SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Xaaladda Guud ee soomaaliya iyo mustaqbal xumada la fili karo.

maxamad bashir jaamac
gumburi1885@yahoo.com

salaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

ciid wanaagsan umada soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan, sanadkan cusub ee dhashayna ilaahay khayrkiisa ha ina siiyo,intii soo gudatay fariidadii xajkana alle ha uga dhigo mid maqbuul ka ah alle dartiis, intii ku dhimatay dagaaladii u dambeyana alle ha u naxariisto wixii aan amxaaro ahayn.
waxaad moodaa in xaalada soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo aan la filayn inay dhici doonto, ha ugu horeyso ansaxintii barlamaanka soomaaliyeed ee u badan wax ma akhriyuhu ay ansixiyen in ciidamo ajnabi ahi dalka soo galaan ilaa duqayntii diyaaradaha xabshidu duqeeyeen caasimadii dalkeena qaaliga ah.

Adduun waa wajiya badanyahay ma amxaar baa xamar kismaayo,gaalkacayo, boosaaso, cadaado,l aascaano iyo hargeysa oo ay horay u joogeen dhex mushaaxaaya, ma madaxweyne soomaaliyeed ayaa wada amxaar oo leh dalka ayeey ila qabanayaan,ma raisal wasaare soomaaliyeed ayaa ka amar qaadanaaya amxaaro,ma wasiir arimaha gudaha oo soomaaliyeed ayaa leh xuduuda wan xiraynaa dhulkii ogadena halaga yeelo sidii la doono.ma culima soomaaliyeed oo leh aan kitaabka qabsano ayaa la cayriyey,ma xasan daahir aweys iyo sheeh shariif ayaan dhaafsanay maxamad dheere iyo barre hiiraale iyo qab qablayaashii oo dhan ,ma shaneemooyinkii aflaamta qaawan lagu daawanayey oo la xiray iyo qaadkii ayaa la idiin fasaxay ayaa la mooday wanaag inoo yimid. qaranimadeenii miyaa noqotay waxay gacanta ku hayaan rag aan xaq u lahayn inay dalkan maamulaan aqoon daradooda iyo karti xumadooda darteed? ma aqoonyahankii iyo professoradii ayaa jago ka waayey ,cilmigoodiina waxba tari waayey? ma salaad cali jeelle iyo diinaari ayaa noqday codka umadda soomaaliyeed ? .

Gabayaa carbeed ayaa yiri:في الاصل غش والفروع توابع فكيف وفاء الابن والاب غادر. taasoo micnaheedu yahay asalkii ayaa qish ahaa ama ka soo jeeday musuqmaasaq laamuhuna waa raacaan ,sidee wiilku aamin u noqdaa hadii aabihiiba yahay khaain ama sir wade.

Soomaaliduna waxay tiraahdaa hal booliyi nirig xalaala ma dhasho.

Barlamaankii lagu soo aasaasay nayroobi ee reer walbaa geystay kuwa aan shacabkeedu ka raali ahayn balse ku tegey tunweyni iyo ina hebel ,qaarkoodna qoryohooda ku tageen ,kuwaaso u badan kuwa aan damiir wadaninimo lahayn walow ay jiraan rag ka mid ah barlamaanka oo tiro yar oo aaminsan wadanka lagase awood roonaaday oo laga batay.

Aqoon daradoodii ma soo koobi karo waxaase tusaale cad idiin ah markii wasiir uu mucaarad ku noqday raiisal wasaarahiisii,markii xildhibaan caayey madaxweynahiisii iyo waxyaalo kale oo ka sii daran.Lama yaabani inay sida u macaamiloodaan waayo waxaa la yiri sheydaan baa hooyadiis jiiday markaasaa qoladii loo soo sheegay yiraahdeen sheydaan nin hooyadiis jiida waa yahay habar sheydaana wax la jiido waa tahay. markaa la yaab ma laha kuwaas isku caqliga ah inay is caayaan dagaalamaan ,kala xanaaqaan,qaarkood sida gudoomiyihii barlamaanka laba waayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen waxaanba maqlaayaey 3 milyan oo midowga yurub laga keenay ayuu la baxsaday iyaguun baa soo sheegay.

Hadaba umada soomaaliyeed maxaa la gudboon ,gaar ahaan dhalinyarada iyo waxgaradka aqoon yahanka iyo jiilka soo kacaaya ? meeday mid nimadii iyo qaranimadii la lahaa waa muqadas .

Hadaba waxaan idin leeyahy dalkiinii waxa uu ku socdaa wado madow oo uu horkaxaayo dhaqtarka xoolaha oo aan aqoon sida daka loola dhaqmo. madaxweynihiisu waa kii halaagaas ina baday oo 1979 inqilaab uu dano gaara ka lahaa markii uu fashilmay amxaaro u tegey bilaabana inuu din u soo weeraro dalkiisii taasoo hadda balwad u noqotay oo 30 sano kadib mar labaad uu amxaarkii soo hogaamiyey.

Hadaba tashada oo ku fekera mustaqbalkiina iyo waxa aad ku dambeyn doonta kuna xisaabtama in qolada zeynaawi ay u hartay 3 sano ee sadexdaasna aan iska ilaalino sirtooda oo go,aankasta oo ay wax ugu dhimayaan qaranimada aan ku mudaaharaadno caalamkana tusno inay wadaan dulmi iyo gumaysi ,hadii 3daa sano dhamaatona aan u dareerno dorasho xor ah oo aan ku doorano aqoon yahanka iyo cdid kasta oo hogaamin karta dalkan qaaliga.Maaha inaan 3da sano jiifno ee waa inaan hadda samayno xisbiyo mucaarid ah oo ka hor taga lana tartama waana in xisbiyadaas aan taladooda ka dhignaa mid la wadaago waxaana ugu baaqayaa nin kasta oo maanta leh karti uu xisbi ku aasaaso mideeya umada soomaaliyed inaau garab taaganahay ayidaynona anagoo ku hadlayna magaca qabaailka somaliyeed meel kasta oo ay joogan.Dalku waxa uu u baahanyahay hogaan midaysan oo siyaasadeed oo ka bixiya khatarta inagu soo fool leh hadii kale maalin aan shalaay waxba tarin ayaan ka shalaayi doonaa aamuska aan maanta aamusanahay . ugu dambeyna waxaan idin leeyahay;Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada ee tigree iyo amxaar naca oo taqantaqiya weligiine ,kuwa soo durbaan tumayaa tuug weeye ee tuma ee .towxiidkii bay diideen.soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada. ciid wanaagsan.

maxamad bashir jaamac
gumburi1885@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH