SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Shir Jaraa'id oo uu qabtay Xisbiga Ramaas kagana Hadlay Duruufaha adag ee jira iyo Cabsi laga qabo Ciidamnada kala gadisan ee ka jira Puntland.

  • Agaasimaha warfaafinta Xisbiga Ramaas (RPP)
    Maxamuud Cumar Bille
    mcbille@Gmail.com
    0025290794242


Mudanayaal iyo murowooyin Sida aad la socotaan 17 sanadood inkasta oo shirar badan lagu qabtay dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa.

Mudanayaal Sida aad la socotaan Shicibkeena sii ragaadinayaan dagaalo sokeeye oo ku Khasbay Dadkeena qaxooti iyo bara kac deegaanadoodii ka kexeeyay burburiyayna magaalooyinkoodii iyo wax soosaarkoodii Dalkeenana Baabi'iyay Ama wiiqay Dalkeenana ka dhigay Fawdo iyo is bar bar yaac iyo Taladii oo inaga Baahday.

Mudanayaal iyo marwooyin waxaa inakuwada waajibay in aynu usoo wada jeensano Mustaqbalka Dalkeena si nabada ahna aynu ku xalino Khilaafaadaka dalkeena aan wada hadano inoo dhexeeyo hadii aynaan sidaas yeelin waxaa soo if baxaya wadadii kooxihii bur buriyay Koonfurta Somalia oo ka muuqda ciidamada kala fadhiya iyaga oo kala belo ahna ay keeni karta in uu ka yimaado isku dhac.

Mudanayaal waxaan si dag dag ah ugu baaqayaa in Ciidamada la isku mookhilo dhamaantoodba ayna noqdan Ciidamada Puntland waayo dhamaan Puntland waa isku cadaw waxaana ay isku difaaci kartaa wada jir kuna soo celin akrtaa dhulka laga qabsaday.

Agaasimaha warfaafinta Xisbiga Ramaas (RPP)
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@Gmail.com
0025290794242

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com