SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


War Soomaali Ma Sidan baa u Danbeysay ?

joojeCabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

Intaas kadib Soomaali ma sidan baa u danbeysay, war aaway damiirkii, aaway Soomaalinimadi, aaway dowladnimadi, aaway oday dhaqameedyadii, aaway aqoonyahanadii, aaway Culumadeenii, aaway waxgaradkeenii, aaway haweenkii iyo dhalinyaradiiba.

Soomaaliyeey sidan daw maaha, war aynu isqabano, war aynu miis isugu imaano. War in hal madfac la rido, oo kadib ay boqolaal kale u dhimato xal maaha. Dowladda federaalka ah waxaanu leenahay war si shuruud la’aan ah uga saara itoobiyaanka waddanka, oo dadka isku daya inaad kasbataan, ee itoobiyaan inuu dadka laayo wallee dowlad lagu noqon mayo. Kooxaha kale iyagana waxaanu leeyahay war unaxa dadka oo isku daya inaad dowladda si kale ula xisaabtantaan, ee xal maaha inaad dadka dhexdiisa ku dhuumataan

Soomaaliyeey Qabiil meel aynu ku gaareyno ma jirto, ee aynu isdaba qabano inta goori, goor tahay. War qofka dowladda qabiil ku taageersan wuu khaldan yahay, oo waaqica wuu ka fogyahay. Sidoo kale kan qabiil ku diidan Dowladdana wuu khaldan yahay, oo waaqica wuu ka fog yahay. Isku day inaad si cadaalad ku jirto aad u eegto arimaha murugsan uu waddanka ku jiro. Iska ilow aragtida khaldan ee qabaliyadda.

Mar kale waxaan leeyahay oo ku baaqayaa si shuruud la’aan ah haloo joojiyo xabadda, oo dowladda iyo mucaaradkuba miis ha isugu yimaadaan oo halasoo nooleeyo heshiiski Khartuum ama mid lagu dhigo gudaha waddanka.

Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay raadiso nabadda, oo ay geed dheer iyo mid gaaban ba u korto sidi waddanka nabad loogu soo dabaali lahaa. Qolyaha maxkamadaha waxaa leeyahay war nabad iyo heshiis wax dhaama ma leh ee ogolaada inaad nabad wax ku raadisaan. Halka aad xabadaha ka rideysaan, kubadala Mudaharaadyo nabad xambaarsan, oo looga soo horjeedo ciidamada shisheeye.

Soomaaliyeey meel walboo aad joogtaan waxaan idiin leeyahay hala raadiyo nabad oo haleysku dayo in la badbaadiyo maatadeen hadda iyo kow soo qaxeysa.

Soomaliyeey maanta, waa maalintii uu caqliga shaqeyn lahaa, ee aynu badbadino dadkeenii, aynu badbaadino Caasimadeenii Muqudisho, aynu badbaadino dowladeenii, aynu badbadino aqoonyahanadeenii iyo dhammaan meel walboo ay joogaanba Culumadeenii. Sida lagu badbaadin karan waa xabadda oo la joojiyo, oo wax walba wadahadl lagu dhameeyo. Soomaaliyeey dagaal wiil baa ku dhinta, ee wiil kuma dhasho.

Waxaan maqaalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey aynu raadino midnimadii, oo aynu isku dayno inaanu wax walba heshiis ku dhameyno. Sidoo kale waxaan mar kale ku baaqayaa in ay Dowladda Itoobiya ilaaliso daris wanaaga oo ay waddankeeni shuruud la’aaan uga baxdo. Sidoo kale Dowladda federaalka ah ha ilaaliso rabitaanka shicibka.

Soomaaliyeey haddeynu rabno inay dowladnimadeeni soo noqota aynu qabaliyadda iska ilowno, oo raadino qaranimo.

Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim jaamac Jooje
Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Somali Advice & Information Centre

( 15 Thurlby Road Leicester LE5 3PE – Tel/Fax 0116 2516977 )

Ogeysiis

Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed eek u nool magaaladan Leicester waxaan u sheegeynaa in xafiiska Somali Advice & Information Centre, uu howlihiisa aheyd u adeegidda Bulshada, uu dib u bilaabay.

Waxaa kaloo xafiiska lagu soo kordhiyay adeegyo kale oo cusub sida:- Tarjumidda Xafiisyada, Qoritaanka CV- yada, Diyaarinta Interview-yada, Raadinta Shaqada & Tababarada

Haddaba\Ballanteenu waa xarunta cusub ee xafiiska


Somali Advice & Information Centre

15 Thurlby Road – Leicester

U Dhaw - Dukaanka Soomaalida ee GreenLane.

Saacadaha shaqada Maalin kasta


13:30 -16:30 / Isniin - Jimce

NB:- Haddii aad u baahan tahay in laguu raaco xafiisyada, oo lagaaga soo tarjumo soo wac xafiiska labo maalmood ka hor ballantaada. Tel:- 079 0349 3209.

Mahadsanidiin

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Qualified Advice Worker
saicentadv@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH