Barlamaanka ayaa Ansaxiyey Calanka Itoobiya....
Scw: waxaan salaamayaa umadda soomaaliyeed mel kasta
oo ay joogaan.
Waxaan filaayaa in cinwaanka maqaalkayga aad is
weydiisaan idinka oo leh ,sidee ayuu barlamaanku u
ansaxiyey in calanka itoobiya laga taago soomaaliya
dhexdeeda.
Hadaba si ay jawaabtu inooku fududaato waa in aan
dib u milicsano markii barlamaanka soomaalida la soo
hordhigay arinta ciidamo shisheeye oo la keeno dalka
iyo sidii ay isugu dagaaleen arintaas oo gartay in
meel walba laga daawaday iyaga oo kuraas isla
dhacaaya.
Waxaa kale oo iyana mudan inaan xusuusano sidii ay
mar labaadkii ay baydhabo ugu ansaxiyeen cod
aqlabiyada ah in dalka la keeno ciidamo
shisheeye.Hadaba bal is weydii oo maxay markii
horena isugu dileen arintaas mar labaadkiina ay cod
aqlabiyada ah isugu raaceen , waa suaal sahal ay
tahay jawaabteedu waayo waxay mar labaadkan ka cabsi
qabeen midowgii maxaakiimta oo markaas gacanta u
hayey magaalada muqdisho iyo badi dalka soomaaliya.
Hadaba maanta oo barlamaankii soomaaliya ay
dhamaantood raalli ka yihiin joogitaanka itoobiya ,oo
weliba kuwii shalay diidanaa ay maanta ugu
jecelyihiin joogitaanka amxaarada sida qanyare oo
maxaakiimtu xamar ka eryoodeen maxaynu isu
weydiinaynaa calanka itoobiya ee laga tagay
soomaaliya dhexdeeda .
Itoobiya dantay doonto ha ka lahaato taagista
calanka ama sida la idinka dhaadhicinaayo dad kale
ha tagaane maxaa calankooda loo diidayaa haddii
dalkii oo dhan lagu aaminay oo la yiri idinkaanu
idin aaminay zeynawina laga dhigtay weli laga
barakaysto.
Ma
waxaa la doonayaa in amaxaarradu xamar dhex maraan
calankoodana qariyaan taasi waa sheekada gorayda oo
madexeeda ciidda ama carada ku qarisa inteedii kale
oo taagan banaanka.
Professor dalxa iyo kuwa ka dhiidhisan taagista
calanka itoobiya waxaan idin leeyahay haddii aad
tihiin wadaniyiin damqanaya u tafa xayta sidii dalka
looga saari lahaa itoobiya askarigeeda ilaa
sarkaalkeeda,haddii kale daaya waxa ay dhabaynayaan
riyadii minilikh ee oranaysay soomaaliya waa gobol
ka mid ah itoobiyada weyn.
umadda soomaaliyeedna waxaa maanta u soo hoyatay
guul darro iyo ceeb maadaama calankii itoobiya laga
taagay muqdisho dhexdeeda, ama amxaar ha ka taago
ama soomaali ha taago waa isku mid itoobiya wa u
guul ,waxase is weyndiin leh aaway soomaalinimadii
aaway wadaniyadii aaway midnimadii iyo qaranimadii .
Waxaa qalad laga galay oo loo gafay halgamayaashii
1964 iyo 1977 naftooda u huray ciidda qaaliga ah,
waxaa la inkiray ducadii ay mudnaayeen waalintood
waxaana laga galay gaf weyn agoonta aabayaashood ku
dhinteen dagaalkaas iyo kuwa nool ee naafada ah ,waxaa
la xaqiray haweenkii halgamayaashu ka dhinteen oo
maanta iyagoo waayeel ah amxaar guryahoodii loogu
keenay.
Waxaa meel looga dhacay taariikhda xoogga dalka
soomaaliyeed ,libintoodiina laga dhigay waxbayahay.
Waxaa halkii laga abaal marin lahaa loogu jawaabay
waad qaldanaydeen oo walaalhiin baad la
dagaalamayseen ee raali geliya.
Waxaa la duudsday taariikhda iyo halgankoo gobolka
Ogaden iyo dadka ku nool oo dhan,waxaana looga
hiiliyey oo laga raacay amxaarka ilaa maanta iyo
saacad walba gumaadaya , jeelashana ay uga buuxaan
wiilashoodii.
Waxaa maanta la sharciyeeyey nacayb iyo colaad
lakala dhex dhigo umadda soomaaliyeed waxaana mar
labaad qiil loo sameeyey dulmiga iyo cadaalad xumada,
waxaana la galay taariikh madow oo reebi doonta wax
aad u fool xun.
Waxaa wadada loo xaaray dagaal sokeeye oo ka xun kii
dhacay 17 sano e la soo dhafay.
Waxaa la duugay hankii iyo himiladii umadda
soomaaliyeed ,waxaana la beeniyey wedhii oranaysay
soomaalida haddan nahay iyo hideheenii an ku faani
jirnay.
Waxaa la sameeyey sawirro cusub oo aan la filanayn
in taariikhda lagu arko(askari amxaara oo muqdisho
dhexmaraaya).
Waxaa la jeexay xuduud cusub oo aad khariidadeeda ku
jaah wareeraysid.
Hadaba jaraaimkaas aan xadka lahayn waxaa
dembiilayaasha galay lagu xukumi doonaa maxkamadda
taariikhda iyaga oo nool iyo iyaga oo dhintayba.
Waxaa guulaysanaaya halgamayaasha iyo inta jecel
dalkooda iyo dadkooda waxaana u dambeyn doona farax
iyo qosol ,waxaana qoomamayn doona kuwa aaminay
maalmaha iyo saacadaha la noolyahay ee aan horay u
eegin adduun iyo aakhiro midna.
Waaxse is weydiin mudan oo aan la yaabanahay
Soomaaliyeey idin mee?
Maxaa aamusiyey aqonyahanka iyo wax garadka
soomaaliyeed iyo culumada ku nool daafaha aduunka
maxaa loo qaadi waayey mudaaharaad laga dhigo dal
iyo dibad oo lagu muujiyo diidmo qayaxan oo lagu
nacaayo itoobiya iyo cidda wadata?
Mise waxaan sugnaa marka aan noqono sida
falstiiniyiinta oo waqti aanu waxba tarayn ayaan
dhagax tuurnaa?
Maxamad Bashiir Jaamac
gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: Feb 28,
2007
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...