SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hadii maanta abaheey noolaan laaha dhar ciid buu iibin lahaa

Abdirizak A.kaneec
Kaneec1@hotmail.com


Somaliyey weligaa hadad jirto wuxun baad arkaysaa bishani waa bishii xajka ciidu waa ciidul fidri,maalinti waa sabti waxaan kusoo tukaday masaajidka salaama saladii kadib waxaa baanaanka masaajidka isugu timid Somali aad ufara badan,kusoo oo soogutey salaadii ciida,sikastaba ha ahaatee markii aan xoogaa yar aan lataagnaa dhaliyaro aad ufaraxsan baan waxaan soo aday xaafadayda si aan quraac udoonto dadka xaafada ila degena aan ula qaysado,farxada ciida intaan soogaarin gurigayga ayaa waxaa wadada isku aragnay wiil yar oo somaliyed kaasoo,kasoo layiraahdo maxmed maxed waxaa ka muuqatay diif mana faraxsanayn lakiin salaada buu kusoo tukaday masaajidka aan salaada ciida kusoo tukaday,hadaba maxed waxan waydiiyey su aalahan.

Ader magacaa,magacaygu waa maxed ali

Abdirizak..Maxamed xagee degan tihiin

Maxamed.. ader xaafada ma degine lakiin waxan la noolahay rer soomaliyed

Abdirizak.maxamed ader hooyadaa meeday iyo abahaa aniga hooyaday somaliya bay jirtaa abahayna dagaalkii somaliya baa lagu diley,waxaana meshan I kenay eedaday oo hadana meesha iiga dhooftay,

Abdirizak..eedo xage adayna

Maxamed…ader eedo waxay aday usa dalka mareekanka

Abdirizak..sidee eeda kaagatagtayna ader

Maxamed aduunkan maanta lajoogo adeer waa akhirusaman edo iyada meshan ikeentay meshana iiga tagtay.markii ay igatagtay baa waxaa hooy isiisay hooyo somaliyeed oo iga bixisa iskuulka iyo cunada lakiin wax shoppin ah kuma lihi.

Abdirizak. Adeer maxamed noloshaaada kawaran

Maxamed.. nolosheydii waa tan aad aragto oo ah mid aan maanta anan ciidayn.

Abdirizak.. hooyada soomaliyeed ee aad la nooshahay caruurteeda ma ciideena

Maxamed haa way ciideen sifiican bayna uciideen aad bayna ufaraxsanayeen saaka,salaada kadibna waxaa loo kaxaynayaa meelo ay ciyaar u aadaan oo makhribka ayaa la keenayaa iyadoo soo raxaystay, oo hadana aad mar kale ufaraxsan

Abdirizak…adeer adiga ma raacaysid miyaa ciyaalkaas si aad adna u aado meelaha beraha ah ee oo daawaasho tago.

Maxamed..ader aniga gurigaa laiiga tagayaa oo ilaa makhribka oo ay ka imaanayaan hooyadaas iyo ciayalkeeda waxaan dhex fadhinayaa guriga dhexdiisa,oo ilaali baa la ileeyahay,ana dantaydaan fiirsanayaa,madama aan mesha kuhaysto hurdo iyo cuno

Abdirizak..ader maanta maadama ay ciid tahay maxaad dareemayasaa

Maxamed.. ader waxaan dareemayaa aniga hadii maanta abahay noolaan lahaa waan ciidi alahaa farxadana, waan dareemilaahaa

Abdirizak..maxamed maxaad barataa

Maxamed..marka hore xaafidul quraan baan ahay oo sedex jeer baan quraanka dhameeyey waxaana jiraa 13sano,iskuulna waan dhigtaa.

Abdirizak.. maxamed hada maxaad damacsan tahay mustaqbalkaaga inaad sameen doonto ama aad rajaynaysaa

Maxamed. Mustaqbalka adaa og lakiin adunkan ninkii sabraa ama dadaalaa wuugaaaraa

Akhristow maxamed markasta oo aan waraysigan ka qaadayey wuu il meynayey wuxuuna alaah haduu abahay noolaan lahaa maanta waan ciidi lahaa,

AGoonta ka farxi weliigaa

Waalid walba rag iyo dumar aad buu u jecelyahay in ilmihiisu dharka ugu qurux badan labbisto maalmaha ciidda alaab xiiso badan oo uu ku ciyaarana loo gado , agoontu iyaguna sidaasoo kalay ugu hanqal taagayaan inay la ciidaan carruurta muslimiinta ee faraxsan, hase yeeshee ma laha aabbe u soo shaqeeya oo gaynaya carwooyinka dharka lagu iibiyo,

Walaal in ilaahay kuu xafido ubadkaaga noloshaada iyo geeridaadaba caawi agoonta oo ka farxi. Weligaa meelkastoo aad joogtid agoontuna waxay joogaan deriskaaga adtaada iyo meelkastaba

Abdirizak A.kaneec
Kaneec1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH