SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Dawladdu waa in aay latimaado qorsha fiican ee dibuheshiissin.

Ama Dib uheshhissintii laga sugayay, waxay Noqonaysaa Maroodigii Rimanaa Ee dooliyada Dhalay?

Feburuary 8, 2007

Nairobi (Khamiis)- Guddoomiyaha ururka Xalka iyo Midnimada Soomaaliyeed Ama looyaqaan Center For Somali Solutions- ee fadhigeedu yahay Dalka Maraykanka., Mudane Mahdi Ali Xeyle ayaa ka hadlay ballanqaadkii Madaxweyne yuusuf iyo PM Gedi ee ku saabsanaa in aay keeni doonaan qorsho fiican oo dib uheshiisiin uuna soo dhisi doono dawlad tayo leh, ayaa u muuqato mid lagu hingoobay.

Mudane Xeyle, oo ka hadalayay xaflad aay ka soo qeyb galeen kaliyaasha Xafiiska Ninka u qaabilsan aqalka odayaasha ama Senetka, ninka lagu magacaabo Senator Russ Feingold oo baryahaanba dadaal ugu jiray in Soomaaliya wax laga qabto, soona gudbiyay qaraar ah in Soomaaliya aay dowlada Maraykanku si fiican u wajahdo oo umagcaawdo ergay gaar ah. halkaas uu Mudane Mahdi Xeyle ka jeediyay hadal uu ku sheegay in hadii aay dhabtahay in dowladu la timaado qorsha fiican oo weyn oo dib loogu heshiisiiyo kooxaha iska soo horjeeda, waxuuna taa kudaray in dowlada nabadayntii iyo dibuheshiisiintii laga sugayay aay isubadashayay daandaansi siyaasadeed iyo ku tumasho dastuurka qaranka. Sidaa darteedna aan la rumaysan Karin waxa dowladu soo wado.

Waxaanu uragnaa in dowladu soo dhaweyntii iyo wanaagii iyo kalsoonidii shacabka inay cagta ku dhufanayso., isla markaana ay aragtideeda tahay mid ka duwan tii aan ka aragnay. ballanqaadkii Madaxweynaha iyo sidii ay dadweynaha Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen mucaarad iyo muxaafidba, iyo guud ahaan sida uu u maamulay ee uu arrintaa ka yeelay Raiisula wasaarahu waa mid lala yaabo.

Hadaba Cid walba mucaarad iyo muxaafid ka ay doontaba ha ahaatee waxa ay qirayaan ama ay caddaynayaan in Dowlada aay u egtahay in aay si weyn ugu fashilmeen ballanqaadkii caalamku uu ka sugayay. Waxuuna ku booriyay in Sanitor Feingold uu ucag dhigo inta dowlada la imaanayso dib uheshiisiin dhab ah iyo inay gaarto siyasiyiinta aqoonyahanda ururada bulshada. Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu waxuu yiri Waxa iyadana la yaab leh in golaha wasiirada ee jira uu u badan yahay raggii 16ka sannadood meesha fadhiyey ee waxay gallaan iyo waxay guddaanba ummaddu garanaysay, waxqabadkoodana hore loo arkay waxay hadda qabanayaana la saadaalin karo. Arrintaasi waa ta dadweynaha Somaliya ka dhigtay isku aragti keli ah.

CSSU InternationalWaxay kula talinayaan Madaxweynaha iyo dowlada uu Raiisal wasaarha ka yahay Gedi, inay ka shaqeeyaan wadahadal iyo dib uheshiisiin dhab ah isla markaana ku dhawaaqaan goorta iyo meesha dib u heshiisiintu ka dhacaysa hadii kale dowlada Gedi waay ku fashilmi doontaa awooddina kari maayo in uu dhiso dawlad loowada dhan yahay oo taya leh ee uu ku ballanqaaday, taas oo isaga [Madaxweynaha] magaciisa iyo sharaftiisaba mustaqbalka ugu jirta taariikhdana ay ku ammaani doonto.

Gudoomiyhuhu waxuu ku soo gunaanuday ooraahdaan,Maroodi rimay, habar dugaag baa isku soo baxay si ay uga umuliyaan, halkii laga sugayey in uu Boqorkii beddeli lahaa dhalo ayaa wuxuu dhalay dooliyaal tiro badan. dooligu marka ay dhashaan itaal, indho iyo awood midna ma laha. Sidaa darteed, Somaliya maanta ma joogto meel ay uga dhashaan dooliyaal bilaa arag ah oo aan awood lahayn ee waa la hagraday. Markaa dawladdii dib uheshiisiinta laga sygayay ma waxay noqotay Maroodigii rimanaa ee dooliga dhalay?


Center for Somali Solutions International
Milwaukee Wisconsin CSSU Branch office
Contact: Dr Cabdirizaq Farah
414-687-1150
The Head Quarters office
Phone: 612-871-6411
Minneapolis, Minnesota.
Email: somalisolutions@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH