SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Hoggaankii Muslimiinta (ee Khaliifada) La Meel Dhigay Argaggaxisada Caalamiga ah

  • ....marka Khaliifada lala meel dhigo "argagaxisada", taas macneheedu waxaa weeye in argaggaxiso lagu tilmaamay dhammaan hoggaamiyayaashii Khaliifada Islaamka ee ka soo bilaabatay Khulafaa'u Raashidiintii ka dambeeyey Nebi Muxamed (nabadgelyo iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaatee) ilaa laga soo gaarayey sannadkii 1924.....

Warbixintii & Faalladii SomaliTalk.com | Dec 16, 2007

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Seyum Mesfin, oo bartamihii bishii November 2007 booqasho ku tegey magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo ay waraysi la yeelatay weriye Faransiis ah ayaa si ula kac ah isku mid uga dhigay waxa uu ugu yeero "Argagagxisada caalamiga ah" iyo Khaliifada (Islaamka) oo uu sheegay in uu ka ilaalinayo Soomaaliya.


Dhegeyso qayb yar oo ka mid ah hadalkii Dr. Michael Weinstein, oo uu waraystay Radiyaha Australia

Hadalkaas waxa uu sheegay markii weriyuhu ay weydiisey su'aal ahayd: ka warran xaaladda Soomaaliya ayaa Seyum Mesfin waxa uu yiri "Xaaladda aad ayey u soo wanaag-sanaaneysaa markaad is barbar dhigtid sidii ay Muqdisho iyo Soomaaliya ahayd bishii December ee sannadkii 2006. Soomaaliya badankeedu waxay ahayd dhul aan amaan ahayn oo la tegi karin, laakiin maanta ma jirto meel aan la tegi karin." Markaas ayaa weriyuhu waxay xusuusisay in arrinta uu sheego ay kaduwan tahay warbixinada laga soo sheegayo Soomaaliya iyo in sidoo kale Dr. Michael Weinstein oo macallin ka ah Jaamacadda Purdue University uu sheegay in weerarkii Militari ee Itoobiya ku qaaday Soomaaliya in ay ahayd 'masiibu aan laga fiirsan" iyo in sidoo kale ergeyga Qaramada Mudoobey, Le Monde, uu dagaalka Soomaaliya ku tilmaamay dagaal aan xad iyo xeer lahayn. Haddaba, ayey wereyuhu weydiisey, hoggaanka Itoobiya ma rumaysan yahay in xalka Soomaaliya uu ayahay mid militari?

Hadal dheer oo uu ku jawaabey ayuu ku qiray "in aan xal militari lagu xallin karin dhibaatada Siyaasadeed ee Soomaaliya" waa sid auu hadalka u dhigay'e, isagoo intaas raaciyey:"Sida caadiga ah dhibaatada Somaaliya ka jirta waa mid siyaasadeed". Markaas ayuu Seyum Mesfin is weydiiyey "maxaa ah arrinta aan laga fiirsan" waxana uu markaas taxay arrimo dhawr ah oo uu markasta dhehaayo "Maxaa ah arrin aan laga fiirsan?" "ma in Soomaaliya loo dhaafaa gacanta argagagxisa caalimiga ah, Talibaan, Khaliifada?"*

Ufiirso halkaas, 'Argagaxiso caalami ah' ayuu la barbardhigay 'Khaliifadii Islaamka.' Waxana uu halkaas ku caddeeyey ujeedada rasmiga ah ee Itoobiya u galeen Soomaaliya, si ay malaha Dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah uga ilaaliyaan in aysan yeelan hoggaamiye islaam ah oo u dhaqma sidii Khaliifadii Islaamka ee lagu yaqaaney caddaalada, kuna dhaqmi jirey sunnadii Nebi Muxammed (NNKH), ee aaan dadka u kala eexan jirin.

Waxa kale oo hadalkaasi kusoo beegmay xilli ay ciidamada Itoobiya ay Masaajida Muqdisho ka dhigteen Musqulo ay ku saxaroodaan, kutubta Quraankana ku guraan Musqulaha oo ay ku saxaroodeen.. [video Daawo Halkan].

