SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JIGJIGA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
25 December 2007.

Dagaal ka dhacey Jigjiga korkeeda iyo JWXO oo Jeexdin qabsatey.
Jaaliyad cusub oo Ogadenya ah oo laga aas-aasay wadanka Belgium.
Riwaayadii "Xasuuqii shacabkayga xisaabaa ka danbeyn" oo ka dhacdey magaladaToronto ee dalka Canada .
Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya oo HAL SANO jirsatey
Ururka Hooyooyinka iyo gabdhaha Ogadenya ee Denmark oo xaflad iyo shir abaabul isugu yimid magaalada Copenhagen.
======================
Dagaal ka dhacey Jigjiga korkeeda iyo JWXO oo Jeexdin qabsatey

Dec 24, 2007 Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya inay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO) weerar ballaadhan ku ekaysay goobta shidaalka laga qodi jiray ee Jeexdin halkaas ooy daganaayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan Milatariga Itoobiya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jabhadu qabsatay goobtii dagaalku ka dhacey, iyagaoo halkaas ku qabsaadey saanad Milatari oo badan. Dagaalkan ayaa dhacey dabayaaqada todobaadkii hore.

Sanadkii 1998 ayay ahayd markii ay shirkad Shiinaha laga leeyahay oo shidaalka qodi jirtayi iskaga huleeshay ceelka Jeexdin kadib markii uu kaga dhintay hal Injineer.

Bishii April ee sanadkan 2007 ayay JWXO weerar kan oo kale ku ekaysay goob Shiinuhu ka baadhayay shidaal oo ku taalay tuulada Cobole oo u dhow Dhagaxbuur, waxayna halkaas ku dileen ciidan aad u tiro badan oo ka tirsanaa milatariga Itoobiya iyo 9 Shiine ah oo ah kuwii ka shaqaynayay goobta shidaal qodista.

Wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya Seyum Mesfin ayaa waraysi uu siiyey Wakaalada wararka AFP ee wadanka Faransiiska kasoo baxada todobaadkii hore ku sheegay in ONLF dagaal ku wado xeryaha Ciidamada Itoobiya iyo goobaha Shidaalka ay Itoobiya ka qodato.

Hadalka ka soo yeedhay Seyum Mesfin ayaa ah qirasho uu qiranayo daagaalka JWXO ku hayso Ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale, bishan Dec 21 ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada wadaniga Xoreynta Ogadeniya dagaal ku qaadeen Kubcad oo ku taala duleedka Magaalada Jigjiga, halkaas oo khasaare lixaad leh loogu geystey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, inkasta oo aanan weli helin faah-faahinta dagaalkaas.

Jaaliyad cusub oo Ogadenya ah oo laga aas-aasay wadanka Belgium.

Dec 24, 2007 Wafti uu hogaamino gudoomiyaha Jaaliyadda Ogadeniya ee Jarmalka mudane Maxamed Axmed Raabi ayaa booqasho qaadatay muddo saddex casho ah ku gaadhay waddanka Beljam(Belgium).
Guddoomiyaha oo lagu soo dhaweeyay magaalada Antwerpen, ayaa imaanshihiisii kadib kulamo gaar ah layeeshay dadweynaha magaalada Antwerpen, kadibna socdaal ku soo maray magaalo madaxda waddanka ee Brussels, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay dadweyne kale oo xiisaynayay dhisida Jaaliyada cusub.
Hadaba Maalintii Isniinta ee Bisha Dec 17/12/2007 ayaa gudoomiyuhu ka qaybgalay shirkii aasaasidda Jaaliyadda Ogaadenya ee waddanka Belgium, kaas oo kadhacay Magaalada Antwerpen.
Furitaankii xafladda kadib, ayaa mudane Raabi lagu soo dhaweeyay in uu ka warbixiyo safarkiisa.
Salaantaa dabadeed, Mudane Raabi wuxuu hadalkiisii ku bilaabey "sida aad lawada socotaan xaaladda dhulkeenii iyo dadkeenii uu kusugan yahay iyo guud ahaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya waad lawada socotaan, sababahaa darteed ayay xaalka maanta taagan wuxuu noqday nin walbow naftaa."

"Taas macnaheedu waa cidkastaa adigu isku tasho, haddaba haddii aynaan maskaxdeena, muruqeena iyo maalkeenaba aynaan kulminin dadkeena iyo inaguba dhibkan sina uga bixi mayno."
Mudane Raabi wuxuu intaas ku daray "Si hadafkaas loogaadho ayaa wadankasta oo Jaaliyadaheena laga helikaro laga aas aasay Jaaliyad matasha qadiyada Ogadeniya"
Mudane Raabi, wuxuu ka soo qaybgalyaashii ku booriyey in aas aasid Jaaliyad fadhigeedu yahay xarunta midawga Europe ee Brussels ay muhiimad weyn ugu fadhida baahida balaadhan ee halganka Ogadeniya u qabo in saaxiibo loo helo.

Guddoomiyaha Jaaliyada Jarmalka Mudane Raabi oo khudbadiisu dheereeyd aadna uga hadley taariikhda Ogadeniya, heerka halganka Ogadeniyo maanta marayao iyo marxalada siyaasadeed ee hadda taagan ayaa gabagabadii faray dadweynihii kasoo qaybgalay shirka in midnimadu tahay furaha horumarka kasta
Dadweynihii ka soo qaybgalay kulankan ayaa Gudoomiyaha socdaalkiisii uga mahadceliyay, waxaa kale oo ay dadweynuhu uga mahadcelinhayeen xigmadaha dadka ka qosliyay ee uu guddoomiyuhu mararka qaar ugu hal qabsanhayay iyada oo uu islamarkaana siiraacinhayay dhacdooyin dadweynaha qiiragaliyay.
Ugu danbayntii, waxaa la isku raacay in si ku meelgaar ah looqaato magaca jaaliyadda waddanka Jarmalka ee Ogaden Hulporganisatie(Ogaden Hilforganistion e.v.). Kadib waxaa ladoortay guddi ku meelgaar ah oo jaaliyaddu yeelato inta laga gaarayo doorashada guddi rasmi ah.

Riwaayadii "Xasuuqii shacabkayga xisaabaa ka danbeyn" oo ka dhacdey magaladaToronto ee dalka Canada

Maalintii Sabtida ee bisha December ay ahayd 22, 2007 waxaa magalada Toronto ee dalka Canada ka dhacday Riwaayadii la magac baxday "Xasuuuqi Shacabkayga Xisaab baa ka dambayn" oo ay soo diyaariyeen Ururka Ogaden Students Forum ee U.K, waxaana soo qabanqaabiyay Ururka Ogaden Youth Association of Canada. Riwaayadaas oo lagu qabtay hall weyn oo u dhow Toronto International Airport, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u farabadan oo isugu jiray Jaaliyada Ogaadeeniya iyo kuwa Jamhuriyada Somaliya ee ku nool Toronto iyo agagaarkeeda.

Furitaankii riwaayada ka hor waxaa warbixin ka bixiyay ujeedada riwayada Dr. Abdirahmaan Yusuf oo ah aqoon yahan iyo Odey dhaqameed ka mid ah Jaaliyada Ogadeniya.
Riwaayadan oo laga soo dhigey Magaalooyinka Seattle, Sandeigo, Minneapolis ayaa lagu soo gabagabeeyay magalada Toronto ee dalka Canada.

Mudadii ay socotay riwaayadu waxa ka muuqatay dadka wajiyadooda cadho, murogo iyo farxad ay ku jirtay sacab iyo sawaxan aad u sareeyay, iyaga oo mararka qaar la heesaayay fanaaaninta jilaysay riwaayada.

Gabagabadii dadweynihi ka soo qaybglay riwaayada waxay isku raceen in ay riwaayadani matalaysay xaalada dhabta ah ee uu ku suganyahay Dadka iyo dalka Ogaadeenya. Dardar cusubna ay galin doonto halganka shacabka Ogaadeniya ugu jiro aayo katashagiisa.

Isku duhawaha Guud ee Ururka Dhalinta Ogaadeeniya Maxamed Ali (Ordaaye) ayaa u mahad celinayay dhamaan dadkii ka qaybqaatay qabanqaabada riwaayada iyo labada idaacadood ee Radio Ogaal iyo Codka Beesha Soomaaliyeed oo ogaysiiyay dadweynihii ka soo qaybgalay.

Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya oo HAL SANO jirsatey

Dec 25, 2006 oo ahayd Maalin dadka Masiixiiynta ahi ay u dabaaldegeyeen dhalashadii Nebi Ciise ayaa xaalada Soomaaliya isbedel aad u weyni ku yimid, xiligaas oo ahayd markii Xukumada Itoobiya dagaalka qaawan ku soo qaadey Soomaaliya si buuxdana uga saartey Kooxidi Maxaakiibta magaalada Muqdisho, guushaas Itoobbiya oo hada laga joogo mudo HAL sano ah, ayaa isu bedeshay in Soomaaliya la haysto oo aan la ogeyn Xili ay Itoobiya ka bixi doonto.
Dadka sida aadka ah ula socda arimaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Professor David Shinn oo Jaamacada George Washington wax ka dhiga, isla markaana ahaan jireey Safiirkii Maraykasnka ee Itoobiya.

Mar uu u waramayey Idaacada VOA qaybteeda Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay, in dad aad u badani ilaa hada la yaaban yihiin in Itoobiya ilaa hada joogto Soomaaliya, oo ayna ilaa hada helin wadadii ay uga bixi lahayd Soomaliya. Wuxuuna intaas raaciyey in uu aaminsanyahay in Itooboya dooneyso inay iskaga baxdo Soomaaliya, laakiin ay dareensantahay inay ku banjartsantahay, waxayna aad ula yaabantahay xaalada ay ku sugan tahay. Inkasta oo dad badani ay iska qiyaasayeen in aysan noqon doonin arin fudid

Dr. David Shinn waxa uu sheegay in xaaladu aad u qalafsantahay, wax is bedel ah oo la garaayna uusan jirin, inkasta oo aysan muuqan sidii loga bixi lahaa caqabadan, hadana waxaa lagama maarmahan in dibaatadan lagu xaliyo nidaam sayaasadeed kaas oo ah midka loo baahan yahay.

Ambassado David Shinn oo in badan ku cel-celiyey in loo baahan yahay in arinta Soomaaliya lagu xaliyo nidaam siyaasadeed ayaa tilmaamey in aan weli si aad ah la isagu deyin in arimaha Soomaaliya lagu xaliyo hab siyaasadeed oo lagu cadaadinayo kooxaha isaga soo horjeeda. Wuxuuna tilmaamey in sanadii hore ay habooneyd in culeys siyaasadeed la saaro Dawlada KMG ah, sababtoo ah iyaga ayey ahaayeen kuwa kaarka nabada gacanta ku hayey, maadaama ay Itoobiya taageeraysay. Sidaas tarteed iyaga ayey jirtaa in ay dabacsanaan u muujiyaan kuwa ka soo horjeeda, isla markaana ay ku soo daraan dawladda si loo dhiso dawlad qaran oo loo dhan yahay. Taas oo aysan ilaa hada sameynin, ilaa hadana waxay haystaan fursad qali ayuu yiri Ambassado David Shinn.
25 December 2007
C/nuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2007

somAstaantii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Itoobiyaanku u Bedeley Khariidada Itoobiya
Astaan uu lahaan jirey Garoonka weyn ee magaalada baydhabo ee Ciidamada Cirka qaybta 60-aad oo gebi ahaanba la bedelay, kadib markii Ciidamada Ethobia ay halkaasi ka dhigteen fariisin, warkaas.. iyo col. Nuur Cadde oo ka codsadey in ay laba toddobaad loogu daro muddadii uu ku soo magcaabi lahaa golaha wasiirada cusub, taas oo BDFKMG uu ansiyey durbadiiba.... Dhegeyso/Akhri

nur addeNuur Cadde "….markaan arkey fariimo badan oo dhinacyo kala duwan iga soo gaaraya, waxaan ogaadey inaan qaldanahay"  waxana uu markale ku celiyey in uu soo dhisi doono xukuumad tiro yar Laakiin...

:::Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto xeebaha Boosaaso

caddeDheegyso: Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore... Waxa kale oo uu sheegay in kala-bar xukuumada cusub uu ka keeni doono baarlamaanka bannaankiisa Guji


 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com