SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Warbixin Kooban oo ku Saabsan Nuxurka Dhibta Doorashada Wadanka Kenya....

Waxay dadka reer Kenya sugayaan jawaabta codbixintii doorashada, taasoo tirada labada murashax ee ugu cadcadi helayaan ay aad isugu dhowdahay. Waxaa cabsida ugu badan ay dadweynuhu ka muujinayaan in ay bilaamaan isku dhacyo qabaa段lada u dhexeeya oo ay sababtay isdaba marin xagga tirinta codadka ah.


Mwai Kibaki

Raila Odinga

Waxaa rabshadihii shalay ka dhacay meelo dhowr ah sida Kisumu, Kakamega iyo Migori ku nafwaayey dad gaaraya 6 qofood.

Waxay saadaashi ugu danbaysay ee saakoo Axad ah la helayaa sheegaysaa in Madaxweyne Kibaki hogaaminayo guusha doorashada, isagoo labadii maalmood ee hore Raila hogaaminayey natiijooyinkii marba soo baxayey.Waxaase weli maqan natiijooyin goobo badan

Godoomiyaha guddiga doorashada ee wadanka wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Kibaki iyo Raila Odoinga inay yihiin laba nin oo isku gacan ah madaxtinimana sugaya, laakiin wuxuu taas bedelkeeda u sheegay in dadweynaha reer Kenya aysan wadankooda gubin.

Arragtida meesha ku jirtaa maxay tahay?

Marka hoos loogu dhaba galo waxaa jirta mu誕amarad loo maleegay Raila, taas oo ka imaanaysa kooxaha Kiristaanka iyo Kaniisadahooda taageera, kuwaas oo gebi ahaanba diiday in Raila xil hogaamineed oo wadanka ah lagu aamini karo, sida lagu helayo xogo hoose waxaa Raila lagu garbinayaa inuu kooxo xagga islaamka u janjeera uu heshiis xukun doon ah la galay, taas baana keentay in xitaa goobjoogayaashii caalamiga ahaa aysan uga hadlin dhibaatada ka jirta doorashada, siiba tirinta codadka, Guddiga doorashadu waxay daahida codadka u sababeeyeen dhowr arimood oo kala ah:

Dadka doorashada u soo baxay sanadkaan oo aad u tira badnaa iyadoo 14.2 millinkii qof ee codbixinta loogu tala galay wax ka yar 100 kun keliya aysan cod bixin, iyo dadka sharaxan oo tiradoodu aad u badantahay, taasoo dhib weyn ku noqotay dhamaan qaybihii ku lugta lahaa tirinta doorashada waana arrin aad ugu dhow inay tahay macquul, waa sida ay yiraahdeen guddigaan doorashadu.

Nuxurka dhibka ka taagan wadanka Kenya

Asalka dhibaatadu ma ahan mid hada soo bilaamatay, waa mid ka timid xilli ku siman ilaa doorashadii wadank, iyadoo Qabiilka uu ka dhashay Raila ay aaminsanyihiin in doorkoodii wadanka ay ku lahaayeen aysan helin, xilligaan oo uu saadaalinayey in uu heli doono jagada madaxtinimadana waxay u egtah inuu ku waayey hab aan ahayn sharci, taasina waxay keeni kartaa qalalaase baahsan oo ka dhaca wadanka,

Xiriirka Raila iyo Qabaa段llada kale ee Kenya

Marka aad u dhaba gasho dhamaan bulshada ku nool Kenya waxay shaki weyn ka qabaan waxyaalaha uu la soo bixi doono wakhtiga talada loo dhaariyo madaxweynahaan,

Xiriirka Luo iyo Kikuyu,

Labadaan qabiil waa labada reer ee ugu tirada badan wadanka, waxaana ka dhexeeya xafiiltan siyaasadeed, wakhtigan ay dadweynaha labadaan bulsho ku abtirsadaa ay yihiin kuwa ugu aqoonta fiican wadanka waxaad ka dareemaysaa inay u xaglinayaa wax dad badan oo Africa ah dib u dhigay, waa arrinta qabiilka e, waxaad ka garan kartaa labadaan nin ee Kibaki iyo Raila waxay aasaas ka dhigteen hab doorashadooda qabaa段laday ka dhasheen goboladay degan yihiin, waa labada gobol ee Nyanza iyo Centeral province, markaad habka loogu codbixiyey eegtana waxaad arkaysaa heerka ay marayso caadifadda qabiil ee ay huwanyihiin, xisbiga ODM wuxuu ka helay taageero gobolka Nyanza 90%, xisbiga PNU-na gobolka bartamaha wuxuu ka helay codad intaas u dhigma ama ka sii badan, maxsuulka doorashada laba arimood ayaa ku hoos jirta, midi waa in dadka Kikuyada niyada jab ay u tahay, ayna ogaanayaan in wadanka Kenya lala leeyahay, mida kalena waa kala tagsanaan qabaa段lka wadanka oo aad moodayso inay Kenya ku bilaamanayso, taasoo hadii ay kusii wadaan qabiilka la siyaasadaynayo la ogaan doono meeshay ku furi doonaan wadanka Kenya.

