SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Gaari Ural Ah Oo Ay Saarnaayeen Ciidamada Ethiopia Oo Qarax Loogu gaystay Agagaarka Ex-wasaaradii Hore Ee Gaashaandhiga .

Qarax aad u xoogan ayaa saaka barqanimadii lala beegsaday gaari nooca Uralka ah oo ay saarnaayeen ciidamada xukuumada Ethiopia agagaarka xaruntii hore ee gaashaandhiga ee magaalada muqdisho .

Qaraxan oo lagu qiyaasay nooca miinada dhulka la geliyo ayaa gaystay khasaare nafeed islamrkaana gaarigii ay ciidamadaasi saarnaayeena u gaystay gubasho dhinaca dambe ah waloow aan aysan cadayn tirade dhaawaca iyo dhimashada ee soo gaartay ciidamdaasi sida uu xaqiijiyey goob jooge magaciisa kusoo koobay xuseen oo ka ag dhowaa deegaankaasi qaraxu ka dhacay ayaa tibaaxay inay indhihiisu qabteen gaariga uralka oo gubanaya .

Sidoo kale ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa qaraxa kadib isku faafiyey deegaankaasi xaafadaha ku dhow dhow islamrkaana halkaasi kasoo ururriyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan taasoo aan la ogayn halka iyo meesha ay geeyeen dadkaasi oo lagu qiyaasay ilaa labaatameeyo ruux.

Badanaaba ciidamada xukuumada Ethiopia ayaa qaraxayda iyo dagaalada kafool kafoolka ah ee ay kaga hor yimaadaan kooxaha wax iska caabinta ee diidan joogitaankooda iyo siyaasada dowlada FKMG u gaysta shacabka aan waxba galabsan dil ,dhac iyo xabsi iyagoo ku aargoosanaya .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com