Waxaa waji gabax ku ah xukuumadda Addis Ababa in iyaga iyo DFKMG ee fadhigeedu yahay Baydhabo ee ay ku andacoodaan in ay caawinaayan in aysan iska war hayn. Taas waxaa u daliil ah in "Madaxa Amaanka ee Wasaaradda Amniga Qaranka ee DFKMG" uu Dec 14, 2007 hay'adda wararka ee AP u sheegay in aan "Dawladda (FKMG) aysan wax itaal ah u lahayn in ay iska caabiyaan Maxkamadaha Islaamiga ah." Waxana uu sheegay in ay xooggaga Maxkamaduhu is urursanayaan si ay u soo qaadaan weerar xoog leh oo aysan awood DFKMG u lahayn in ay iska caabiso. "Qiyaastii boqolkiiba 80% dalka Soomaaliya ammaan ma aha, gacantana uguma jira Dawladda (FKMG)" ayuu yiri Sh. Qaasim Ibraahim Nuur oo mar kale ku celiyey "Islaamiyiintu waxay qorshaynayaan dagaal aad u xoog weyn". Hadalkaas oo aad uga duwan kan Seyum Mesfin ee ah "maanta ma jirto meel aan la tegi karin."

Itoobiya waxaa adduunku ku bartay in ay ku qaraabato oraahda "Argagaxiso" oo ay had iyo jeer Soomaalida sidaas ku tilmaanto, taas oo waayadan dambe ay warbaahinta caalamku ku fahamtey, kaddib markii la arkay sida ay xasuuqa ugu hayso shacuubta ay gumeysato iyo sida ay beenta qayaxan uga sheegeyso shacabka Soomaaliyeed iyadoo marmansiinyo ka dhiganeysa si ay u xasuuqdo shacabka..

Waxaa kale oo khiyaamadii Itoobiya fahmey dadka mufakiriita ah ee adduunka dacalladiisa ku sugan.

dr. Ken
Dr. Ken Menkhaus

Waxaa la xusuustaa hadalkii caanka ahaa ee prof. Ken Menkhaus, oo macallin ka ah Davidson College  ee uu yiri November 27, 2001 ee ahaa "Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta."  [Eeg halkan...].


Congressman Donald Payne

Waxa kale oo la xuusuustaa hadalkii uu yiri Donald Payne oo xubin ka ah Aqalka Congress-ka Maraykanka, December 29, 2006, ee aaha weerarka ay Ethiopia ku qaaday Soomaaliya, inkasta oo ay ku andacoonayaan in ay soo ay u yeerteen dawladda taagta daran ee fadhigeedu yahay baydhabo ee Federaalka ku meel gaarka ah, waxa keliya oo ay Geeska Afrika u keeni doonaan waa deganaansho la'aan iyo dhibaato.

Sidoo kale waraysi uu Congressman Donald Payne siiyey radiyaha NPR, January 16, 2007, waxa uu markale ku celiyey in ay khalad ahayd weerarkii Itoobiya ku qaaday Soomaaliya. Waxana uu waraysigaas ku caddeeyey in Soomaalidu ay yihiin dad ka madax bannaan oo aan wax shaqo ku laahayn argagaxisada. Waxana uu dhawr jeer ku celceliyey in Maxkamada Islaamiga Soomaaliyeed aysan wax shaqo ah ku lahayn 'Al-Qaeda.'  [Halkan ka dhegeyso]

Haddii aan usoo laabano, Khaliifadii Islaamku waxay ka soo bilaabatay afartii Khulaa'u Raashidiin (allah haka raali noqdee) ee ka dambeeyey Nebi Muxammed (NNKH) ee qabtay hoggaanka Islaamka ee kala ahaa Abuu Bakar Asiddiiq (632-634), Cumar Bin Khadaab (634-644), Cusmaan Bin Cafaan (644-656) iyo Cali Bin Abii Daalib (656-661). Sida halkaas ka muuqata waxay hoggaanka Islaamka hayeen isku dar afarta khaliif intii u dhexeysey 632-661.

Waxa markaas ka dambeeyey hoggaankii Muslimiinta ee isku xigxigey ee Umayyad (661–750), Cabbaasiyiintii (750–1258) iyo Cusmaaniyiintii (1299–1922).

