SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FAALLO: Maxaa sababay burburka hadana hor taagan in la helo nidaam iyo kala dambayn  W/Q: Daahir Faarax Afdheere 

Walaahow iyo wasiisi baa soomaalida wehal u noqday !, Wadeecana waagii baryaba way martigaliyeen!!! Hirarka duufaanada colaadeed ayaa halakeeyay!!! hugunka hubka culus iyo kan fudud oo mahiigaanka roobka oo kala ah ayay hoodo iyo nasiib u yeesheen !!! Hal door ah iyo hal duub xiran iyo hal dugsi quraan jooga midna looma aaba yeelin!!! Gumaadka dadka birimagaydada ah waxuu iska noqday wax aan qiimo ku dhisnayn!! Haraagooda iyo firxad koodaba hal-haleel ayay baaruudu u leeftay!!! Kufsiga iyo fara xumaynta hablaha soomaaliyeed waxuu noqday wax aan laga xishoon!!! maxaa habar gablantay!!! imisaa shiiq la dilay ama duq waaayeel ah!!!! Maxaa saqiir sabi ahaa uu ku waayay labadiisi waalid!!! maxaa lamaana isjeclaa ay kala yaaceen oo bari iyo bugux u kala firdhadeen!!! Imisaa qaxday oo uu daal caga gooyay haraad iyo gaajana meel cidka kula naf waayay!!! Imisaa hantidoodi guurtada ahay iyo tii maguurtada ahaydba laga dhaqaajiyay !!!  Imisaa curyaantay oo aan hadana haysan daryeel iyo cid u gargaarto!!!  Imisaa doonyo badda kula caariyeen oo aan la ogayn raq iyo ruux meel ay jaan iyo cirib dhigeen!!!  Imisaase haatan gaajo iyo cudur la il daran cid ka naxaysaana aan jiran!!!.   DAL BA.OW IYO DAD BA,OW YAA KU LEH!!!!!!!. 

Dhamaan waxyaabahaas masiibada ah ee ka dhacay cariga soomaaliya mudadda labaatanka sano ku dhawdhaw ee ugu dambaysay ayaa lagu tilmaami karaa waxyaabaha ugu cajiibsan ee ka dhaca caalamka. 

Waxaase wax lala yaaba ah in uu weli arinku yahay, Fari kama qodna faanoole!!!, waayo waxaa cad in umadda soomaaliyeed weli aanay ka waantoobin dhibaatooyinkii ku dhacay iyo wixii sababayba, waa ay haboonaan lahay inuu darsin u noqdo  rafaadki iyo dhibki ay mareene, waxaa nasiib daro noqotay in dadka soomaaliyeed weli uusan dareenkoodu siin bal inay daba qabtaan haraagooda oo ay badbaadaadiyaan. Caano daatayba dabadood la qabaye!!!, weli soomalidu kama aysan bislaan Hadimadii iyo Halaagii ay horay ugu hoobteen!!!! CAJIIB. 

Waxba yaysan arartu ila fogaane haddii aan usoo laabto ujeedada qormadaan ayaa waxay tahay,  Bal maxaa sababay burburka hadana hor taagan in la helo nidaam iyo kala dambayn? 

Iyadoo ay dadku ku kala duwan yahiin aragtiyadooda ayaa anigu waxaan qabaa inay su, aashaas jawaabteedu tahay laba arimood oo aad u waaweyn kuwaasoo kala ah 1):- Qabyaalad 2):- Cadaala darro.       

Waxaa aan marnaba shaki ku jirin in labadaan arimood ee qabyaaladda iyo cadaalad daraddu ay yihiin, kuwa sababay burburka hadana hor taagan in la helo nidaam iyo kala dambayn.

Waxaa hubaal ah in labadaas arimood ee aan kor ku xusay ay hadana sii yihiin kuwo si gaar ah isula shaqeeyo oo isku daba nudan, waayo jacaylka ay soomaalidu u qabto qabyaaladda ayaa markasta kala waynaaday inay u dhaqmaan qaab cadaaladeed.

Hase yeeshe e bal aan labaadaas arimood ee qabyaaladda iyo cadaalad da radda mid walba wax ka iraahdo. 
 

1):-  QABYAALADDA.  Inta aan u guda galin qodabkaan marka hore, waa maxay qabiilku? Bal aan isku dayo inaan qeexitaan ka bixiyo qabiilka, anigoo qeexitaankayga ku salaynaya qaabka uu soomaaliya oga jiro. 
 

