SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War Saxaafadeed Shirweynaha Jaaliyadaha Beesha Baadacadde ee Yurub

Taariikhda markey ahayd 25 ilaa 26 kii bishan December 2007 waxaa shir isgu yimid magaalada Gotenborg ee dalka Sweden jaaliyadaha beesha baadacadde ee Qaaradda Yurub.

Shirkaa oo looga dooday Nabadeynta, Horumarinta iyo Midnimada Gobolka Hiiraan.

Dood dheer ka dib waxaa wufuudii shirka ka soo qeyb gashay isku raaceen qodobada soo socda:

  • In laga wada shaqeeya Midnimada iyo Horumarinta Gobolka Hiiraan.

  • In la Sameeyo gudi ka kooban 13 xubnood oo ka shaqeeya hawlaha mideynta iyo Horumarinta bulshada Gobolka Hiiraan.

  • In la abuuro hay’ad samafal oo wax ka qabata dhibaatooyinka bulsho ee gobolka ka jira.

  • In magaca hay’adda noqdo ”HAY’ADDA NABADEYNTA IYO HORUMARINTA HIIRAAN”.

  • In dhammaan bulshada gobolka Hiiraan lagu wacyigeliyo muhimadda ay leedahay Nabadda iyo Midnimada.

  • In shirweyne guud oo lagu dhameystiro dhismaha hay’adda la qabto xagaaga soo socda ee 2008.

Shir Guddoonka Shirka

Maxamed Mudeey Ibraahim
Axmednuur Maxamed Faarax

Maxamed Aden Muumin (Shiino)
mshiine1@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com