Buugaagta taariikhdu waxay 'Khaliifada' ku qeexaan, sida qaamuuska "Encyclopedia of Islam and the Muslim World", ee la daabacay 2004 v.1, bogga.116-123 " in khaliifadii Islaamku ka soo bilaabatay Khulafaa'u raashidiintii ku xigey Nebi Muxamed (NNKH) ilaa laga soo gaarayey sannadkii 1924. Madaxdii islaamka ee xilligaasna waxaa lagu tilmaami jirey Khaliif oo ah hoggaamiyaha Muslimiinta.

Sidaas daraadeed, marka Khaliifada lala meel dhigo "argagaxisada", taas macneheedu waxaa weeye in argaggaxiso lagu tilmaamay dhammaan hoggaamiyayaashii Khaliifada Islaamka ee ka soo bilaabatay Khulafaa'u Raashidiintii ka dambeeyey Nebi Muxamed (nabadgelyo iyo naxariista Allah korkiisa ha ahaatee) ilaa laga soo gaarayey sannadkii 1924.

Dhanka kale, Haddii Taariikhda Itoobiya dib loo raaco waxaa la ogyahaya in xilligii Nebi Muxammed (NNKH) uu boqorkii dalka Xabashida xakumi jirey ee Najaashi (oo magaciisa la oran jirey Axsama binu Abjar) uu Islaamka soo galay kaddib markii uu Rasuulku warqad u diray. Waxaa muuqata in Taariikhdaas ay madaxda hadda ee Itoobiya iska indha saabayaan.

Marka aad daawatid Video-ga sare, ama akhridid linkiga hoose, oo ah waraaqahii uu Nebi Muxamed (scw) u diray madaxdii xilligaas, waxaad arkeysa wanaagga iyo sharafta iyo haybada diinta Islaamka.

Waxaa taariikhdu qortaa, oo aan la ankiri karin si kasta oo ay Itoobiya isugu daydo in ay xumayso magaca Islaamka, (Diinta islaamkana uu Allah ilaalinayo), in xilligii ay khaliifada Islaamku haysey hoggaanka adduunka in ay dunida kusoo kordhiyeen xadaarad aad u saraysa iyo cilmi.

Cilmiyadii ay Muslimiintu soo hindiseen, kana qayb qaateen horumarintooda, waxaa ka mid ahaa:

Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis
Dr. Muhammad Shamsaddin

Eritrea, Somalia, Ogaden, and Oromia unite against Amhara / Tigray Ethio-Fascism.. Read more.

Waxaa beryahan geeska Afrika ka socday in qowmiyadaha Muslimiinta ah, sida Oromada, Cafarta iyo Soomaalida, gaar ahaan kuwa muddada dheer ku hoos jirey xukunka keligii taliska ah ee Itoobiya, in ay midoobayaan iyagoo ku soo baraarugey sida keliya ee ay isaga ridi karaan heeryada gumeysiga in ay tahay Midnimada Muslimiinta, waana waxa uu ka walaacsan yahay wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya ee uu isu barbardhigayo 'Argagaxisada caalamiga ah' iyo 'Khaliifada' si uu ugu helo beer laxawsi sidii uu yeelay Melelik oo kale.

Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis oo ah 51-jir u dhashay Giriigga laakiin asal ahaan ka soo jeeda Turkiga oo hadda deggan magaalada Qaahira ee dalka Masar, oo Diinta Islaamka soo galay markii uu jirey 36-sano, ayaa qoraal uu qoray November 27, 2006 waxa uu codsatay in Itoobiyada hadda aan loogu yeerin Ethiopia ee loogu yeero Abasiiniya, isagoo sababaha sharraxaad dheer ka bixinaye ayuu sheegayna marka Oromadu hesho xornimadeeda oo noqoto dal madax bannaan in dhulkaas Oromada loogo yeeri doono Ethiopia. Waxa kale oo uu xusayna in Amxaaradu ay Abasiiniya ka tahay boqolkiiba 20% kuwaas oo cadaadis xooggan ku haya qowmiyadaha kale ee ah Oromo (42%), Soomaali "Ogaden" (10%), Sidama iyo reer koonfureed (10%), Cafar (8%)...

