda dhecaankana ka liqi jirtay markaas ka bacdi siin jirtay odaygeeda hilibkii oo aan lahayn wax dux iyo dheecaan toona, iyada oo sidaas lagu jiro ayay maalintii danbe geeriyootay haweenaydii uu qabay odayga indha ha la', waa uu u ooyay oo yiri iga daba geeya mar haday dhimatay ana ka danbaymaayee meesha lagu aasay igu aasa, markaas baa la yiri iska aamus wixii alle kuu qoray waad heline gabarna waa laguu donine, mudo kadib ayaa Odaygii indha la'aa loo doonay gabar kale oo loo dhisay tani waxay iyadu samaysay hilibkii ay tii hore calalin jirtay dheecaankana ay ka liqi jirtay ayay tan danbe u tuntay odaygii oo isaga oo sidiisa ah ayay siin say, markaas buu yiri ar qori daba ii keena, maxaad ku falin baa la yiri, markaas buu ku jawaabay hoogtadii baan soo gubin.

Marka Suldaanku hadalkiisa waxa uu ku soo koobay ama waan u ooyi Doonaa Cali Cabdi Awaare ama waan Soo Gubi doonaa oo kan danbe ayaa xumaan doona oo isaga ayaa ka fiicnaan doona ama ka wacnaan doona .

Suldaanku waxa uu goobta ka sheegay oo kale in ay taariikhdu is gurayso wax walba oo nin masuul ahna sheegana ay tahay wax qoran oo aan la iloobayn oo sidii uu uyiri masuulkaasi loo qoray, taas oo aan lagaran waxa uu suldaanku ula jeeday, isaga oo sudlaanku yiri wax walba oo masuul ku hadlo waa in la qoraa oo taariikhda lagu darsadaa.

Wararka Xafiiska: Guddoomiyaha Xisbiga Ramaas - Garoowe
Email: daahirciiro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com