Kenya mapSoomaalida iyo Raila

Marka dadka soomaalidu hoos isula xamanayaan waxay Raila u hayaan taariikh aan fiicnayn, isagoo marar hore daaha ka qaaday waxyaabo dadka Soomaalida ah ka fogeynaya Kenyada kale, taas waxa u sii dheere Raila oo aad moodo inuu ciil ku qabo afgenbigii 1982, afgenbigaas oo uu fashliyey taliyihii ciidmada qalabka sida ee wadanka Kenya oo markaas ahaa Janaraal Soomaali ah, inkastoo hada la dhihi karo Soomaalida reer Kenya waxay si weyn ugu ololaynayaan doorashada Raila, hadana waxaad moodaa inaysan ku qabin isku halayn badan, maadaama ninkaani wax badan oo ciil ah uu qabo, xilli dheerna isaga iyo aabihiiba ay ku taamayeen inay wadanka madax ka noqdaan, taasoo aan dhicin hada ka horow.

Xiriirka Raila iyo dadka Dega Gobolka Xeebta

Dadkaani waa dadka ugu xadaarada fog dadyowga ku nool wadanka Kenya, waxayna markasta ugu horeeyaan hababka dawliga iyo doorashooyinka wadanka ka dhaca, murashax kastaana awooda ugu horaysa ee uu raadiyo waa tan dadka degan xeebta marka laga soo tago qabaa段lka uu ka dhashay, Raila waxaad moodaa inay isu dhowyihiin wakhtigaan dadka degan xeebta lamase saadaalin karo sida ay isku sii ahaan doonaan, inkastoo la dhihi karo iyaga wax taariikh madow ahi uma dhaxayn marka dhan kasta laga eego.

Madaxweynihii hore ee Moi iyo Raila

Doorashada Raila waxa ay ku tahan irbad meleg, ninkii mudada ugu dheer madaxweynaha ka ahaa wadanka waa Daniel T. Arab Moi, isagoo Raila balan qaaday inuu soo fagi doono wax kasta oo dad weynaha masaakiinta ah ee reer Kenya ay ka lunsadeen dawladihii hore, ha ugu horeeyo Moi, haduusan la gelin madaxweyinihii hore ee Moi heshiis hoose Raila waxaa hubaal ah inay xaajada ku xumaan doonto, iyadoo la ogyahay in aan la is waydiin wixii khalad iyo sax ah ee 24kii sano ee uu xukunka hayey la sameeyey, waana tan ka keentay Moi inuu dadkiisii dhegaha ugu rido inay u codeeyaan Kibaki oo ahaa ninkii doorashada kaga guulaystay xisbigiisii, inkastoo qabiilkuu ka dhashay ee Kalanjinta ay u codeeyeen badi Raila, waxaase la saadaalinayaa sida Raila laftigiisa ay ugu suuroobi karto laga soo bilaabo 1963 xilliga xornimada ee la dhisay jamhuuriyadda Kenya wixii dhib iyo lunsi hanti ahaa wax uga qaban karo, iyadoo ay hor yaalaan dhibaatooyin fara badan oo ay ugu horaysa wadanka oo ku jira wakhtiyadii noloshiisu ugu adkayd dhanka dadka saboolka ah, iyo ka dhabaynta balanqaadyadii faraha badnaa ee ay ugu horaysay inuu ka saarayo wadanka Kenya kuwa dunida saddexaad kuna biirinayo wadamada horumaray. Waxaa taas u sii dheer isagoo dhexda ugu jira wakhtigii ay bulshada reer Kenya ugu kala qaybsanaanta badnayd dhanka qowmiyadaha, siiba inuu qanciyo qabiilka Kikuyada oo la誕antod uusan talaabo qaadi Karin dhankasta.

Isku soo duub oo markaad saaka martid jidadka Nairobi waxay u egyihiin meel cidla ah oo gaari iyo qof aadan midna ku arkay, iyadoo dadkii ay u kala qaybsameen kuwo aaday goobahooda codbixinta ee gobolada iyo kuwo ku af xiran guryahooda, dhegahana u taagaya bal waxa dhici doona, dhalinta reer Kenya waxay warbaahinta isu marinayaan inay yihiin dhamaantood dad walaalo ah aysan haboonayn in dhib la isu gaysto, waxaase jira dad iyagu jecel in dhib la abuuro aadanna garan kayn waxay ka heli doonaan,

Gunaanadkii waxaan sugaynaa maanta oo axad ah in lagu dhawaaqo cidda wadanka madax u noqonaysa, iyo jawaab celinta ka imaan doonto markaas ciddii u aragta inaysan doorashadu xaq u dhicin, inkastoo cadaadis badani uga imaanayo qolyaha Raila taageera dhinayada dibadda taasoo ah inaysan samayn wax rabshado ah oo wadanka khalkhal gelinkara, waxaa iyana meesha ku jirta dadka Soomaalida ah ee ku nool wadanka siiba caasimadda Nairobi inay ku jiraan xaaladdi 1991, iyadoo wax kasta ka xiran yihiin aysanna haysan meel ay wax ka iibsan karaan, iyadoo cabsida jirta awgeed loo xiray iridkasta oo xitaa ay ku jiraan xaawaladihii, inkastoo xaafadda Eastleigh ee soomaalidu u badan tahay aysan baqdin badani ka jirin oo ah inay rabshado ka dhici karaan maadaama dadka dhibtu dhextaal ay yihiin laba qabiil oo iska yaqaan dadyowga kale ee kula nool Kenya.

Qore: Mohamed Hassan Ciro
Nairobi, Kenya
kayse25@hotmail.com

Sawirka: Google/search


Jordan: Kulan Wafti ka socda Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan iyo ardayda Jordan....

Xaflad Lagu Maa-muusayey Qalin-Jebinta 50 Arday oo Soomaali ah oo ka Dhacday Magaalada Sanca- Yemen

Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Dalka Hindiya oo dhigay Xaflad Aqoon isweydaarsi

Ururka wadaniga dhalinyarada somaliyeed ee sudan oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada wadamada carbeed

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com