SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mala Yaabtaa Xirfadaha ….Waxay Ila Tahay ?

Maxamed Jaamac

USA 

Waxaan marka hore doonayaa inaan u mahad celiyo dadkii ila soo xiriiray markii ay akhristeen maqaaladii aan ku soo qoray Somalitalk.com badankiina waxaad I weydiiseen maxaa xal ah ama dhalintu ay qaban karan?

Marka hore, Dhalinta howsha kaligood ma laha, duqoyadanna in la sooco ma haboon, waxaa haboon xeelada nagu dhacay inaanu ka tashno oo cid walba waxay og tahay sheegto si aan u wado helo daraasad ku salysan siyaasada shabeel naagoodka ah, si aanu u fahno oo cirbaha ugu dhigno. Waa howl noo wada taal yar iyo weynba. 

Aan kuu qiro waa howl adaga oon si fiican loo darsin kol hore iyo hadaba. Waxaase hadda jirta inay furantay daaqada daraasaadka. Tusaale, shirkii lagu qabtay Jabuuti ee aqoonyahannada Soomaaliya iyo Jabuuti. Iyo mid sannadle ah oo ka dhaca Sweden jaamacad ku taala laguna casumo aqoonyahano geeska Afrika.  

Jirto, wadan tacab qori galay, wadan ay dhalintiisii goosteen inay is dilaan, wadan wax garadkiisii soo kaxaysano cadow,..

wadan wixii xumaa loo macno/ meel dayeyo, wadan aqoonyahnadii isku milayaan siyaasada iyo qabyaalada ….. xalkeedu ma sahlanda. Dhinac kale cadowguna uu raqiijinayaa fikirkaas mana doonahayaan inaanu ka siibanao sirqintaas.  

Farshaxanka Siyaasadeed;

In Soomaaliya ay noqoto dhul qurbqurb u kala daata, oo in yarba ay gooni ahaanteeda ay u qaabmaysanto oo ay raali ku noqoto una fuliso si dhib yar damac walwaalayaasha. dhinaca kale waa arrin taariikhdeena ku cusub gumaysiga ka dib, walaal farshaxankaan kuma iman maalin kaliya. Ma fahnay taa horta?

Qayb ka mid ah farshaxanka siyaasadeed;

    • Unugyo Hurda; waa xubno ka mid ah bulshada oo loo tabo baro inay qarsoonaadaa oo kolkii la rabo lagu shaqaysiiyo. Waxbarashadooda ama tabobarkooda ku soo dhamaystay dowlada kale.
    • Jaajuusiin; dhowr ayey u qaybsami karaan, mar wuxuu noqon karaa mid mushahar maalinle ah, mid joogto ah iyo mideey cabsi u gayso.
    • Madax salaax; kan labadaas kama foga wuxuuse dheer yahay waxaa had iyo goor lagu hadal hayaa fagaaraha, gogoshanna waa loo sii diyaariyaa.
    • Toostoosiyaal; qaybtan waa qaybta toostoosisa kuwa loo madax salaaxayo.
    • Qabiilka; waa sida ay ku shaqeeyaan kuwa loo madax salaaxo iyo toostoosiyaasha waa qabyaalad.
    • Shidaalka;  abuurid xoog daacad u ah soo saarasyaasha shidaalka
    • Badweynta; iska daldalshada kaluunka iyo shidaalka
 Wax qarsoon ma ah in Itoobiya na liqday. Ma libaaxa qaybtiisa cunaya ayaan ka hadalnaa mise dawacada wax qaybisay?

Hadaad is weydiiso su’aashaas Jawaabteeda waxaad ka dhex heli qodobada farshanka ee aan kor ku qeexay. Hadaad isu fasiri karin ooy kugu adkaato inaad fahanto dibin- daabyada siyaasadeed waxaad uun ku soo koobtaa Urata Saadaali Aageeda. 

Asal Raac; Ushaada nimaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa.

Maanta waxa taagan kama duwana xawaali 120 sanno ka hor, markii uu dhulka

Ogaadeenay uu Ingiriiska doorinsiiyey shacabka cid ay rabaan inay ku sii hoos jiraan. Odayaashii waxay isku miisaaneen Ingiriiska iyo Xabashida. Waxay  doorteen Xabashidii. Sababta la sheego inay sidaas u sameeyeen ayaa lagu sheegaa fikirka ah Ushaada nimaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa.

Maanta sida ay wax garadkeenu u hadalaan miyeysan isha ka ridin taladaas?

Soomaalida Ogaadeenya degan waxay yiraadaan Xabashigu mar buu qabsaho lahaa waa markii uu dameerada ku guuri jiray.

Dibaatada ka jirta Ogaadeenya;

  1. Maamul maqaar saar ah oon ka daalayn dabo dhalinimada
  2. Maqnaanshaha xuquuqul insaanka.
  3. Godaamin magaalooyin iyo dil, xarig, kufsiga iyo cabsi joogto ah.
  4. Wax la yiraahdo Is ka shif, Baro kicin iyo Arxan darrada
  5. Dabargoynta aqoonyahanada

Barbardhig Soomaaliya? 
 

Ifin.

Waxaad aragtaa ifa-faale la mid ah kii dhulka iyo dadkii Ogaadeenyaba ( S/ galbeed) lagu qaatay, waxaad aragtaa arxan darada soo korortay, waxaad aragtaa maqaar saarka, waxaad aragtaan kufsi, waxaad aragtaa go’doominta iyo baro kicinta iyo far isku fiiqa. 
 

Shakhsiyaadka fuliya maamulka ee hoos yimaada Cadowga;

Ugaasyada, Profosoorada, konellada iyo odayaasha waxaad ogaataan;

  • Maamul jacayl kiinii waxaa ku baro kacay ku le’day hogaamiyaashii barri.
  • Inaad wadankii galiseen taariikh madow oo in la furfuraa ay u baahan tahay juhdi badan.

.Maadaama uu wadankii oo dhan kala qaybsan yahay dabkana saran yahay, waa xaqiiq sida kaliya ee looga bixi karaa ay tahay wad hadal taasoo lagu xaliyo khilaafka, waan meesha iminka laga lee yahay dib u heshiisiin 

Waxaa laysku haystaa haddii ay tahay labo arrimood;

  • Siyaasad.
  • Xurguf qabiil.

Inta aan la gudo galin waxaa muhiim ah;

    1. In qabyaalada siyaasada ah la joojiyo
    2. In Itoobiya xoog looga saaro Soomaaliya.
    3. In nabada laga soo unko geed hoostiis.
    4. In qurbo jooga qabyaalada dhaafo.

Ka dib, howlgalka farasmeed ay noqoto, marka hore; la sameeyo Barta Cafiska

  1. In ruux walba uu ku dhawaaqo meel fagaare ah inuu dar alle uu u bixinayo cafis guud eex la’aan uu ka shaqayn doono.
  2. Marka labaad inaad qaabisho cabsidaada ah in qabiil kale uu maamulka qabsan doono, oo aad tiraahdo waa xaq in qof kasta loo dooran karo maamulka.
  3. Marka seddexaad waa in aad la timaado meesh ka madax banaani Qabyaalad.
  4. Gobol walba uu soo dirsado dad u matala dib u gorfeynta xaajada.
  5. Gudigaas ay magacaabaan gudid dib u heshiiseen.
  6. Deedna uu gudiga dib u heshiisiinta isagoo arkay fikirada oo dhan uu jawaab iyo talo bixinba u diraa Gobolada, haddii ay jirto talo raacin ka jawaabaysa, waa in wakhti lagu xadido deedna, shir salbaaran la sameeyaa.
  7. iyo iyo…

Intaas ka horna, waa in la ciyaaraa siyaasada ah diblomaasiyada oo lagu tartarsiiyaa UN(Libaaxa) uu keeno ciidamo qaramada midowbay ka socda. Laguna khasbaa in Itoobiyaanka ay hoos timaado daladaas. Ka dibna wakhti loo qabto doorasho axsaab sharci ah.  
 

Waa khalad Ushaada nimaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa. 
 

Saaxiibkaa walaalkaa

Maxamed Jaamac

Maxamedabdi321@yahoo.com  
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com