SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
29 December 2007.


Dagaallo lagu wiiqay gumaysiga Itoobiya.

Dad ciidammada gumaysigu laayeen.

Shir wayn oo lagu qabtay Seattle USA.

UN-ta oo soosaartay warbixinta sawir cad ka bixinaysa dhibaatada Ogadenya.

Lataliyaha Gudoomiyaha jwxo Gen.Cabdullaahi Mukhtaar
oo siminaar 2 maalmood socday ku qabtay Copenhagen


======================


Dagaallo lagu wiiqay gumaysiga Itoobiya.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo si wayn loogu wiiqay ciidamada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladu waxay u dhaceen sidatan;

28/12/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray Xoodh-Jawle, oo Qorile ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/12/07 dagaal ka dhacay Balli-aftaag, oo Qorile ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

26/12/07 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiga magaalada Gunagado, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 26/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah u gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Saliidda, oo Fiiq ka tirsan, waxayna ka dileen 1 askari, 2 kalana way ka dhaawaceen.

24/12/07 ciidammada gumaysiga waxaa Gumarrey lagaga gubay 2 Baabuur oo waawayn, waxaana halkaas gumaysiga kaga dhintay wixii ciidan ahaa ee labadaas baabuur saarnaa.

23/12/07 Beerta-Jaadka, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumayisga lagaga gubay 1 Baabuur oo ay ku dhinteen dhammaanba wixii saarnaa.

17/12/07 Kub-cad, oo Galaalshe ka tirsan, dagaal culus oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 148 askarai, 85 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 17/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah la beegsaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Shilaabo, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

16/12/07 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Aftol, oo Shilaabo ka tirsan waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 46 askari, 27 kalana waa lagaga dhaawacay.

13 - 14/12/07 weerar mir ah ayaa lala beegsaday ciidammada gumaysigu ee fadhigoodu yahay magaalada Dhagax-madow, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
12/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah oo si wayn loo qorsheeyay ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay xarunta Shidaalka ee Jeexdin, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Jaad-dhawr, waxayna weerarkaas ciidammada gumaysiga kaga dileen 30 askari, tiro badan oo kalana way kaga dhaawaceen. Waxaa sidoo kale weerarkaas lagu gubay labo dhismo oo ciidammada gumaysigu halkaas ku lahaayeen.

Ciidammada gumaysiga ee weerarkaas lala beegsaday ayaa aroornimadii isku dayay inay weerar qaadaan, hase yeeshee waxaa mar kale lala beegsaday weerar gaadmo ah oo ayna iska ogayn, waxaana laga dilay 19 askari, 14 kalana waa laga dhaawacay.

Sidoo kale 12/12/07 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Dhanaan, waxaa lagaga dilay 6 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 12/12/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Godey, waxaana weerarkaas ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale weerarkaas lagu gubay 2 Bakhaar oo hub iyo saad kale ku jireen.

Sidoo kale 12/12/07 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Babaase, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaana lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dad ciidammada gumaysigu laayeen.

Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan oo dil, dhaawac iyo gubis isugu jira u gaystay dadwayne rayad ah.

22/12/07 Gabagabo, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen seddex qof oo rayad ah. Waxaanan magaciisa helnay Saxane Deeq. Waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale halkaas ku gubeen 10 Aqal soomaali.

19/12/07 waxay ciidammada gumaysigu seddex nin oo rayad ah ku dileen Galaalshe. Seddexdan nin waxay kala yihiin;

1- Shukri Biixi Nuur
2- Xasan Caydiid Cumar iyo
3- Sh Xasan Biixi oo 85 jir ahaa.

Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu halkaas ku gubeen ugu yaraan 45 Aqal soomaali. Waxay sidoo kale xabbad ku laayeen 75 Neef oo Geel ah, oo 30 ka mid ahi Irmaan ahaayeen.

13/12/07 waxay ciidammada gumaysigu Daalootiyowga, oo ka tirsan Galaalshe, ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Barkhadle Daahir Xasan.

02/12/07 Jogol, oo Far-madaw duleedkeeda ku taalla, waxay ciidammada gumaysigu dhaawac xun ugu gaysteen gabadh umul ah oo aanaan mageceeda haynin iyo ilmo dhawr bilood jir ah oo ay dhashay.

Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu wali halkoodii ka sii wadaan cunaqabatayntii ay dadwaynaha ku hayeen. Waxayna cunaqabatayntani dadwaynaha soo gaadhsiisay dhibaatooyin badan, ka dib roobabkii Dayrta oo aan u di’in si fiican, taasoo keentay in dalka Ogaadeenya ay hadda ka jiraan Abaaro qallafsan. Ma jiraan ilaa iyo hadda wax gargaar ah oo dadwaynaha la gaadhsiiyay, iyadoo ay ugu wacan tahay xayiraada uu gumaysigu dalka ku hayo.

Shir wayn oo lagu qabtay Seattle USA.

Jaaliyada Ogaadeenya Seattle ee dalka Maraykanka ayaa shir ballaadhan isugu timid badhtamihii toddobaadkan, iyadoo shirkaas lagu bandhigay wax-qabadkii Jaaliyada ee sannadka 2007 iyo sidii ay Jaaliyadu ugu diyaar garoobi lahayd hawlaha laga sugaya sannadka 2008.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay xubno badan oo ka kala yimid gobollada Washington, Origon oo dalka Maraykanka ah iyo waliba xubno ka yimid dalka Canada.

