SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Baaq ku wajahan Ummadda Soomaaliyeed

maxamad bashiir jaamac
gumburi1885@yahoo.com

salaama caleykum waraxmatulaah : salaan ka bacdi waxaan baaq u jeedinayaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Walaalayaal cidna kama qarsoona xaaladda soomaaliya iyo meesha ay marayso ,mana aha in maanta aan is weydiino waxyaalahii dhacay iyo sidii ay u dhaceen ,maaha in cid go,an qof iyo beel gooni ah lagu tilmaami waayo sidaas laguma gaarayo xal iyo is af garad.

Soomaaliya waxay maanta maraysaa marxaladiii uga liidatay ee qaran soo maro ,waxaa ina gaarsiiyey heerkaas qabiil iyo is kala gur .Caalamka lama arag dal 17 sano aan wax dowlad ahi ka talin,lama arag dad aan is afgaran karin nabadna soo dhisan karin .

Waxaa intaas inoo dheer in qoraa kasta oo wax qoraa in yar mooyaane uu adeegsado inuu duqeeyo reer ama beel gooni ah ,bal maalin keli ah waxaad booqataa bogaga internetka ee soomaalida ilaa 5 ka mid ah waad yaabaysaa kuwaa magac reer oo qayxan xambaarsan,maba aha ceeb oo hadii reer yeesho web u gaar ah dhib kuma jirto ,waxaase aad naxaysaa marka aad aragta waxa webkaas lagu qoraayo iyo siyaasadiisa oo ku dhisan inay dadkii sii kala fogeyso,inkasta oo ay jiraan dhowr web oo aad ka helayso qoraallo macquul ah oo dhexdhexaad ka ah arimaha soomaaliya.
Waxaad kale oo aad yaabaysaa marka aad akhridid maqaalaada ay soomaali badan oo aqoonyahnno isu haysta ku soo qorayaan internetka.

Waa wax laga naxo inaan noqo ummad talaabadii ay qaadaanba ay tahay anagoo reer hebel ah iyo reer hebel noo talinmaayaan iyo reer hebel waxay rabaan iyo nimankaasi waxay naga rabaan iyo erayo kale oo ka sii xun.Waa waxa maanta ina gaarsiiyey in xaruntii wasaaradda gaashaandhiga soomaaliya ay maanta dhex deggan yihiin ciidamo amxaaro ama xabshi ah (itoobiyaan) sidaa doonto u aqoonow.

waa yaab in 17 saro markii ay ka soo wareegtay maalintii maxamad siyaad barre laga saaray soomaaliya hadana maanta meel walba xabadi ka qiiqayso soomaaliya oo dhan ama dulmi iyo maamul xumo laga qaylinaayo meelaha nabada lagu sheego.

Waxaa yaab ah maxaa siyaad barre iyo dowladiisii loo tuuray ,haddii ay musuqmaasaq badnayd maanta digriiyaa lagu qaatay,ma dadkay dili jirtay maanta PHD ayaa lagu qaatay dilka ,ma cadaalad xumay waday maanta cadaaladda lagama yaqaan dalka ma dhaqaalahay lunsan jirtay maanta dhaqaaleba lama hayo .

Ceeb kasta oo aad ku sheegto dowladii marxuumka maanta sagaal laabkeed ayaa yaalla xabashina inoo dheertahay.
Hadaba umadyahay soomaaliyeed waxaan idiin soo jeedinaaya baaq nabadeed oo ah danteena guud ahaan waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu inaga dhigo kuwa raaca wadada xaqa ah aamiin. Waxaan baaqayga ku soo koobayaa qodobo dhowr ah.

1.umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waa umad walaalo ah khaliif kasta oo siyaasadeedna waa inaanu shacabka gaarin lagana ahaado nadiif. lana ogaado in siyaasadu tahay xarig maalinba dhinac loo jiido.

2. dhiigga daadanaaya ee umadda soomaaliyeed waa mid ilaahay xarimay berina la is weyn diin doono ee ha laga waantoobo ,nin kasta oo ku lug leh ama taageersan daadinta dhiiga ama dhaqaale ku bixiyaana waa la mid kašn dhiiga daadiyey.sidoo kale maatida iyo dulmiga lagu hayo waa wax fool xun waajibna waxaa ah in laga dhiidhiyo waxashnimada noocaas ah.

3.ma jiro qabiil qabiil ka sareeya ,ma jiro qabiil xaq u leh keligiis talada dalka ,ma jiro nin u dhashay inuu leeyahay talada umadda ma jiro nin ah 0,5 iyo mid dahamystiran ee waa in laga hortago fikirka ah 4,5 waa dulmi cad oo lagu dulmiyey beelo iyo reero dhan.

4.ku dhaqanka diinta islaamku inuu soo kordhiyo wanaag moyaane qasaare ma ahaan waana waajib iyo amar ilaahay ,ninka leh ma doonaynana ha ogaado inuu diiday amar ka yimid alle subxaanahu watacaalaa 5. waa in aan maanta laga bilaabo yeelano wacyi gelin joogta ah oo la isku faro wanaaga iyo kahyrka iyo jidka horumarinta ,dhalinyarada iyo dadka soo koraayana lagu beero jacaylka dalkooda iyo dadkooda si ay berito ugu noolaadaan mustaqbal wanaagsan inookana dhaxlaan taariikh wanaagsan oo ka fiican jidka aan maanta hayno.

6. waxaan madaxweyne yuusuf ,raiisal wasaare geedi iyo dhamaan madaxda dowladda ugu baaqayaa in ay bedelan siyaasdda ay hadda ku socdaan kuna bedelaan siyaasad u adeegaysa bulshadooda dalkoodana ku soo celinaysa nabad iyo horu mar iyagana u ah safxad cusub oo ay ku soo jiitaan dadkooda si ay dembi dhaaf uga helaan alle iyo umadiisaba.

7. kooxaha wada dagaalada iyo qaraxyada waxaan leeyahay bal fiiriya oo ka fekera madfaca aad soo ridaysaan jawaabtiisu qasaaraha ay geysanayso iyo cidda ay ku dhacayso , mase tahay xal sida hadda ay xaaladu u socoto,waxay ila tahay in la gaaray xilligii aan badbaadin lahayn dal iyo dadba.
waxaan filaayaa in aanay intan oo qura ahayn xalka umaddeena ee waxii kale ee aad idinkuna ku biirinaysaan oo talooyin ah waxaan leeyahay soomaali o dhan ayuu u furanyahay inay ka qayb qaataan,ilaahayna ha inaga dhigo kuwa wanaaga is fara kalana qaata xumaantana iska reeba aamiin.

wa bilaahi towfiiq.
maxamad bashiir jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Bilkhayr dhahaya aamiin.

Maansadan waxaa curiyey maxamd bashiir jaamac waana maansa taabanaysa sida ay bani aadamku ugu jiraan dagaal iyo dulmi isla markaana xayawaankii oo inaga caqli liita ayna samayn waxa aynu samaynayo,maansada oo si gaar ah ula hadlaysa baniaadamka gaar ahaan soomaalida waxay tusaysaa in inagu aan nahay bani aadam weliba nahay umadii nebi maxamad oo uu ilaahay u soo diray nebigiisii swc qaaliga ahaa ,lana inaga doonayo inaan raacno balantii ilaahay laga qaaday,wuxuu maxamd bashiir is weydiinayaa sababta looga baxay balantii ilaahay.

Ugu dambeyn wuxuu maxamd bashiir ina tusayaa in qofkii ka leexda jidkaa xun ee dilka iyo dhaca ee mara jidka toosan in ilaahay ugu bishaareeyey nolo aakhiro oo wanaagsan oo leh jano qurux badan oo webiyo marayaan beero fiican leh habla xuural caynahina joogaan,waana tan ilaahay inoogu bishaareeyey in ilaahay adoomahiisa saalaxiinta ah siin doono.ilaahay ha inaga dhigo kuwii raaca jidka toosan dadkoodna kal xishooda dilka iyo dhaca beenta musuqmaasaqa iyo wax walba oo xun aamiin.
Waatan maansadii::

Soomaaleey bishaariyo
Barwaaqaa lasheegaye
Inta aanan kala bixin
Buugana idiin furin
B,i waaye dayriyo
Belo looma yeertee
Baryadana ilaahay
Bartamaha habeenkiyo
Barqadiyo dharaartaba
Buur iyo baanaaniyo
Badaha iyo webiyada
Bara kastoo ad joogtaan
Badiyoo ducaystoo
Bishmihiinna kala fura
Bilkhayr dhahaya aamiin
Bad kalluun dhex jiifiyo
Baabulow libaaxiyo
Bakayliyo waraabaha
Baryareey dhilmaanyiyo
Cayayaanka boodiyo
Bogga waxa xamaartiyo
Kuwa samada buubaa
Bahaluhu dhamaanatood
Inakstooy is boobaan
Boqnahana is gooyaan
Misna bara mid leeyhay
Boob kuma xoraystaan
Bidhaantay yaqaaniin
Xaqa baallahiisoo
Xaaraan la beeriyo
Boolida ma qaataan
Koodii badheedhana
Marka buunku uu dhaco
Bacadkiyo xisaabtiyo
Suaalaaha ma uu baqo
Ilaah baa ka baajaye
Inaguna barbaartii
Aadam laga bacrimiyiyo
Beertiisi baan nahay
Ilaahenna boqorka ah
Kuwuu siiyey barakada
Buruuj iyo watiiniyo
Baariyo idaa jaa
Ayaadaha bayaanka ah
Kuwii loo bandhigayee
Iqra lagu bilaabee
Baalaha rasuulkii swc
Kuwii buuxiyaan nahay
Balantii ilaahay
Maxaa looga baxayoo
Burburkiyo colaadaha
Maxaa loogu baahdoo
Beledkiina loo gubay?
Bakhti looma cuno
Baahida daraadeed
Boqolena in loo dilo
Sidii neef baraarana
Bi; i waaye waa ceeb
In la wado belaayana
Bulshadii ku dhimataye
Bal wanaag ha loo rogo
Beentiyo turuufada
Buntukh lagu tabcanayiyo
Bedeloo isbaarada
Buugiyo qoraalkiyo
Wada hadal bayaaniyo
Run halooga baydhoo
Ninkii barada sheeydaan
Ka baqoola maantadan
Webiyaal burqanyiyo
Beer iyo bustaaniyo
Bustayaal xariiriyo
Barkimiyo furaashiyo
Baxsan xuural caynoo
Sariir lagula boodiyo
Sharaab aan biyaysnayn
Barax laga ilaashiyo
Jannaa loogu baaqaye
Soomaalaay bishaariyo
Barwaaqaa la sheegaye
Bilkhayr dhahaya aamiin
Aamiin.
Maxamad bashiir Jaamac
Gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH