SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Afrikada Qoriga sidata iyo Qaxoontiga Meeranaaya

Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com 
Nairobi, kenya


waxaa in dhaweydba ka socnaysay Caasumada wadanka Soomaaliya Qax , Barkac iyo waliba burcad dadka aan waxba galabsan ka furnaysay Mobilad iyo wixii la mid ah

kumanaan dadweyne aan waxba galabsan danbi aan dalka iyo diintaba aan ka galin ayaa waxa ay ku jiraan nolol aad u xun waxa ayna ku khasabtay in ay iska ka qaxaan guryagoodii , waxa ayna hadeer ku nool yihiin bilaa hoy waxaana u sii dheer ma haystaan wax ay cunaan iyo biyo ay cabaan

waxaa lagu arkayaa magaalada Muqdisho wadooyinkeeda waa weyn Hooyooyin iyo caruur da'doodu ay aad u yartahay oo ka caraya maraafiicda ay is weydaarsanayaa Ciidamada huwanta ah iyo kooxda Muqaawinada ka wada Dalka Soomaaliya ,

qof waliba oo muqdisho jooga maanta waxa uu doonayaa in uu qaxo ,hadii uusan hadeer qixina inta kale ee Qoyskiisii ayaa uu ka saaray magaalada Muqdisho, Qofkasta waxa uu ku qaxi karo ayuu ku qaxay , dadweynaha qaar baa ku qaxay Diyaarado, Baabuur, Doonyo, qaarna Dameero ayey ka ka baxeen magaalada Muqdisho oo ahayd hooyadii Soomaaliya

Muqdisho ayaa waxa ay gashay Maalo iyo habeyno Madaw ka dib 6 bilood oo ay nabad ahayd markii ay gacanta ku hayeen Golaha Maxaakiimta islaamka oo ay ciidamada Huwanka ah ay ka awood roonaadeen ayna ka saareen inta badan Soomaaliya , laakiiin waxa ay ku jiraan hawdka gobalada Jubooyinka awoodoodiina waa sidii inta badan shacabka Soomaaliyeedna waxa uu taageersan yahay Kitaabka Ilaahay iyo Maxkamadaha

iminka shacabka Soomaaliyeed waxa uu ku jiraa dhibaatada aadka u qalafsan ee aynu kor ku soo xusnay, sidoo kale labada qaybood ee Soomaaliya ku hardamaysa mid walibana waxa uu wadaa sidii uu awood uu ka kale ku maquunin lahaa uu u helo ,taasina waxa ay niyad jab iyo calool xumo ku reebaysaa Umudda Soomaaliyeed ee aan waxba galab san ee dusheeda la isku baacsanayo

Dawladda ku meel gaadhka ah iyo ta Itoobiya ayaa waxa ay wadaan dadaal ay ku heli layaan Hub , Askar iyo waliba Lacag ay ku baabi'iyaan kooxaha Muqawinada ka wada Soomaaliya iyo Hadhaaga Golaha Maxakiimta Islaamka oo ku jira hawdka ,laakiin iyagu lagama ma qal qolo hebeley waxaas na siiya waxay se u eegtahay in ay iyaguna wadaan qaban qaabo tas ka daran oo ay ka raadinayaa ugu horayn Ilaahay ka dibna Umada Soomaaliyeed iyo wadamada islaamka inta badan

wadamo badan oo aduunka ah ayaa waxa ay dadaal ugu jiraan sidii ay soomaaliya u geyn lahaayeen ciidamo ay ku sheegeen Nabad ilaaliyayaal kuwaas oo xasilin doono wadanka ay colaadu ragaadisay waa sida ay hadalka u dhigeen

hadii aan indho indheeyey wax yaabo badan oo macquul ila noqday marka aan la kaashayday caqligayga waxaa ii soo baxday ciidamadan lakeenayo soomaaliya in ay san Nabad iyo xasilooni aysan ku soo dabaali karin Soomaaliya sababo jira awgood hadii aan ka sheego mid ama labo waxaa ka mid ah

kooxda Muqaawinada oo aan ogalayn in ciidamo taageeraya dawlada taagta daran ay yimaadaan wadanka Soomaaliya, ka tusaale qaado wax hadeer xamar ka socoda oo haben iyo maalin ciidama Itoobiyaanka ah lagu sameeyo

inta badan Shacabka Soomaaliyeed oo u arka ciidamada shisheeyaha in ay yihiin kuwo doonaya in ay gumaystaan Soomaaliya

ciidama shisheeyaha ah iyo dawlada oo doonaya in ay xabad iyo qori caaradii ay ku qabsanaan Soomaaaliya

Dhamaan aduunka oo dhan ama wadamada soomaaliya danaynaya kuma jiro wadan kaliya oo yidhi bal Ciidamdan Afrikaanka ah ee la isla soo qaaday ha la hakiyo oo xaga wada hadalka ha loo soo jeesto , hadii uu yidhina daacad kama ahayn waayo waa la arki laha ficilkeeda waxaa loo qaadan karaa in ay ahayd ha lagaa sheego iyo iska dheh

Soomaaliya ma waxa ay ku danbaysay in Shacabkeedu uu noqdo qaxoonti wareegaya daafah aduunka kumanaan ay naftooda u haligaan iyaga oo ka cararya xabadda iyo dar xumada ka jirta Soomaaliya , Afrika iyo Aduunkuna ma waxa ay hadh iyo habenba ku mashquul san yihiin sidii ay ciidamo colaad ka huriya Soomaaliya ugu soo diri lahayaayeen?!!!!!!!!!!!!!! jawaabta adigu isweydii walal

Cabdiqani Makhtal Maxamed
Cabdiqanimakhtal@hotmail.com 
Nairobi, kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH