SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO

Saxafi afduub loogu gaystay maamul goboleedka oo la sii daayay.

Maamul goboleedka p/land ayaa sheegay in si sharuud la'aan ah lagu sii daayay saxafi mudo sagaal cisho ah afduub loogu haystay duleedka magaalada boosaaso kaasoo mar dhaw ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Kadib sagaal cisho oo uu ku jiray gacanta kooxo afduubayaal ah wariye u dhashay wadanka faransiiska kaasoo kaamira maan ahaa xalay ayuu ku guuleysatay maamulka Puntland siidaynta suxufigaasi.

Suxufigaan ayaa markii lagu guuleystay in la sii daayo waxaa la keenay hotelka international oo ay dhawaanahaanba kusugnaayeen diblamaasiyiin faransiis ah oo ka kala socda safaaradaha faransiisku ku leeyahay magaalooyinka Nairobi iyo jabuuti kuwaas oo dhowr maalmood ka hor boosaaso u yimid sidii loo sii deyn lahaa saxafigaan

wasiirka cusub ee wasaarada dekaddaha kaluumeysiga iyo qiiraadka badda ee dowlad goboleedka p/land axmed siciid awnuur oo ah ergayga loo xilsaaray arrinta siideynta suxufigaan ayaa sheegay in lagu guuleystay siideynta suxufigaan iyadoon la bixin wax madaxfurasho ah.

Wasiirka oo la waydiiyay in p/land ay saxafigaan maxkamad saari doonto maadaama uu si qaldan ku soo galay gobolka ayaa waxaa uu sheegay in maamulku cafiyay.

Wariyaha ayaa sheegay in si aad ah uu ugu faraxsanyahay in uu noqdo xor islamarkaana waxaa uu sheegay in qoyskiisa iyo saaxiibadiis uu dib ugu laabanayo.

Diblamaasi wadanka Kenya u fadhiya faransiiska oo ka mid ah wefdiga p/land tagay ayaa waxaa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan saxafigaan dalkiisii ay ugu celinayaan si uu ciidan kiristaanka qoyskiisa ugala qeyb galo.

Siideynta saxafigaan ayaa timid kadib kulamo maalmo qaadanayay oo gaar gaar u yeelanayeen diblamaasiyeen dowlada france ka socda gudi maamulka p/land arrintaan u saaray oo uu guddoomiye u yahay wasiirka ganacsiga ee Puntland c/samad Maxamed abwaan iyo dadaalo ay dhinacooda ka wadeen nabadoonada gobolka.

bashiir cumar cali

bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com