Shirkan waxaa warbixin dheer oo la xidhiidha wax-qabadkii Jaaliyada ka soo jeediya guddoomiyaha Jaaliyada oo faahfaahin ka bixiyay sida ay Jaaliyadu u gudatay waajibaadkii kaga aaddanaa halganka Ogaadeenya iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay dadaalkeeda sii labanlaabto.

Waxaa isaguna warbixin dheer oo ku saabsan meesha uu marayo halganka Ogaadeenya iyo guulaha dhinac walba ah ee laga soo hoyiyay gumaysiga Itoobiya shirka ka soo jeediyay guddoomye ku xigeenka Hooggaanka Arrimaha Dibada ee JWXO.

Xubnihii iyo dadwaynihii shirkan ka soo qayb galay ayaa gabagabadii shirka isku dhaarsaday in la sii kordhiyo taageerada loo fidiyo halganka Ogaadeenya, si loo soo dedejiyo guulaha laga sugayo dagaalka xaqa ah ee lagula jiro gumaysiga Itoobiya.

UN-ta oo soosaartay warbixinta sawir cad ka bixinaysa dhibaatada Ogadenya.
Qaramada Midoobay ayaa arbacadii soo saartay waribixn sawir cad ka bixineysa wadanka Ogadenya ee uu dagaalku wiiqay. Warbixintu waxey faah faahin dheeraad ah ka bixisay Dawo la'aanta, cunto yarida, sicir bararka iyo jidh dilka ama laynta ka jirta Ogadenya.
Kadib Baadhitaan muddo todobaad ah socday oo ay qaramada midowday sameysay ,waxey UN-tu caddeysay in Ogadenya dhibaatada binii'adnimo ee ka jirta ay meel xun mareyso ayna kasii dari karto. 'xaaladda bin'aadnimo ee ka jirta gobolkaas ayaa sii xumaneysay bilihii lasoo dhaafay" ayey tiri warbixintu.
Sidoo kale, nafaqa darrada ka jirta gobolka ayaa kasii dari doonta labada ama seddexda bilood ee soo socoto haddii la helo oo kaliya uun tirada cayiman ee cuntada ganacsiga ah . Warbixintu waxaa kale oo ay xaqiijineysay in Ciidamda militariga ee itoobiya ay cunoqabateyeen goobo kamid ah Ogadenya taasoo aad u saameysay dad badan oo rayid ah oo kunool aagagaas, arintaas oo ay mar hore sheegeen dadka ku nool Ogadenya iyo Shaqaalaha hay'adaha.
Afhayeen u hadlay dowladda itoobiya oo lagu magacaabo Zemdkun Tekele ayaa isagu arintaas beeniyay.waxa uuna yidhi "Qofna kuma macaluulsana Ogadenya" . Dowladda Itoobiya warbixin ay soo saartay oo ay ku raadgadanaysay ayey ku sheegtay inay qaadayso talaabo ku aaddan sidii dadka tabaaleysan uu ugaadhi lahaa raashinka iyo dawadu.
Ogadenya waa dhul badinkii baaddiya ah oo ku yaala geeska bari ee itoobiya halkaasoo dadka dagani dagaal kula jiraan ciidamada itoobiya. Kadib markii Ururka ka dagaalama halkaas uu dilay in ka badan 60 askari oo itoobiyaan ah iyo shaqaale shinees ah bishii april ee sanadkan ayay ciidamada itoobiya go'doomiyeen dhulkaas badankii sida hay'adaha caalamiga iyo wariyaayasha reer galbeeku kusoo waramayaan. Shacabka Ogadenya badankood ayaa iyagana ka waramay tacaddiyada, jirdilka, kufsiga iyo tuulooyin gubitaanka ay ciidamada itoobiyaanku gobolka ku hayaan taasoo ah eedeyn ay dowladda itoobiya mar walbaba beeniso.
Guddi xaqiiqo raadis oo ka socday UN-ta oo tagay gobolka bishii August ee lasoo dhaafay ayaa ku tilmaamay in qorshahoodii xaqiiqo-raadin uusan guuleysan maadaamo bey yiraahdeen safarkoodii ay la socodeen ama garab socdeen ciidamada itoobiya arintaas oo laga yaabo iney ka cabsiisay shacab badan oo si xor ah u hadli lahaa.
Mid kamid ah saraakiishaas oo jooga Addis Ababa ayaa cadeeyey in guddigu uusan raali ka aheyn in ciidamada itoobiyaanku raacaan balse uu yidhi waxaan ku qasbaneen inaan ogolaano iney na raacaan haddii kale noomeysan ogolaadeen inaan Ogadenya cag saarno. Abdirahman Mahdi oo u hadlay Ururka ONLF ayaa ku tilmaamay warbixinta qaramada midowday bilow wanaagsan balse waxuu yidhi itoobiya waxey sameeneysaa dambiyo dagaal arintuse waxey u baaahan tahay wax ka badan wada-hadal siyaasadeed.



29 December 2007
Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com