Qabiilku waa abtirsiimo fog oo aan la hubin inuu u jiro sida loogu abtirsado, kaasoo ay dadka soomaaliyeed badankoodu ka hormariyaan danahooda mihiimka ah ee aduun iyo aakhiraba. 
 

Hadaba aqristoow mar haddii uu xaalku sidaa yahay oo uu qabiilku iska yahay wax aan qiimo ku dhisnayn, Waa yaabka yaabkiise!!! goormay soomaalidu ka ilbaxi doontaa Reer baaquli, iyo reer abriiq iyo anagoo reer tarmuus ah   miyaysa garanwaayeen inay kuligood isku wada yihiin ilmo maacuun?!!!!  
 

Qabyaaladu waa tan sababtay burburka iyo xaaladda murusan ee soomaaliya walina hortaagan in la helo nidaam iyo kala dambayn, waana astaan caan ah oo lagu garto soomaalida oo ay kaga duwan yihiin bulshooyinka kale ee dunida, marka loo fiiriyo qaabka ay u isticmaalaan oo aad u xun; taas ayaana sababtay in caalkamka intiisa ka hor maro soomaalida. 

Muran kama taagno in qabyaaladdu tahay midda abuurtay kalsooni darradda iyo in bulshada soomaaliyeed ay kala qoqobanto;  Isla markaana keentay in lagu hungoobo, Hanashada hogaamin dhaba oo badbaadiso inta yare ee dadka soomaalida kasoo hartay.  
 

Mar haddii ay caddahay in qabyaaladu tahay mida sababtay burburkaan  walina hor taagan oo caqabadda ku ah xal ka gaarida arinta murugtay ee soomaaliya;

waxaa hadaba haboon inaan is waydiino, Maxay soomaalidu ay oga gudbi kartaan cudurkaan saamaayeey ee qabyaaladda?

Waxaa aan qabaa inaan oga gudbi karno inaan qabyaaladda booskeedi ku bedalno, Isku tixgalinta arimaha ay ka midka yihiin:- Diinta, Saaxiibtinimadda, Macriifadda, Derisnimada, Isfahanka, ku dhaqanka caddaalladda, IWM.

Haddii aan sidaa yeelno waxaa hubaal ah inaynu ka gudbi karno masiibada qabyaaladeed ee nagu habsatay qayrkeena naga reebtay. 

2):- CADAALAD DARRADDA.  Cadaaladdu waa shay qaali ah oo aan la,aanteed aanay marnaba suurtagal ahayn inuu jiro nidaam kasta oo dunidaan guudkeeda kajiro.   Waxaa aan marnaba dhici Karin haddii aanay cadaaladi jirin in la helo nidaam iyo kala dambayn.

Hase yeeshee dad fara badan oo ku wareeray arimaha soomaaliya marnaba isma aanay waydiin in dhibaatada ugu wayn ee soomaaliya ugu wacan burburka ay tahay caddaallad darro.

Waxaa aan horay kor ugu xusay in qabyaaladda iyo cadaalad darradu ay wada shaqeeyaan, sidaa awgeed haddii dadka soomaalidu badankood ay aad ula wayn tahay qabyaaladdu waxaa la oran karaa cadaalad daradana ka jirto soomaaliya waa mid ay dadku ugu dhaqmaan qofqof. 

Arimaha ugu wayn ee cadaalad daradda soomaaliya ku habsatay keenay,

Ma, aha qabyaaladda oo kaliyee waxaa kamid ah dhaqaalo xumo dadka qofqof u saamaysay, waayo haddii dad fara badani ay haysan lahaayeen meel ay ugu hagaagaan nolashooda maalmeed waa ay ka maarmi lahaayeen,Hanqaltaag fara badan oo u horseeda inay ku dhaqmaan cadaalad darro iyo fekarka ah in wax la duudsiiyo oo qori caaraddiis wax lagu raadiyo. 

Isku soo wada duuboo labadaas arimood e caddaalad darada iyo qabyaaladdu waa kuwa na dhigay meesha maanta aan joogno. walina hortaagan xalka. 

Ugu dambayntii aniga oo soo afjarayo qormadaan ayaa waxaan rumays nahay , haddii bulshada soomaaliyeed ay si wada jira oga shaqeeyaan sidii ay oga gudbi lahaayeen labaddaan cudur ee qabyaaladda iyo cadaalad darrada, ayaa waxaa hubaal ah in ay ku guulaysan karaan helitaanka nidaam iyo kala dambayn u horseeda dibu dhiska qarankoodii dumay.

Daahir Faarax Afdheere  
 

EMAIL:  gulan1969@yahoo.co.uk 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com