SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nidar baa inoo xiran iney Nabar la tiicaane

Gabaygan wuxuu ku saabsan yahay dowladda Tigreega ee ku soo duushay dhulka Soomaaliyeed iyo kuwa qiilka u yeelaya oo baneynaya in cadowgii gaamuray dabbaabaad iyo ciidan lixaad leh dalka ku soo geli karo, dadka leyn karo waxna aan leyska weydiinin dabadeedna lagu sifeyn karo waa saaxiib iyo daris labadaba. Nuxurkiisu waa in aanan arintaas la qaadan karin inta dhiig Soomaali jiro, cadawga xoog kugu qabsadaana uunan mudneyn in ubax loo dhigo ee ay tahay in la mariyo waajibkiisa. Wuxuu tilmaamayaa in aan la quudareyn karin nolol gunimo, in hogaanka Ethiopia ku jiro gacan aan mudneyn iyo in Soomaaliya hesho hogaan nadiif ah.  Waxaa tiriyey Cawaale Axmed. February 2007 a_awale@hotmail.com 

  1. Nimanka Tigrey ka yimid iyo kuwa u nacamleeya
  2. Kuwa daba nashleyn ee nigaxa u sii qaada
  3. Nasabka iyo diintaba nimanka shilinka dhaafsaday
  4. Naanaabka wasiir-moodka iyo kuwa beenta soo niiba
  5. Nac allay muteen gadigood kuwa maray jid naareedka
  1. Ka noqdaan ku iri dhulkaan nooma dhexooyo’e
  2. Ma nagaan kartaan baan ku iri adinkoo hub la naashoone
  3. Waase igu naceen gartaydii nifaaq la’aaneede
  4. Waadinka colaad naadiyee waa keenii nolosha qoonsada
  1. Mar haday naftu bixi oon cidi noolaaneynin
  2. Lama naawilo nolol xumi waa naar aduunyaade
  3. Naxariista eebbaa tartan mudan iyo nuurka aakhiro’e
  4. Nasiib laguma helin gobonimada ee nafbaa loo huraye
  5. Nadarkii allaa u furan ruuxii niyadda ka aamina’e
  1. Darisnimo aan wada nagaaniyo hadey nabadii jareen
  2. Hadey soo nagaadsadeen naaskeeda maandeeq
  3. Wallaaney nuugeyn intuu wiil Soomaal noolyahaye
  1. Waa in aaney nasan oo ay naxdinna soo jeedaane
  2. Nabarro culusiyo madfac waa in lagu nusbaaraaye
  3. Nasri waa inaaney helin nabadey takooreene
  4. Naaguhu waa inay shiidaan oo nugul ka dooxaane
  5. Niggax waa in lagu dabraa sii nidqaan caruuruhuye
  6. Dariiqyada waa inaad isugu nabtaan rasaas uga nixisaane
  7. Naar iyo giraanta waa inaad naxar u karisaane
  8. Naadiran waa iney noqdaan gurmad isku nuuxsada’e
  9. Waa inay nacaan baddiyo dhulkey soo naqeysteene
  10. Nidar baa inoo xiran inay nabar la tiicaane
  11. Ha nashleeyo dhiigu taniyo intey noo-da gabayaane
  1. Naleskii addis waa in uu naxdin la selelaaye
  2. Ha naa-naabo sidii ruux nolosho eersadaye
  3. Ha nasteeyo been iyo naxli wuxuu rabo’e
  4. Ha naawilo Buush inuu nooga hiiliyo’e
  5. Ha warnaado Naxashkoodu taniyo biyaha nilekaaye
  1. Xaajada ninkii mudnaa waa inuu nacame taliyaaye
  2. Nusqaantii ha tuureen Oramadu loo nisbeyn jiraye
  3. Niyaddii gobonimo-doon nalal haw siraadeene
  4. Numbar iyagaa badane najax waa inay hariyaane
  5. Nahaabka Meles haw qabteen naf wuxuu jaraye
  6. Nasab uma lahee Tigreey waa in laga nadiifshaaye
  7. Niisadihii iyo gododkoodii waa iney dib u noqotaaye
  1. Naruuray sugayaan shacabkii iyo nasriga eebahaye
  2. Naxariis hogaamiye leh oo beesha nabadeeya
  3. Naaquska soo afmeera dalkaan daqarku naafeeyey
  4. Ku nageeya Caddaalad iyo nolol barwaaqaade
  5. Nidaam aan sokeyn laheyn waa in nudubka loo taago
  6. Ha dageen nimciyo baraare jiilka naga danbeeyaaye
  1. Nin xun iyo dagaal-ooge ha la xiro duul nasaqeedka
  2. Nacaska jidka galayiyo tuugada waa in nigax la tooxaaye 
  3. Nirgaheenu carrigey daaqi jireen waa in lagu nageeyaaye
  4. Nageyliyo Jigjiga waa inaan nabad ku joognaaye

Waxaa tiriyey Cawaale Axmed. February 2007 a_awale@hotmail.com 

AFeef: ARagtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH