SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Marin-Habow........waa maqaal xiiso leh

Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com 

Ma gar baa in loo ducayn waayo Soomaalida dhibaatadu ku habsato? Ma denbi baa in Soomaalidu isaga ducayso dhibaatooyinka haysta? Waxaa dhici karta in lala yaabo su’aalaha kor ku xusan oo akhristuhu is-yidhaahdo muxuu su’aalahan macna darrada ah noogu wareerinayaa. Akhriste waan kaaga garaabayaa dareenka noocaas ah, laakiin hoos u soo daadeg oo bal ila dhuux nuxurka ay qormadani xanbaarsan tahay.

Waa maalin Jimcaad, taariikhduna waa 02 Febr. 2007. Goobtu waa masaajid ku yaalla mid ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka UK. Waxaa loo dhag-raaricinayaa Khudbaddii Jimcaha, dadkoo dhana waxaa ka muuqda khushuuc iyo isu dhiibis Eebe. Waxaa khudbadda Jimcaha jeedinaya Sheekh Soomaaliyeed oo Eebe ku mannaystay Cilmi iyo Fasaaxad labadaba, waxaana arrin lagu farxo ahayd iyadoo Sheekhaasi uu waliba ahaa nin aad u da’yar oo dhalinyaro ah.

Dadka masaajidka fadhiya ee maalintaas Salaadda Jimcaha u soo xaadiray laftoodu waxay u badnaayeen Soomaali. Haddii aan qiyaastayda la kaashado, dadka halkaas fadhiyay 97% Soomaali ayay ahaayeen. Niyada ayaan ka farxay markii aan arkay cadadkaas faraha badan ee Soomaalida ah ee Cibaadada Eebe u kulmay. Waa arrin uu qof kastaa ku farxi lahaa marka uu arko Tolkii(Soomaali) oo Cibaadada Eebe u tartamaya, sababtoo ah ujeeddada kaliya ee loo abuurayba waxay ahayd inay Waynohooda caabudaan.

Sheekhii ayaa billaabay inuu dadka muslimiinta ah u duceeyo markii uu Khubadda soo gabagabeeyay. Wuxuu ducadiisii ku billaabay sidatan;

“Ilaahayow u gargaar muslimiinta loogu itaal-sheeganayo Jejniya, Kashmiir, Ciraaq iyo Falastiin….”

Waxaan Sheekha ka filayay inuu Soomaalida ku billaabo muslimiinta uu u ducaynayo, maadaama uu ahaa Sheekh Soomaaliyeed, isla markaana si fiican ula socdo dhibaatada maanta ka oogan dalka Soomaaliya iyo masiibooyinka kala duwan ee haysta bulshada Soomaaliyeed. Markii uu qolo sheegaba waxaan u hanqal taagayay qolada xigta ee loo ducaynayo oon quud-darraynayay inay Soomaalida noqdaan. Hase yeeshee nasiib darro ducadii ayuu Sheekhu gabagabeeyay isagoon marna xusin Soomaaliya iyo Soomaalida dac-darraysan ee dunida oo dhami ka dhawaaqayso.

Walow aan aad uga niyad jabay arrintaas, haddana bishinta ayaan qaninay, waxaanan ku dadaalay inaan dib ugu noqdo Khushuucda ay mudan tahay salaadda aan isu taagayo, hase yeeshee waxaan dhinacayga bidix, meel aan iga fogayn, ka maqlayay nin dhalinyaro ah oo is-waydiinaya “war muxuu Soomaalida ugu dari waayay?”

Waxaan filayaa in dareenka noocaas ahi uu ku jiray inta badan dadkii halkaas ku cibaadaysanayay, isla markaana ay is-waydiinayeen sababta culayska ka dhigtay in Soomaalida loogu duceeyo sida muslimiinta kale. Gaar ahaan sababta uu Wadaadka Soomaaliyeed dadkiisa ugala bakhaylayo inuu Ilaahay u baryo markuu Minbarka taagan yahay. Ducadu ma aha xoolo uu Wadaadku bixinayo, xilna kama saarna in la aqbalo iyo in kale. Waa arrin Eebe u taalla, laakiin midda tixgelinta u baahan waa in ducada wadarta ahi ay ka fiican tahay ducada kalida ah.

Walow uu Sheekhu markii denbe ducadiisa ku soo gabagabeeyay “….Ilaahayow u gargaar muslimiinta loogu itaal-sheeganayo meel kasta….” oo halkaas ay Soomalidu soo galayso, haddana isku meeqaan ma aha cidda la gaar-yeelay iyo cidda caamka laga dhigay.

Wuxuu qofku is-waydiin karaa; Xaggay Soomaalidu u baxsan haddii Dagaal-oogayaashuna ay maalinba gado dagaal oo hor leh la beegsanayaan, Wadaaddaduna ay kala bakhaylaan inay uga duceeyaan sharka Dagaal-oogayaasha iyo dalalka nacabka ah ee ay dabada ku wataan?!!

Waxaa malahayga aad ugu wayn in Sheekhu aanuu moogayn masiibada cusub ee hadda Soomaalida haysata. Waxaan hubaa inaanuu moogayn khatarta ay ku sugan tahay madaxbannaanidii Soomaaliya, ka dib markii uu awood millatari ku qabsaday cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya. Waxaan shaki igaga jirin in Sheekhu uu ka dharagsan yahay dhibaatada aan la koobi karin ee ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya qabsaday ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobaha ay awoodda ku qabsadeen. Waxaan u badinayaa inuu hayo wararka ka imanaya cidhifka koonfureed ee dalka Soomaaliya ee ciidammada Itoobiya iyo kuwa Maraykanku ay dagaalka ka wadaan, ciidammada Kenyana ay u af-celinayaan, isla markaana xuduud-beenaadka ugu moosayaan cid kasta oo ka soo firxata dagaallada awood sheegadka ah ee is-bahasatada Itoobiya iyo Maraykanku ka wadaan goobahaas.

Waxaan filayaa in qof kastoo soomaali ah ama bani’aadamnimo ku denbayso uu ka nixi lahaa dhibaatada haysatada dadka ku dhaqan degmooyinka koonfureed ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxay dadka deegaanka ahi sheegayaan in diyaaradaha Maraykanka iyo Itoobiyaanka isugu jira ee goobahaas duqaynaya ay gaysteen dhibaatooyin aad u ballaadhan oo dhinac walba ah. Marka laga soo tago khasaaraha nafeed ama maal ee duqayntaas ka dhashay, waxaa sidoo kale dhibaato xumi soo gaadhay deegaanka.

Hubka ay diyaaradahaasi isticmaalayaan ayaa ah mid shaki wayn laga muujiyay, waxaana loo tirinayaa inuu yahay hub aan sharciyan la oggolayn isticmaalkiisa, sababtoo ah wuxuu hubkaasi gubayaa kaymihii oo dhan, iyadoo dhulkii kaymaha ahaa uu hadda isu rogay dhul bannaan ah oo geedihii iyo cawskiiba ay gubteen, arrintaasoo khatar wayn mustaqbalka ku keeni karta nolosha dadwaynaha iyo xolohooda labadaba.

Waxaa laga yaabaa inuu Sheekhu yahay nin diblumaasi ah oo aan jeclayn in ducadiisa la dhibsado!!! Laakiin su’aashu waxay tahay Xaqa haddii lagugu dhibsanayo, ma inaad afkaaga ka dhawrataa?!!!

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa dhici karta inuu Sheekhu niyada ku hayay dhacdo ka dhacday isla magaaladan maalmo ka hor. Waxay ahayd duco la isku qoonsaday oo iska horimaad wayn dhalisay, taasoo sababi gaadhay in la xidho mid ka mid ah masaajidyada magaalada ee Soomaalidu maamusho. Sida warku igu soo gaadhay Sheekh salaadda Jimce tujinayay ayaa ducadii ku soo daray jumlad macneheedu ahaa (Ilaahayow Itoobiyaanka naga qabo oo awooddaada nagaga caabi).

Markii salaadda laga baxay waxaa billowday dagaal qadhaadh, oo in kastoo aan gacmaha la isula tagin, hadda aad la isugu buuqay oo la isugu hanjabay. Dagaalkaas ka dib waxaa lagu kala guuray masaajidkii, oo dadkii maamulkiisa hayayna ay dhinac u baxeen, dadkii hawlaha waxbarashada iyo dacwada ka wadayna ay dhinac kale u baxeen.

Sheekhii ducada qoonsimaadka ah keenayna waxaa lagu eedeeyay inuu salaaddii siyaasad ku soo daray. Dadka qaar ayaan iyagu waxba maldihin oo ku dhawaaqayay inaan Itoobiya waxba laga sheegi karin, iyagoo sabab uga dhigayay in Itoobiya ay Soomaalida caawinayso oo ay mudan tahay in iyada loo abaalgudo, intii la habaari lahaa.

Hadda ka hor waxaan marar badan la kulmay dad Soomaaliyeed, oo culimo iyo caamaba isugu jira, oo diiddan inay u jiidh-naxaan Soomaalida ay Itoobiya gumaysato, isla markaana inkirsanba in Ogaadeenya ay ku hoos jirto gumaysiga Itoobiya. Dad badan oo Soomaali ahi waxay ku doodaan in Ogaadeenya ay tahay qayb ka tirsan dalka Itoobiya, iyadoo la ogsoon yahay in qaybtii u denbaysay ee Ogaadeenya lagu wareejiyay Itoobiya sannadkii 1954. Tan iyo xilligaasna ayna dadwaynaha Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan oggolaanin Itoobiyaanimada, ayna ka dagaallamayeen.

Waxaan markaa u haystay in qolyahaas uun la garab wagliilayo, laakiin waxaaba muuqata in arrintani ay tahay nasiib darro haysata ummada Soomaaliyeed, oo Ilaahay u gartay inay iyadu cadowga isu loogto, oo haddana kaba daranee eedda ka ilaaliso cidda gafka ka gasha.

Waxaan hadda ka hor is af-dhaafnay nin Soomaaliyeed, oo u bogi waayay aragtidii aan ka qabay dagaalkii caanka ahaa ee Muqdisho ku dhex maray ciidammadii Maraykanka iyo taageerayaashii Caydiid. Waxaan ku sugnayn hoyga mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar oon xilligaas labadanaduba wax ka baranaynay. Waxaan anigu qabay in awood-sheegadka uu Maraykanku ku hayo Soomaalida ay tahay arrin mudan in laga dhiidhiyo, isaguna wuxuu qabay aragti kale oo middaas ka duwan, mana aanuu rumaysnayn in Maraykanku wax khalad ah sameeyay.

Hadal iyo dhammaantii dadka Soomaliyeed ee tabaaladu ka soo gaadhay xadgudubyada Itoobiya samaynayso waxay mudan yihiin in loo gargaaro oo la garab istaago ee ma mudna in, taageero iska daayee, xitaa lagala bakhaylo ducada ama doodba laga keeno ducada loo ducaynayo, waxa kaliya ee aan middaas ku tilmaami karaana waa Marin-Habowga bulshada Soomaaliyeed caadaysatay ee hadda gaadhsiiyay heer jiritaankeeda muran la galiyo.

Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH