SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qoraal ka soo baxay Xisbiga Ramaas - Garoowe...

Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya Kalfadhiga Golaha wakiilada ee Lagu wado in uu maanta ka furmo Xaruntooda Garowe kaasi oo lagu shegay in uu yahay Kalfadhi aan caadi ahayn ayuu gudoomiyuhu warbixintiisa kaga waramay ajnadaha iyo waxa ay yihiin ka baarlamaan ahaan isaga oo ku tilmamaay in ay yihiin iska soo fadhiyayaal aan wax dan ah shacabka u hayn in ay lacago guno ah afka loo galiyo maahane.

Sido kalena ay miirteen dhiiga shacabka Puntland loona baahan yahay in wax laga qabto ka shacab ahaan ee aan la daawan waxaana quman in kal fadhigooda la joojiyo oo ay shacabku joojiyaan maadaama ay yihiin iska soo fadhiyayaal aan wax Go'aan ah gaari karin arina aan hor is taagi karo wasiirna aan la xisaabtami karo Cadde Muusana aan go'aan ku diidi karin oo ay fuliyaan oo qura wuxuu damco.
Ramaas Ciiro
Daahir C/qaadir Muuse Leedo
daahirciiro@hotmail.com

Gudoomiyuhu waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka fakaraan aayahooda mustaqbalka is la markana ay dhag u la haadaan waxa ku soo wajahan iyo doorashada soo socda taasi oo uu Gudoomiyuhu ku tilmaamay mid u baahan ka fakar dheeraad ah cida aad u dooranaysid madax iyo in ay san la mid noqon madaxda hada Puntladn Hogaanka u haysa kuwaasi oo looga bartay buuyiri Gudoomiyuhu Hogaan jilicsan oo aan wax macna wayn ah dalka iyo dadka u hayn.

Gudoomiyaha Xisbiga RPP daahir Ciiro waxa uu uga digay Shacab waynaha Puntland in ay iska dhaga Tiraan waxa dantooda ah ooa y ku haleeyaan Golle baarlamaan ah kuwasi oo iib saday Masiirkii Umada Puntland mar horena miirtay Dhiigoodii hadana u diyaar ah in ay is daba raaciyaan xoogaaga yar ee u harsan.

Sanadka Cusub waa in uu ahaadaa mid ka duwan kuwii hore shacabkuna ay la soo baxaan Xisaabtan iyo kala xulasho dadka wax qabanaya iyo kuwa dhiigmiiradada ah is la markaana ay ahaadaan kuwo u dhaga nugul danahooda mustaqbalka dhaw iyo kan Fogba Geedkaad maanta beertaa waa kaad Lixdan jirkaaga Harsanaysid.

Si kastaba ha ahaadee Gudoomiyaha Xisbigamucaaradka ah ee Ramaas Daahir Ciiro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde Muuse ee uu ku kala diray Golaha wakiilada Puntland isaga oo ka carooday Su'aalihii laga waydiiyay Xaalada Gobalka Sool waxana uu yiri Gudoomiyuhu markii horeba ma ahayn in la doorto nin ka caroonayay waxa dantiisa ah hadii aad ka caroonaysid Su'aal afka lagaa waydiyay Maxaad madaxwayne Umada ugu noqonaysay oo aad isu soo sharaxaysay, Hadii aad ka caroonaysid Su'aal lagu waydiiyay sidee isaga dhicinaysaa Cadawga Sool qabsaday ma ka gaban mise waad u caroon yaad ka carootay yaadse u carootay waa yaabe.

Waxaan uga digaynaa Umada Reer Puntland in aysan mardanbe wixii ku dhacay oo kale aysan ku dhaqaaqin iayga ayaa isugu wacan in ay doortaan wax xun waana waxaas ooo miiran waxa aan Dadka iyo Dalka Uga digaynaan.

Umadi ma halowdo imaa ay iyagu is Halaabiyaan oo ay ka leexdaan jidkii alle Yiri raaca maahane umadii leexatana alle wuxuu ku qadiyaa nimcooyinkiisa waxaana ku dhaca Hoog oo dhan ilaa inta ay ka toobadkeeenayaan.

Waxaan Umada Reer Puntland u sheegayaa in ay qabsadaan dariiqa alle is la markaana ay ka fakaraan Dantooda gaarka ah iyo tooda Guud is la markaana ay la Xisaabtamaan madaxdooda oo aysan iska daawacan xumaan iyo samaan waxa uu samaynayo ee ay u sheegaan waxa uu ku qaldan yahay iyo waxa uu ku saxan yahay kana fakaraan Mustaqbalka iyo Doorashada Soosocda.


Gudoomiyha Xisbiga Ramaas
Daahir Ciiro
daahirciiro@hotmail.com
Telk:747090
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com