SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


SHEIKH SHARIIF SHIEKH AHMED HOGAAMIYE SACIIM AH OO LEH SHACBIYAD BADAN,  MUDANA IN DALKA OO DHAN MADAX LOOGA DHIGO

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London ENGLAND

Ummada Soomaliyeed ayaan waxaa doonayaa inaa uga faalooda qormada maqaalkeyga ee kor ku xusan,taas oo ay dad badan wax iska waydinayaan.ayaa waxaan doonayaa in halkaan ku soo bandhigo faalooyin kala duwan oo taabanaya dhinacyo badan.

SHEIKH SHARIIF SHEIKH AHMED ( XAFIDULAAHI)

Sheikha oo ah nin Allah ku maneeystey asluub iyo dhawr sanaan ayaa mudo ka yar sanad, gudaha iyo dibadaba laga bartey,taas oo gaartey in dadka oo dhan u qiraan inuu yahay shaqsi Zaciim ah mudana in dalka Soomaliyeed uu u noqdo hogaamiye.
Waxaan hubaa inuu taas ku kas baday wanaagii u tusay dadka Soomaliyeed intii yareeyd ey awooda Maxkamadaha ay jireen,waxaana hubaa inuu noqday shaqsigii ugu horeyay mudo dhan 17 sano ah dhamaan ummada Soomaliyeed ay isku racaan iyagoo iskaga wada aragti ah inuu shiiqu yahay muwaadin nadiif ah lehna heybad Islaanimo,taas oo an ka garan karno in caalamka oo dhan lagu hayo inu la soo dhaweeyo wada hadalna lala galo si dalka Soomaliya loogu helo maslaxad caam ah, madaama u yahay shaqsiga kaliya ee ka dhaadhicin kara in wadahadal wax ku qataan maxkamadaha islaamka & taagerayashooda ee ku kala baahsan gudaha iyo dibadaba.

SHEIKH SHARIIF SHEIKH AHMED & MAREYKANKA EE SHIRKA KENYA

Waxay dad badani la yaban yihiin in dowlada Mareykanka oo si cad oo aan leex leexad lahayn u daney nayaan in ay wada hadal la galaan maxkamadaha islaamka qasataan Sheikh Shariif, si loo gaaro xal siyaasadeed oo kama dambeys ah arinka Soomaliya.
Wada hadal qarsoodi ah oo dhaxmarey safaarada USA KENYA & Maxkamadaha Islaamka ayaa la isku afgartey in si toos ah loo furo wadahadal,taas oo keentey kadib markii hogaanka Maxkamadaha Islaamka ay aqbaleen wadahadalki qarsoodiga ahaa wixii kasoo baxay oo ah in Sheikh Shariif uu tago dalka Kenya.
Dowlada Kenya oo aan waxba kala soconin amuuraha wadahadalka hogaanka Maxkamadaha & USA ayaa u sameysay si ay u qalado aragtida ay ka qadan karaan dadyoowga calamka inaysan wadankeeda aysan xukumin ,madama in wadahadal aysan war u heynin u ka furmayo gudaha caasimada dalkeeda ayaa Mareykanka ka codsatey inay war suuqeed galiso saxaafada oo ay ku shegeyso in uu isa soo dhiibay hogaamiyaha Zaciimka Maxkamadaha Alsayid Sheikh Shariif ,kadibna ay safaarada Mareykanka KENYA ay kala tashaneyso sidi laga yeeli lahaa arinkaas,balse xaqiiqdu sidaas ma ahan.
Sheikh Shariif waxa u Kenya u yimid wadahadal la isla ogyahay, waxana u dagan yahay meel aan cidi garaneynin oo ku taal Nairobi ,dowlada Kenya ma oga waxa halkaas ka dhacaya madama Maxkamadaha ay u arkan cadaw la mid Tigreega aysan u samaxaynin inay ogaato xogta dhabta ah ee ka jirta wada hadalada u dhaxeeya Safarada Mareykan ee Kenya & Sheikh Shariif oo socda mudo 2 asbuuc ah.
Sheikha waxa u la kulmay Wasiir kuxigenka arimaha dibada ee dalka Talyaaniga oo booqasho iyo wada hadalba la yeelatey.
Dad badan oo Soomaliyeed ayaa la yaaban ka war li ida amuuraha wada hadalka ee ka socda Nairobi ee u dhaxeeya hoogamiyaha shacbiyada badan leh ee Soomaliyeed & beesha caalamka sida USA & EU.

MAXAA LA ISKU MARI LAYAHAY OO WARKA U SOO BAXAYNIN ?

