SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

28 DECEMBER MAALINTA BAALKA MODOOW TARIIKHDA SOOMAALIYA 

Abdullahi mohamed hashi
Stockholm
sweden
burhaan99@hotmail.com 

maantay oo ay ku beegan tahay 28 december waxay kasoo wareegtay sanad markii ciidamada cadowga Itoobiya soo gaca dhigteen magalada Muqdisho kadib markii maxakiimtii aboowa badnaa ee katalin jiray koofurta iyo bartamaha Soomaaliya looga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen Ciidamada cadowga umada Soomaaliyeed ee Itoobiya. Dad badan ayaa aaminsan in dagaalkii dhexmaray Maxaakiimtii islamiga ahaa iyo cadowga itoobiya aan looga awood ronaan maxaakiimta laakiin ay ku xisaabtamaan in ay galaan dagaal daba dheerada sida midka hada ka socda Soomaaliya. Sidaas darteedna ay dagaalka iskaga soo baxeen si aan awoodooda loo wiiqin taasina waxay keentay in sifilan waa ah ay maxaakiimtu isaga soo baxaan dagaalka. Dad badan ayaa aamin sanaa in maxaakiimtu adkayn doonan difaacooda jowhar iyo balidoogle si looga difaaco cadowga magalada Muqdisho. 

Waxaan shaki kujirin in maxaakiimtu difaacan kartay goobahaas markii loo fiirsho awoodooda mudo dheer iyo tageerada ayka haysteen shacabka Soomaaliyeed oo aad uwayneyd diyaarna u ahaa in ay dalkooda ka difaacaan cadowga kusoo duulay. Dad badan ayaa sidaasi jeclaan lahaa in ay sameeyaan laakiin taasi dan uguma jirin in ay sameeyaan maxaa yeelay maxaakiimtu waxay garwaaqsadeen kadib dagaladii ay la galeen cadowga in la rabo in la qabsado soomaaliya gacantana loo galiyo itoobiya. Awood ka xoog badana lasoo duldhigay oo xataa diyaradaha wax basaasa ay dul taag nayeen oo lala socday tilabo kasta oo ay qadaan. 

Sidaasi darteed waxay go aan sadeen in ay isku firdhiyaan dalka si ay ugu dagalamaan "gurilla war" si ay ugu xisaabtamaan dagaal daba dheeraada in ay galaan hadii aan cadowgu dalka isaga bixin. Taasi waxay keentay in ay maantay awoodoodii markale soo iftiintay oo ay hada Madaxdoodii ku sugan yihiin gobolo badan oo soomaaliya dagalo qararna kula jiraan cadowga. waxaan dhihi karnaa maxaakiimtii iyo shacabkii Soomaaliyeed waa gulaysteen waana ku guulaysan doonan inta hartayna waa ay dhamaystiri doonanan ilaahay idankiis. Dadbaa waxay leeyihiin waxay ku dagalamayaan baasuuke iyo AK 47, kuwa saas yiraahda miyeysan ogayn in aysan jirin meel maxaakiimta hubka looga dhigay ama looga furtay in aysan jirin, oo hubkoodii ay sidoodii gobolada ugu haystaan xamarna uu ugu xabalan yahay, markay rabaana lasoo bixi karaan. 

markaan dib ugu soo laabto 28 december oo ay itoobiyaanku ay soo galeen caasimada Soomaaliya ee muqdisho, waxaan ka midahaa dadkii markaas ku sugnaa murugadana laqaybsanayey umada soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogto gaar ahaana shacabka reer Muqdisho. Waxay ahayd maalin madoow, waxay ahayd maalin ceeb nagu ahayd, waxay ahayd maalin cadowgeenu jiridka ama goosdanbeedka uuka qoslay, waxay ahayd maalin taariiqdeena baal madoow kagashay. 

Aniga oo marayey ex-control balcad ayay markii ugu horaysay waxaan lakulmay qoladii ku timid jidka balcad oo ay kasoo galeen magalada. Caaruur iyo dumar ayaa kusoo xoomay jidka waxaana ka dareemayey farxada ka muuqatay ciidamada itoobiyaanka in ay uun mar soo tabteen xaruntii Soomaaliya ee muqdisho iyagoo ku hubaysan dababado xoogna ay kusoo galaan. Mid kamida ciidamadaas oo ishaydu qabatay oo saarnaa baabuur ay aad uga buxeen oo ural ahaa ayuu carrurtii iyo dumarkii waxuu ufayday gacantiisa midig waxuuna soo bixiyey muruqiisa oo uu tusay. Taas waxuu ula jeeday muruqaas ayaan kusoo galay caasimadiinii taas oo cadaynaysa cadawada xun ee ay uhayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.  

