SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YEMEN

Xaflad Lagu Maa-muusayey Qalin-Jebinta 50 Arday oo Soomaali ah oo ka Dhacday Magaalada Sanca- Yemen

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayey munaasabadda ciida barakeysan ee Ciidul-adxa, sidoo kalana lagu gudoonsiinayay Shahaadooyin ardayda Soomaaliyeed ee ka qalinjabisay jaamcadaha dalka Yeman (sanad dugsiyeedka 2006/2007 ) ayaa lagu qabtay hoolka wayn ee shirarka ee University of Science and Technology Hospital.


Sawirada Xafladda ka daawo halkan... Guji...

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen Midawga Guud ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Yemen, waxaa ka soo qayb galay dad weyne fara badan oo isugu jira arday,odayaal, haween, ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee bahweynta Soomaaliyeed ee dagan magaaladatan Sanca; waxaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadan masuuliyiin badan oo uu  horkacayay, H.E. Candisalaam M. Aadan, Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Yemen; Mudane/ Ridwan Maxamed Xirsi, Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee Safaaradda; Mudane Maxmed Awcali Cumar, Madaxa Xafiiska Qaran Express- Yemen. Iyo marti sharaf kale.


Sawirada Xafladda ka daawo halkan... Guji...

Munaasabaddan oo ku bilaabatay jawi farxad leh ayaa lagu furay aayado Quraanka Kariimka ah oo uu halkaa ka aqriyay Arday / Ismaciiil Maxamed Sheikh (Baaksitaani); waxaa kaloo halkaa kalmad wacdi iyo waano ah ka soo jeediyay Sheikh Maxamed Aadam Ileeye, oo si qoto dheer uga hadlay fadliga Ciidul Adxa iyo Axkaamta Ciida; Intaa ka dib, waxaa hadashay Bahja Mukhtaar Macalim Aadam, oo ku hadleysay magaca gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkan Yemen, iyadoo ku bilawday kalmadeedi tahniyad Ciida barakeysan, Allaha awooda badanna warsatay inuu ka saaro Umadda Soomaaliyeed dhibkan ku habsaday. Qaasim Xaaji Xusein oo ku hadlayay magaca ardada qalin-jebisay ayaa microphone-ka lagu soo dhaweeyay, isagoo cabirey sida isaga iyo asxaabtiisa ay ugu faraxsanyihiin guushan ay maanta gaareen. Waxaa kaloo ka mid ahaa dadki halkaa ka hadlay Eng. Mukhtar Haaruun, oo ku hadlayay Magaca Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Yemen, kana socday Xawaaladda Dahab-Shiil; isagoo sheegay sida ay hiil iyo hooba ula garab taaganyihiin ardada iyo Ururkoodaba.


Sawirada Xafladda ka daawo halkan... Guji...

Waxaa microphoneki qaatay C/raxmaan Axmed Nuux (Dr.hoori), gudoomiyaha Ururka Midowga Ardeyda Soomaaliyeed ee Yemen, isagoo tahniyada ciida kadib u mahad celiyay masuuliyiinta iyo marti sharafta kale ee ka soo qaybgashay munaasabadda, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay isku duubnidu iyo in camalkastoo quruxbadan uu ku yimaado isku duubni; Waxa kale uu xusey  in tirada ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata jaamacadaha dalka Yemen guud ahaan ay gaarayaan in ka badan 500 oo arday. Dr. Hoori, kalmadiisi wuxuu ku soo gunaanaday dar-daaran uu u jeediyay ardada sanadan qalin-jebisay isagoo kula dar-daarmey iney xasuusnaadaan dawrka looga fadhiyo inay ka cayaaraan horumarinta bulshada Soomaaliyeed, maankana ay ku hayaan Iftiinka aqoonta Alla ku manneystay  inay ku ifiyaan mugdiga hareeyay umadda Soomaaliyeed.


Sawirada Xafladda ka daawo halkan... Guji...

Iyadoo qeybihi xafladda halkaa ka sii socdeen ayaa waxaa la soo gaarey qeybti ay dad badan oo ka qeyb-galayaasha ah ay sugayeen, waa  masraxiyad la magac baxday “ Brain drain” ama “ Hijratul Cuquul” iyo waliba cayaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed qaar ka mid ah. Masraxiyadda oo si qoto dheer oo ay ku dheehantahay maaweelo iyo madadaalo  goob-joogayaashina maqsuud gelisey ay u soo badhigeen tiro ka mid ah ardada Jaamacadaha, iyagoo si xeel-dheer u cabirey dhibaatada ka dhalatay aqoonyahnka oo dalka ka haajiro, maankiisi iyo maskaxdiisina  umada qalaad u miira;


Sawirada Xafladda ka daawo halkan... Guji...

Dadki halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Dr. Ridwaan Maxamed Xirsi, Madaxa Xafiiska waxbarashada ee Safaaradda, isagoo ku nuux-nuuxsaday ahmiyadda aqoonta sidoo kale u gudbiyay ardada iyo dhamaan ka qeyb-galayaashi tahniyadda ciida barekeysan.


Sawirada Xafladda ka daawo halkan... Guji...

Gunaanadki xafladda waxaa halkaa kalmad aad loogu riyaaqey ka jeediyay Mudane/ C/salaam M. Aadam, safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Yemen, isagoo aad ugu bogaadiyay ardada iney ka faa’iideystaan jaaniska ay heystaan aqoontoodana ay kobciyaan, iskaashiga ka dhaxeeya ardada dahxdoodana ay xoojiyaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay burburka dalka ka taagan inuu jahli asaas u yahay, caqligi looga bixi lahaana looga fadhiyo jiilka soo kacayo ee ku hubeysan waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

 Waxaa xafladda lagu soo gabagabeeyay gudoonsiinta shahaadooyika ardaydii qalinjabisay oo tiradoodu dhanayd 50 arday oo todoba jaaamcdood oo kala duwan ka kala socday.   

 Mohamed Abdulqadir Warsame
Sana'a -  Yemen
warsameciya@hotmail.com

Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Dalka Hindiya oo dhigay Xaflad Aqoon isweydaarsi

Ururka wadaniga dhalinyarada somaliyeed ee sudan oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada wadamada carbeed

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com