Taariikh kooban ee khulafaa'u raashidintii:

Abuu Bakar Asiddiiq: Allah haka raali noqdee, waxa uu noolaa intii u dhexeysey (573–634). Abuu Bakar waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey oo soo gala Diinta Islaamka. Waxa uu ahaa saaxiibkii iyo soddogii rasuulka (NNKH) - Markii uu Nebi Muxamed NNKH guursadey Caa'isha (oo noolayd intii u dhexeysey 614–678) oo ahay gabadhii Abuu Bakar waxaa sii xoogeysey xiriirkii Rasuulka NNKH iyo Abuu Bakar. Waxa uu Abuu Bakar hoggaanka u qabtay Khaliifadii koowaad ee Islaamka sannadkii 632 markii uu geeriyoodey Rasuulka (NNKH) [Rasuulku wuxuu noolaa intii u dhexeysey 570-632] - Doorashadii Abuu Bakar in uu noqdo hoggaamiyaha Muslimiinta waxaa qayb weyn ka qaatay Cumar Bin Khaddaab. Labadii sano ee uu hoggaaminayey Khaliifada Islaamka waxa uu guulo xooggan kasoo hooyey carabtii ka soo horjeedey, waxana uu qayb weyn ka qaatay in Diinta Islaamku ku faafto caalamka. Waxaa Khaliifada uga dambeeyey Cumar.

Cumar Bin Khadaab: Allah haka raali noqdee wuxuu noolaa intii u dhexeysey (581–644) - Waxa uu ku dhashay magaalada Makka. Waxa uu Islaamka soo galay sannadkii 618, waxana uu hoggaanka u qabtay Khaliifadii Labaad ee Islaamka sannadkii 634, oo uu ku xigsadey Abuu Bakar Sidiiq. Intii uu hayey hoggaanka Muslimiinta waxaa islaamku gaarey Suuriya, Masar iyo dhulkii boqortooyadii Beershiya. Waxa uu dib u furay kanaalka Mesopotamia iyo biya-mareenka Webiga Nile ilaa Badda Cas. Cumar waxaa diley addoon beershiyaan ah oo aan Islaam ahayn oo magaciisa la oranjirey Abuu Lu'lu'ah. Waxaana markaas Muslimiinta in uu hoggaamiyo loo doortay Cusmaan Bin Cafaan.

Cusmaan Bin Cafaan: Allah haka raali noqdee waxa uu noolaa intii u dhexeysey (574–656), waxa uu qabtay hoggaanka Khaliifadii saddexaad markii la diley Cumar sannadkii 644 oo uu hayey ilaa 656. Cusmaan waxa uu ka soo jeedey qoyskii magaca dheeraa ee Umayyad [Ummawiyiinta oo markii dambe noqotay dowladii Islaamka intii u dhexeysey 661–750]. Intii uu hayey hooggaanka Islaamku waa sii fiday waxana uu gaarey ilaa Cyprus (Qubrus) iyo Bactria (oo ah qayb ka mid ahaan jirtey dhanka woqooyi-galbeed ee Afghanistan iyo Tajikistan). Waxana uu amray in Quraanka lagu soo ururiyo Matxafka oo Kitaabka la isugu keeno. Sannadkii 656 ayaa kooxi kusoo weerareen gurigiisa halkaasna ku dileen Cumar. Waxaana markaas Khaliifada kaga dambeeyey Cali.

Cali Bin Abii Daalib: Allah haka raali noqdee waxa uu noolaa intii u dhexeysey (598–661), waxa uu qabtay hoggaanka Khaliifadii Afraad ee Islaamka markii la diley Cumar sannadkii 656 . Cali waxaa dhalay Nebi Muxamed (NNKH) adeerkiis, waxana Cali Xaaskiisa ahayd Faadumo oo uu dhalay Nebigu NNKH. Cali waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey oo rasuulka raacay. Waxaa hoggaanka Cali ka soo horjeestey Khawarij-tii, kuwaas oo markii dambe dilaan Cali sannadkii 661.

WARAAQIHII UU NEBI MUXAMED (SCW) U DIRAY BOQORRADA

###

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 16, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com