Aan idin qaada dhigo arinka ay aniga sidaay ila tahay oo ah sidatan :
Sharuuda u hor dhigay Sheikha oo ah in usan wada hadal furi karin inta ay cadawga Soomaliyeed ay xooga ku joogan dhulwaynaha Soomaliyeed , taas oo ah in marka hore ETHOPIA ciidameeda ay dalka ka baxaan,kadibna wada hadalada ay si toos ah u furmi karaan.
USA oo ka walwalsan arinkaas oo leh qatarteeda, hadii ay ku amraan in ETHOPIA ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaliya iyadoo la helin ciidamo kale oo badala si qorshaha Amerikanka oo ah, in uu wax un u dhiso si ay meesha uga baxdo in mar 2aad dalka u galo fowdo ama ay soo noqdaan xoogag ka soo horjeeda danahiisa gaarka ah,waayo hadii Tigeega dalka ka baxo, waxaa hubanti ah in si toos ah ay u soo noqon doonaan xoogagagi maxkamadaha waayo awoodooda ma la wiiqin, waxay ku baahsan yihin dhamaan dhulka Soomalida dagto ,taasna way og yihiin Amerikaanka ,waa waxa uu u raadinaayo wada hadal lagu soo afjaro arinka Soomaliya,waayo xoogaga Islaamiyinta way ka adag yihin qabqablayaasha iyo maleeshiyo beeledyada oo dhan., hadii Soomalida dhaxdeeda dirirto bilaa faragalin.
USA & EU oo ITALY hor boodeysa oo isku qilaafsan arinka Soomaliya waayo dano u gaar ah mid walba ayaa sabab u ah qilaafkooda siyaasadeed,balse markii runta timaado waa isku aragti madama ay wax badan isaga xiran yihin dhaxdooda oo ku aadan siyasadaha caalamka.
Waxaa arinka murjinaya iyadoo la la yahay ciidan Afrikaan ah oo Soomaliya raba inuu tago madama ay ka baqayaan iyadoo la helin xal siyaasadeed in ay dhibaato kala kulmaan dadka Soomaliyeed ee diidan faragalinta shiisheyaha dalkooda ee ku dhisan ka hiilinta dadka raba inay dalkooda si xornimo ah uga taliyaan si ay ayahoodana uga tashtaan.
EU oo diidan faragalinta ETHOPIA ee Soomaliya & diidmada dowlada u adeegta Tigreega wada hadalada nabada ,taas oo ay si cad EU ugu shegeen inay san ogaleyn in lacag ku bixiyaan ciidamada larabo Soomaliya lageeyo iyo caawinta dowlad ku sheegta,waana waa waxa hada shirka ka socda ADDIS ABBABA wafuud culus oo EU u tagtey si ay u cadeeyan mowqifkooda siyaasadeed.
Waxaa cad in mowqifka u istaagay Sheikha Shariif inay keentey in wada hadalada inay istagaan madama u yahay fure mowqifkiisa & USA & EU ku mashqulsan xal kale oo ah in qasab wadahadal ku ogoladan garabka dowlada Tigreega xukunta ee xaruuntoodu tahay Baydhabo ,kuwaas oo aan dan iyo heelo ka lahayn dowlad Soomaliyeed oo xor ah oo lahelo madaama ay og yihin in aysan ku imaanin rabitaanka shacabka Soomaliyeed.