Waa malinta kaliya ee aan dareemay in aan bomb qaadan lahaa oo aan isku qarxin lahaa hadii aan haysan lahaa ciilka iyo calool xumada iga haysay aragooda iyo tariiq xumada ay usoo jiidayaan dalkeena,dadkeena iyo diinteenaba. waxay ahayd maalin murugo ciyaalku waxay ku sheekaysanayeen sidii ay u ekayeen itoobiyaanku dumarkuna dhabanka ayay haysteen raguna dhulka ayuu fiirinayey. Nin odaya oo cabaar soo lugeeyey oo darbi ku nasanaya ayaan soo agfariistay, markaas ayuu i waydiiyey adeer itoobiyaankii maantay ayay soo galeen ayaan maqlee maragtay adigu? waxaan iri haa adeer hada ayay halkaan mareen. Markaas ayuu cabaar iga aamusay. 

Cirka ayuu fiirshay faraha ayuu dhulka ku garacay kadibna fakar ayuu galay. Cabaar mar uu iga aamustaa ayaan markale fiiriyey. waxaan dareemay in ay indhihiisa ilin kusoo istaagtay hadana ma uusan rabin in ilintiisu dhulka kusoo dadato. Waxuu igu yiri adeer anigu waa kaa dawaynahay 75 ayaan jiraa, waxaan kamidahaa Ciidan kii xooga dalka Soomaaliyeed waliba waxaan ahaa ciidankii ugu horeeyey oo looqoro markii la dhisayey. 

16 sano ayaan burbur kusoo jirnay oo soomaali is cunaysay. dagaal sokeeya iyo umalo doox ayaan maalinkasta daris la ahayn, hadana waqti ima harin dheer adeer. Intii aan ku agfadhiyey waxaan ku maqnaa dagaal aan hada kahor aan la galnay iyoobiya ee dagaalkii 77 ayaa aniga iyo horin aan hugaamineyey waxaan u dhacnay meel itoobiyaanka saldhig u ahayd. Malintaas raga nooga dhintay waxaa kamid ahaa nin aan sxb aad uhayn oo aan aad ujeclaa oo aan mudo kuwada jirnay ciidanka. waxuu kudhintay dhabtayda asagoo udhintay dhawac soogaray. Intuusan dhiman ayuu waxuu igu yiri sxb dalkaaga iyo diintaada in aad udhimataa wax ka fiican malahan ee ilaahay haydinla jiro, kadibna naftii ayaa ka dhacday. 

malintaas itoobiyaan ayaa caasimadii Soomaaliya kaaga daba imaanaysa marna ma anan galin maalin ay noqotoba. Burbur qaran iyo 16 sano oo aan rafaad kusoo nolayn in maantay aan itoobiyaan ku arkaa casimadii Somaaliya waxaa lay qaatay in aan aniguna maalintaas aan raaco saxibadaydii naftooda u huray dalkooda iyo diintooda qalbiga oo kaa dhintaana dil wax ma dhaamo ee adeer waa sii luudayaaye ilaahay soomaalida haka dhigo kuwii soomaali nimadoodii soo ceshta cadowagana iska saara. waxaan waydiiyey adeer soo lagama yaabo in ay iska baxaan mardhow? Inta aamusay oo isoo fiirshay ayuu igu soo celshay adeer ma saasbay adiga kula tahay? waxuuna igu siidaray adeer tariikhdu kaawayn ee nabadeey wuuna dhaqaqay. 

Isku soo wada duboo sanadka kasoo wareegay maalintii cadowgu dalka soo galay waxay kusoo kordhiyeen burbur, barakicin,kufsi,dhac,dil,handadaad,xarig iyo caburin saxafada madaxa banan. Wax guulaa kama soohoyn galitaankoodii soomaaliya inaba hala ekatee marka laga reebo in ay aargoosteen oo ay sameyeen intaas aan kusoo xusay. Waxayna ka geeysteen wax ka baxsan xaquuqul isaanka. aduunku waxuu gar waaqsaday in lagu fashilmay faragalintii lagu sameeyey Soomaaliya oo uu hormuudka u aha Maraykanku asagoo adeegsanaya ciidamada itoobiya. Ciidamada Itoobiya waxay kagaysteen gabood falyo xun xun dalka intii ay ku sugnaayeen. Dadka soomaaliyeed ma aqbali doonan gumaysi mid cad iyo mid madowba waxayna udhimanayaan in ay lasoo laabtaan xoriyadooda si ay uga tashtaan ayahooda waxaana dan ugu jirtaa in soomaalida loo daayo arimahooda lagana daayo faragalinta lagu hayey 17 kii sano ee ay burburka kusoo jireen oo ay ugu wayntahay  Itoobiya oo u adaagsatay hugamiyo koxeedyo aan damiir lahayn oo ay hub isugu dhiibtay hadana dib ugu soo hubaysay si ay u gumaadan intahartay shacabka ayagoo usoo galshay shaar dowlad kusheeg aan dadkii losoo dhisay raali ka ahayn. 

Abdullahi mohamed hashi
Stockholm
sweden
burhaan99@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com