SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Haatuf            

Haldhaa2007-01-31 Borlänge, Sweden 

Waxaa tiriyay

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 

haldhaa35@hotmail.com


Maansadan waxaan tiriyay 31kii janaayo 2007. Sababtuna waxay ahayd waxaa isoo wacay 28kii janaayo sanadkan 2007 nin ananu saaxiibbo nahay, lakaiin ananu arrimaha siyaassada ku kala aragti duwanahay. Wuxuu igu yiri taniyo markii aakhirkii desember laga saaray muqisho iyo koonfurta Soomaaliya Maxaakiimtii Islaamka, wax wara waa lagaa waayay oo maqaaladdii iyo weerarkii kululaa ee ada Itoobiya ku qaadi jirtay, waa lagaa waayay ee maxa akugu dhacay.

Isagu wuxuu igu durayay in ay dani i aamusisay oo haddii qoladii aan ka soo horjeeday ay xoog ku qabsadeen Soomaaliya. Waliba in ana cabsaday oo ay cabsi i aamusiisay. Wuxuuna u arkayay in aan ku qasbanahay in aan hadda taageero ama aan isaga aamuso ceebayntooda.

Waxaan ku iri;- saaxiib sidada wax u fahantay maahan. Anigu markii horaba waxaan taageerayay jiritaanka Soomaaliyeed. Waxaana ka soo horjeeday Xabshi iyo cid kastoo aan jeclayn jiritaanka iyo midnimada Soomaaliyeed.

Runtii kumuusan qancin. Laakiin waxaa markiiba igu soo dhacay maansadan. Markaas ayaana qalinka u qaatay. Marka akhriste adna ila arag dareenkayga. 

  1. Raggii uu hareedku
  2. Haaneedka u fuulay
  3. Markay hab cadeenee
  4. Hilfaha loo qaaday
  5. Xamar ka huleeleen
  6. Darbaa nafta hiifay
  7. Ka haayiray guusha
  8. Ilaahay hodanaa
  9. Inuu hagranaayo
  10. Haabka ku qaatay
  11.  
  12. Anoo harsanaaya
  13. Hareer gurigayga
  14. Haatuf nin sheegay
  15. Wuxuu yiri hoogtay
  16. Ninkii hebel maatid
  17. Maxaa ku haleelay
  18.  
  19. Haldhaa lagu waayee
  20. Heeso qoraalka
  21. Hooyaalada maanso
  22. Heelada jiibta
  23. Waxaad hurgufaysay
  24. Maxaa helay maanta
  25.  
  26. Waxaan iri haaka
  27. Miyaanan hawaasoow
  28. Deyrtii horeeto
  29. Adoo harka jooga
  30. Hagoogtay go’aaga
  31. Luqunta hogaanshay
  32. Afkaa ka hadlaynin
  33. Habaasku ku aasay
  34. Intaan hab  kusiiyay
  35. Hayinka ku saarin?!
  36.  
  37. Miyaanan halgaadda
  38. Axmaar hardankiisa
  39. Intaan hooto tuuray
  40. Halboowlaha gooynin?!
  41.  
  42. Miyaan hiddidiida
  43. Melez habareeyga
  44. Huurada qurmuun leh
  45. Intaan hargo waaxay
  46. Ka soo qubin hoorta?!
  47.  
  48. Miyaanan horseedka
  49. Heeraha guuray
  50. Halkuu naqu yaalo
  51. U sii hor kacaynin?!
  52.  
  53. Miyaanan hayaanka
  54. Beesha hugmays
  55. Habeynkii gudaysa
  56. Hangoolka u jiidin?!
  57.  
  58. Miyaanan haboowga
  59. Hayjad anbanaaya
  60. Hillinka aqoonin
  61. Intoow gacan haadshay
  62. Haloosiga keenin?!
  63.  
  64. Miyaanan horweynta
  65. Haleelo irmaanta
  66. Hashayda Cadduura
  67. Haaneed lisiddeeda
  68. Haruubka ka buuxsan?!
  69.  
  70. Miyaanan habsaanka
  71. Hurdada ku raagay
  72. Hawshiina ka daahay
  73. Inta hoonka yeershay
  74. Hanbaabirka toosin?!
  75.  
  76. Miyuusan hadhiinka
  77. Dheemman ku haysta
  78. Hareerta isbigga
  79. Karaawil u hiilin?!
  80.  
  81. Miyaanan hadimo
  82. Hoggaa la qodaayo
  83. Dadkayga ku hoobtay
  84. Intaan hor istaagay
  85. Hareer uga leexin?!
  86.  
  87. Miyaanan herdida
  88. Haraati lugeedka
  89. Tigree hiijo qaaday
  90. Inta god ku huurshay
  91. Ku heerin dagaalka?!
  92.  
  93. Miyaanan heybta
  94. Qabiil isku hiifka
  95. Hilib u colloowga
  96. Waryaa hakiyaayda
  97. Intaas ku harraadin?!
  98.  
  99. Miyaanan hillaada
  100. Dadkaa la hafraayo
  101. Dawladda haysan
  102. Anoon hagranaynin
  103. Hareerta ka joogsan?!
  104.  
  105. Miyaanan hugunka
  106. Hirkaa sare gaaray
  107. Anoon xil ka haynin
  108. U sii hunguryoonin?!  
  109.  
  110. Miyaanan hadeerto
  111. Haddaayay shalayto
  112. Markii had kastaaba
  113. Ninkii la hallaago
  114. U hiillin aqoonin?!
  115.  
  116. Miyaanan hayaayda
  117. Colkaas la horjoogo
  118. Intaan rag hubeeyo
  119. Hawser la qaadan?!
  120.  
  121. Miyaanan hillaaca
  122. Dhankaa bari hooray
  123. Harooyin biyoobay
  124. Dadkaygaan harraadsan
  125. Haamaha u aroorin?!
  126.  
  127. Miyaysan hiloowga
  128. Dhulkii aabbe hooyo
  129. Ka soo hijro dhoofay
  130. Laabtu ii huraynin?!
  131.  
  132. Miyaanan higgaada
  133. Carruurta hadaaqa
  134. “H” “W” iyo siinka
  135. Intaan hadh galbeedka
  136. Looxa hareeri
  137. Anqaasta hadiga
  138. Ka so hil-hillootay
  139. Qur’aanka aan hoorshay
  140. Hagaag ugu sheegin?!
  141.  
  142. Anoon hadalkiiba
  143. Wax saasa hanbeynin
  144. Wuxuu hiyigaygu
  145. Laabta ku haayo
  146. Halkaan wax la  doono
  147. Anigoon hallaynin
  148. Rabaa ii hagaajin.

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 207

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH