SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DEC 28, 2007

PUNTLAND  ‘"AABOOW SIDAAN KUGU LISAY MA ‘AADAN IGU HANBAYNIN"

  • Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
    Somali Political writer
    mrsomalia@hotmail.com


London 28/12/2007

Waxaan doonayaa inaan maqaalkaan kaga hadlo arimo badan oo aad muhiim ugu ah maamulka Waqooyi Bari  ama Puntland & shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos nool.

Sanadu markii ay aheyd 1998 waxaa lagu aasaasey magaalada Garoowe maamul ay si wadajir ah u dhisteen dadka degaanadaas dagan ee Soomaaliyeed , maamul loo bixiyey Puntland xaruuntiisuna tahey Garowe.

Shacabka Puntland

Shacabka dagan gobaladaas  waa shacab Soomaaliyeed oo nabad jecel ogolna inay helaan maamul, kuna wada nool si nabad galyo ah ,lehna nidaam iyo xeerar ay ku wada noolaadaan oo salka ku haya dhaqankii  ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa.

Waxaan baryahaan soo ifbaxaya in gobaladdaas laga soo sheegayo fowdo iyo khalaankhal siyaasadeed oo mug weyn,kuwaas  oo sababay in la afduubo dad ajanabi ah oo howlo shaqo ah ka hayey deeganadaas.


Sawir-Qaade Fransiis ah oo laguafduubay meel u dhow Boosaaso., waxaa la  siidaayey Dec 25, 2007,in ka yar 48saac kaddibwaxaa Boosaaso lagu afduubay labo dumar aoo u shaqayney MSF.....

Dadka adaroosa siyaasada Soomaaliya ayaa ku tilmaamey arimahaan afduubka ah inay yihiin kuwo ku cusub deeganada Puntland,marka laga reebo kuwa baddaheena ku qafasha maraakiibta sida sharci darada ah uga jilaabta loona yaqaan burcad baddeedka Soomaaliya.

Waxaa marag ma doonta ah in gobaladaan lagu tilmaami jirey hada ka hor meelaha ugu amaanka baden Soomaaliya,taas oo aan oran karno waxay ku timid fowdadan hada jirta fashil ku yimid maamulkii 10 sano ka hor lagu unkey magaalada Garoowe ee maamul gobaleedka Puntland,waayo fowdadan waa mid qorsheysan oo maalinba maalinta ka dambeysa sii durkeysa hadaan wax laga qabanin.

Maamulka Puntland

Maamul gobaleedka Puntland oo jira 10 sano hadaan dib u eegno wax qabadkiisa maamul  iyo horumarineed, waxaan oran karnaa waa maamul fashilmey kuna fashilmey inuu wax horumar ah oo la taaban karo gaarsiiyo dadka iyo deegaankaba.

Waxaa xusid mudan in maamulka Pumtland uusan waxbo  ka qabanin dib u dhiska dalka, waayo hadaan isku barbar dhigno dowladii hore ee Soomaaliya,  waxay gobaladdaan ka hirgalisey mashaariic la taaban karo oo dadka iyo dalkaba anfacey ,kuwaas oo aan ka xusi karno :

  • Dekkada Bosaaso

  • Airport Gaalkacyo

  • Warshada Korantada Bosaaso

  • Laamiga dheer ee dhaxmara iskuna xira ilaa xamer iyo hargeysa

  • Isbitaalada ,xafiisyada doowladda iyo dugsiyada waxbarashada.

  • Mashaariicdaas oo dhan ayaa laga wada hirgaliyey gobaladda Waqooyi Bari.

Hasayeeshee waxaa cad in maamulkaan Puntland uu ku fashilmey inuu la yimaado wax qabad dhab ah oo ay ku kasban karaan dadka deegaanadaas ku nool ee Soomaaliyeed mudadii 10ka sanadood aheyd ee ay ka talinayeen gobaladdaas.

Shacabka Puntland ee nabada jecel ayaa ogolaadey ineysan faragalin maamul ku sheega musuqmaasuqa iyo dhaca kheyraadka dalka ku shaqeeya ee ka arimiya Puntland.

Waxaa nasiib xumo weyn ah in  shacabka qiimaha baden ee  ku nool Puntland  ineysan helin maamul gaarsiiya himilooyinkii ay tiigsanayeen.

Ugu dambeyntii waxaan shacabka Soomaaliyeed ee dagan Puntland  ama Waqooyi Bari Soomaaliya leeyahay “xaqaada waa la goostaa ee ma jirto cid kuu garaneysa’’

:BATROOLKA BADDA SOMALIA:
suqadara
Batroolka Soomaalida iyo Yemen, Puntland, Maakhir, Darwiish, Somaliland & DFKMG.. Akhri

Taas oo aan ula jeedo micnaheeduna yahey inaa taladiina u dhiibataan maamul amaano iyo diinba leh,si aad uga hor tagtaan qowleysatada xag jirka ku ah:

·         Dhaca hantida iyo kheyraadka dadka iyo dalkaba

·         Iska horkeenida shacabka Soomaaliyeed ee wada dagan hadana walaalaha ah

·         U adeegida danaha shisheeyaha Soomaaliya ka leeyahay sida Ethopia oo cadawgeena ah

·         La dagaalanka dadka waxtarka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida Culumaa’udiinka ganacsatada ,aqoonyahanka , Siyaasiyiinta iyo dhamaan bulshaweynteena.

Gunaanad waxaa soo dhaw xiligii ummada Soomaaliyeed ka xoroobi laheyd qowleysatadaan xagjirka ku ah dhaca iyo boobka dalka  ,tusaalena waxaa kugu filan arimahaan

·         Puntland & Somaliland dagaalkooda Laascaanood iyo kordhisashada sharcidarada maamuladooda.

·         Fashilka iyo jabka ku yimid Ethopia iyo kooxda ay ku adeegato ee Mbagathi  regime

Shacabka Puntland  ee nabada jecel siday maamulkooda u sharfeen ma aysan ugu abaalgudin ayaan maqaalkeygii ku soo gabagabeeyay,waayo horumarka gobaladaas ka jira ayaa ku timid maalgalinta shacabka ay ku sameeyeen deeganadooda halka maamul gobaleedka Puntland uu canshuurta iyo xaalufinta khayraadka dalka ay jeebabkooda ku gurteen.

Waxaa nasiib xumo inaysan ka dhisin maamulka Puntland hal bulukeeti degaanada ay ka talinayeen 10-ka sanadood,balse waxay ku fanaan inay horumar gaarsiiyeen.

Ma waxay ku faanayaan guushii shacabka  ay dulmiyeen?

Dhamaad

Soomaaliya Soomaali baa leh

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

Somali Political writer

mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

December 28, 2006 waa maalintii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya cag- dhigeen Xeebta Muqdisho...
"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya" sidaas waxaa qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya...
Akhri: Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey::: Waa qoraalkii ay soo saartay Itoobiya ka hor intii aan cidamadeedu gelin Muqdisho, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya... Akhri halkan...

Akhri: YAA GABLAMI, YAASE GOOD DILI? ee Abdullahi Spanish
Vido: Dagaalkii 1977/78 ee Soomaliya iyo Itoobiya
Dhegeyso: Waraysigii Dr. Cumar Cusmaan Raabeh

Akhri: Aw Jaamac: Dhimbil dib u soo noolaysay Halgankii


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com