SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xirsi Ismaciil Sanweyne oo Isu Sharaxay Jagada Madaxweynaha Puntland....

Waxaa si toos ah u shaaciyey inuu u sharaxan yahay jagada madaxwaynaha Puntlanad Dr Xirsi Ismaciil Sanweyne oo ah Aqoonyhan ku xeel dheer Maamulka iyo dhaqaalaha.

sanwayneXirisi Sanweyne oo ah Siyaasi siweyn looga yaqaan dalka Soomaaliya waxa uuna xilal sare ka soo qabatay dawladii Lixdamaadkii waxaana uu Ka gaaray Maamule Bangi intii ka danbeysay Lixdankii ilaa todobaadankii waxa uu shaqooyin heer Maamul ah kasoo qabatay Bankiyo Caan ka ah dunida oo ku kala yaala dalalka Khaliijaka iyo Yurub.

Xirsi sanweyne waxuu kaloo soo maray ganacsi xoogan uu ka sameyey dalalka Carabta iyo Bariga Assiya waxuuan xiriiro adag la leeyahaya gancasato, aqoonyahano iyo rag xilal sare ka haya dunida.

Intii lagu jiray mudadii burburka xirsi waxuu kaalin xoog leh soo qatay nabdeyntii dalka.

Waxuu jago ka soo qabatay ururkii SSDF oo ka ahaa ninka u qabalisan ganacsiga iyo xiriirka Caalamiga ah markii Puntlanad la dhisaayey waxuu ahaa odyasahii Bud dhiga u ahaa talooyinka wax ku oolka ah ka bixinaayey.

Intii ka danbasay Xirisi Sanweye waxuu noqday Xildhibaan qaran xiligii dawldii Carta isagoo markasana ka muuqday doorkii siyaasdeed ku adaanaa.
Xirsi ismaciil Sanweyne
Xirsi ismaciil Sanweyne

Xirsi waxuu kaloo si weyn uga dhex muqday shirarkii dib u heshiisiinta Soomlieeyeed.

U soo istaagidda Xirsi Xilka madxatinimda Puntland ayaa waxaa soo dhoweyey dad badan aqoon u leh waxqabdkiisa.

Waxuuna shaac ka qaday inuu wax weyn ka bedeli doono hanaanka maamul ee hataan ka jira Puntlanad.

Xirsi sanweyne oo hataan ku sugan Cariga Ingiriska ayaa is sharaaxdiisu ku soo aaday xili ay puntland ka jirto amaan xumo waxuuna sheegay inuu wax weyn ka qaban doono.

Sidoo kale sharaxaada xirsi ayaa waxaa si weyn loga soo dhoweyey dalal badan oo imaardka carbu u horeeyey oo jaaliyadaha ku nool durba ay diyaariyeen qaban qaabo looguu jiro soo dhoweynta xirsi.

Sidoo kale magaaloyinka puntland ayaa hataan waxaa ka socda abaabulo ku aadan imaatinka musharxaan awooda siyaasdeed leh.

Waxaana dadka siyaasadda saadliyaa ku tilmaameen inuu yahay ruug cadaa dhaafin kara reer Puntland Xiliyda kala guurka.
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com