SHEIKH SHARIIF & MUSTAQBALKIISA SIYASADEED

Waa cadahay inu yahay Hogaamiye leh shacbiyad waa tan USA & EU u wada hadalada kula jiro isagoo ah Hogaanki Maxkamadaha.
Ma ahan shaqsi wada hadal la leh EU & USA waayo haduu kaligiis heshiis la galo waxba maka badaleysa arinka hada sida u yahay,sababtoo ah shaqsi waxba mabadali karo aan lahayn awoodu ku fuliyo ama shacbiyad u ku gorgortamo,marka waxaa cad in Sheikha u yahay masuul miisan leh haduu lumiyana usan waxbo noqoneynin sida ay dadka qaar iska dhadhiciyan oo ah in kaligis u ku biirayo dowlada Tigreega gar wadenka u tahay.
waxaa cad in wadaadka u ogyahay dabinada ay la doonayaan dadka raba inay iska hor kenaan shacbiyadisa iyo gudaha xisbigiisa ,taas oo ay u arkaan mid guul u ah inta damaca xun ee Tigreega la shaqeysata oo raba in ay ku sameeyan qaybi oo xukun xoogaga iska caabinta gumeysiga dalka qabsaday iyo kuwa u adeega.
Waxaa iyaantan soo baxday dad been ka faafinaya wadaadka Saciimka ah ,kuwaas oo oranaya war ninkan wuu qiyaanay Maxkamadaha oo USA ayuu la shaqeysan jirey hadana dowlada ayay ku darayaan,waxaa cad in dadkaas ay ka leeyihiin dano gaar ah oo dad usoo dhibeen, si wadaadka qiimaha leh in sumcadiisa loo dilo ,si dadka loo qaldo waayo Sheikh Shariif qiimaha u ku leeyahay dadka Soomaliyeed dhaxdooda ayaa ah mid aad u sareysa taasoo ka dhigeysa muwaadinka ka kaliya ee wadankeena leh dad raacsan oo ku kalsoon,taas oo ku kaliftey in bilabaan dacayadeen raqiis ah ,kuwaas oo ah
In uu laayay arday yar yar oo gareysa 5000
In uu jihad iclaamiyay
In uu aayadaha quraanka badalay iwm ah
In u Sheik Hassan Dahir u kadabacsan yahay
Kuwaas oo ah dhamaantood wax kama jiraan si dadka loo tuso shaqsigan inusan ahayn nin qiimo leh ,si danahooda gaarka u fuliyan ayaa dacaayado raqiis ah rag faafiya ka baafiyeen BBC & xafadaha caadiga ah ama fadhi ku diriryada Soomalida waqtigooda ku lumiyaan.
In dalka laga difaaco ma dambi baa?
In dagaalka la aado yar iyo wayn dalkana laga difaaco gaalada ma ceeb baa?
Sababta ka dambeysa waxay tahay amuurahaas oo ah inay san la tartami karin Sheikh Shariif dhamaan inta dalka joogta ee u adeegta Tigreega hadii doorasho xor ah loo dareero sababtaas ugu wacan in Hogaamiye Sheikh Sheriif la cambaareeyo.
Sheikh Hassan Dahir & Sheikh Shariif ALLAHA ha xafidee inay yihiin dad ehlu diin ah oo ku walaaloobay Diinta ALLAH ayna isku kalsoon yihiin aana la kala gadan karin sida aan ku baranay oo ah dad ehlu diin ah oo jecel Soomaliwayn oo xor ah oo kitaabka Allah isku dhaqaysa oo mideeysan ,taas oo keentey in si gardaro ah loogu soo duulo gaalo iyo dabadhilifkeeda
Waxaase yaab ah in dadka u ka dhashay aysan taagersaneyn inta badan ,isagoo taagero badan ka heysta ummada intiisa kale,waxaana oran karnaa geesi tol waayay balse heysta taagerada wadaniyinta & culumada Soomaliyeed

Gabogabo
Maqaalkeyga oo dheera waxaa ku soo gabagabeynayaa in Sheikh Shariif usan ahayn gacan dhiigle una yahay muwaadin Soomaliyeed oo xalaal ah oo mudan inuu hogaamiye dalkeena Soomaliyeed ,guulna u ka keeni doono wada hadalka u u jooga dalka Kenya waayo hadii wada hadalka guuleystana oo Tigreega dalka laga saaro oo soo qaado ugu yaraan jagada Raisal wasaare si u soo dhiso dowlad tayo leh oo xor ah,hadhowna u kaga sii gudbo inuu noqdo Madaxwayne xor ah oo dadka soo doorten.
Inuu halkiisa sii jooga kacdoonka halkiisa ka sii socda waa hadii USA & EU qiyaano rabaan uu isna diido inu u fuliyo danahooda ku aadan qaybi oo xukun si loo wiiqo midnimada maxkamadaha.
Kenya oo rabta hadii shirka wadahadalka haduu burbura dhahda maxkamad soo taageynaa si usan ula hadlin war baahinta calamka oo codkiisa dadka Soomaliyeed u raacin soo jedinta iska caabinta Tigrega iyo kuwa u adeega ee aan xorta ahayn.
Waxaana kasugnaaba waa guuuuuuuuuuuuuuul ee dadoow suga oo adkeysta, nin sare oo culus baa idin maqan ee afkiisa ka dhawra wadada u raaco xaq ama baadil,haduu xaqa u khaatana sidii aan ku naqaanay waa mar xabeyneynaa ,hadii been loo sheego u raaco hawo aduun ka yeeli meyno nin kaliyana xaqa ma u burburi doono guul insha allah.
Soomaliya Soomaali baa leh,aayaheedana iyadaa xor u ah inay ka tashato ee ka fogaada inaa qabiil wax ku taageerto ama qabiilna wax ku diido ,u diid aragtidaada, wax una raac aragtidaada ee noqo shaqsi xor ah oo wadani Soomaliyeed oo diidan qabqable dagaal oo dabadhilif u ah wadanka dunida ugu saboolsan ee TIGREE ETHOPIA in ciideena xoog ku joogta wadankeena nala maamusha..
Mahadsanidiin
 

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London ENGLAND

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 207

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH