SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Baarlamaanka soomaaliya ayaa la micna ah “hal libaax arkaysa ma godlato”   By. Daahir Faarax Afdheere. 

Abwaan soomaaliyeed ayaa horey uyiri:-“ Baarlamaan aan run aqooniyo shacabku way isla raftaan” hase yeeshee waxaa maanta uu xaalku yahay:- Baarlamaan aan xor ahayn iyo shacabku waysla raftaan !!!!!!   

Baarlamaanku waa hay,adda ugu saraysa qaran. Waana hay,adda sharcidejinta (leggislativo) kaasoo leh magaca kale ee golaha shacabka (Asamblea di popolo) oo micnaheedu yahay inuu metalo shacabka kaasoo markasta loo baahan yahay inuu ka turjumo rabitaankooda . 

Hadaba inkastoo soomaaliya looga dhawaaqay xubno baarlamaan oo uu fadhigoodu yahay magaalada baydhaba ayaa hadana xubnahaasi waxaa ay iska yihiin kuwo maqaarsaar ah ( Formale) oo aan cod iyo awood toona lahayn,  sababtu ugu wacana ay tahay in wadanku aanu ahayn wadan xor ah oo uu haatan gacanta ugu jiro ciidamada itoobiya, kuwaasoo caqabad ku ah talaabo kastoo ay qaadi lahaayeen xubnaha baarlamaanku .

Taas ayaana keentay in xubno badan oo baarlamaanka ah ay la soo deristo cabsi iyagoo markastana og  halkii ay mareen asxaab fara badan oo ka horeysay oo ugu waynaa shariif xasan. 

Waxaa dad fara badan ay rumaysan yihiin haddii xubnaha baarlamaanka soomaaliya ay xor yihiin in aanay marnaba suurtagal noqateen arimo fara badan oo ay kamid yihiin:-

  1. Xasuuqa iyo barakacinta lagu hayo shacabka reer muqdisho, waayo waa shacabkii ay metalayeen kan har iyo habeen madaafiicda lagu harqinayo cid ka hadashaana aan jirin.
  1. In madaxwaynaha iyo ra, iisul wasaarahu ay sameeyaan waxii ay doonaan. Baarlamaanka oo labadoodaba ka sareeyana aanu ka hadli karin

Waxaa tusaale fiican noqan kara ra,iisul wasaara nuur cadde ayaa isagu sameeyay wax aan la maqal oo aan la arag, isagoo soo dhoodhobay xubno wasiira ah oo aan xaq ku dhisnayn, kuwaasoo khilaafayo nidaamkii fedaraalka ahaa ee kal hore soomaaliya looga dhawaaqay. waxaana arintani xataa ay ka yaabisay beesha caalamka, taasoo sababtay in qaar kamida xubnahaasi ay is casilaan.     Inkastoo la sheegayo in

Raisul-wasaare nuur cadde uu doonayo inuu wax ka bedelo xukkuumadiisa 

Hadana magacaabidaan uu ku dhawaaqay waa mid ka caraysiisay dad badan, isla markaana lumisay kalsoonidii ay shacabku ku qabi lahaayeen, Mar haddii uu ku fashilmay talaabadiisi ugu horaysay. hase yeeshee baarlamaanka sow ma aha midkii kula xisaabtami lahaa dhamaan talaabooyinkaas Khaldan.  

Inkastoo ay cadahahay in xubnahaan baarlamaanku aanay ahayn kuwo xor ah hadana waxaa meesha ku jiro oo in la xuso mudan in iyagu qudhoodu ay u kala qaybsan yihiin dhaw arimood:- 

  • Mid cabsi ku jirto oo horay loogu hanjabay
  • mid laaluush yar qaatay oo aan dan iyo muraadba kalahayn waxa dhacaya
  • Mid uu ka buuxo qabiil iyo aargoosi oo ay maskaxdiisu ka ay guuxayso waxii soomaalida horey u kale gaaray .
  • Mid aan waxba qorin waxna aqrin oo aanba ogayn, qodabka laga doodayo shaqadiisuna ku kooban tahay inuu soo buuxiyo kursiga ku yaalo hoolka A.D.C-da baydhabo. lax dhukani col iyo abaar moog.
  • Iyo mid iska aamusay oo yiri “ afkiibaa juuqda gabay”

Dhamaan arimahaan aan kor ku xusay waa ay jiraan oo majirto cid aan waydiinayo waayo shacabka soomaaliyeed wax ka qarsoon majiraan        “ kor waayeel waa wada indho” soomaalidana waa in yar oo is taqaan oo wax u kala qarsoon majiraaniin. 

Waxaa kale aan jeclhay inaan xuso in  xildhibaanadaan baarlamaanka ee maqaar saarka ah ee baydaba fadhiya, xoriyad la aanta haysata ka sakow

Badankood aanay lahayn wax aqoon ah oo lagu soo xulay,  intooda badana daaqada laga soowada galiyay iyagoo sita shaati wayn oo uu qabiilkooda usooo galiyay.!!!!

Waxaase wax lala yaaba ah!! Mar haddii baarlamaanku yahay hay,adda sharci dajineed ( Leggislativo) sidee baa xildhibaan loogu aqoonsan karaa qof aan aqoon u lahayn sharuucda. Cajiib !!! 
 

Inkastoo xildhibaanadaan reer baydhabo ay ku jiraan rag  fara badan  aqoon sare leh hadana aqoontoodu waa hal bacaad lagu lisay oo wax qiima ah kumo fadhido  waayo aqoontooda waa midii loo baahnaa inay ugu adeegaan dadkooda iyo dalkooda dhibaatadu ku habsatay. haddiise kuwaan aqoonta leh ay og yihiin in aanay xor ahayn sow uma banaanayn inay is casilaan. 

Isku soo wada duuboo waxaa dhab ah in qaar badan oo uu codkoodu shaqayn lahaa haddii ay xor yihiin ay u adkaysan kari waayaan xaqdarada iyo tacadiga haysata shacabkooda,  hase yeeshee cabsida farada badan ee ay qabaan iyo hanjabaad yada lagu hayo ayaa ka dhigayo inay la micna noqdaan” HAL LIBAAX ARKAYSA MA GODLATO”  

                Daahir Faarax Afdheere

               Email: gulan1969@yahoo.co.uk 

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com