SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Raisul Wasaare Sanawi RABBI ma u rumeeyo Riyadiisa Balse Rag Somali sheegta ayaa doonaya in ay rumowdo.

Mohamed Cabdi Mohamed Bootaan
Kenya,Nairobi,Eastleight
Botaan1@hotmail.com

 

Melez Sanawi Raisuul wasaaraha Dalka Ethoipia ayaa waxaa oo ku riyooday marar badan in dalka somalia ay ciidamo dalkiisu lee yihiin in ay somalia galaan oo ay qabasadaan isagoo marar badan arintaasi ku riyooday ayaa waxaa iminka dhacday in riyaadaasi qaar ka mid u mooqato in ay run noqotay balse RABBIGEEN ma ka dhigee sida ay rabaan .

 

Wasiirka arimaha Gudaha somalia ahna Raisul wasaare ku xigaynka Xussian Maxamed Faarax ''Caydiid'' ayaa caydeeyay in xad somali lee yahay oosan jiran oo somalia iyo Ethiopia la isku darayo hal lacagna ay samaysano waxaana uu yiri oo kale somalia iyo Ethoipa waa walaalo midawga yurubvba 27 wadan ayaa isku ah hal wadan oo kale oo leh hal lacag.

 

Nin siyaasi ah baa saakay mar aan la waramayay waxaa uu igu yiri '' war nin yahow Xuseen Caydiid africkaba magac bas ayay ku midowdaye somalia iyo Ethiopia sidee loo midayn maadaama ay Ethipia ay tahay cadawga umada somaliyeed waa adiga oo yiri waxaa la midayn Falastiin iyo Isreal  afirica hadii ay midoobi lahayd oo lacag iyo ciidan kaliya wada samaysan lahayd waxaa ay ila ahaan lahayd mid macquul ah balse laba dal ayaa midowga yurub lala simiyaa miyaa ''

 

 

Fiiri Mapka Cusub oo ay qorsheeyeen Dawlada Geedi iyo Tan Melez  

Dalka Ethiopia ayaa waxaa oo sanadkii 1906 waxaa uu sheegay in somalia aysan jirin wax dhul somaliyeed ah oo lagu daro dalka Ethiopia balse EEBE janadii ha geeye Sheikh Xasan Barsame ayaa sanadkaasi ka hor arinta ka xijaabtay in aysan dhihin 1905 waxaa uu dagaal kala hortagtay balse nasiib xumo gobolka Somali Galbeed ayaa xiligaasi gacanta u gashay tan iyo xiligaasi Ethipoa waxay mar u han qal taagaysay in somalia ay gacanta ku dhigaan iyadoo dalkeeda ku abuurtay kooxo qaran diid ahaa oo iyagu dumiyay dawladii dalka somalia sanadkii 1991 ka dib markii ay taageero ka heleen cadawga umadda somaliyeed ee Ethiopia .

 

Dalka Somalia Iyo Ethiopia ayaa waxaa dhex maray dagaalo aad u badan marka laga soo bilaabo Al mujaahid Axmed Guray 1760kii sida qiyaasto tahay dagaalkaasi oo ahaa mid ku salaysnaa '' Dagaal saliibaynta '' balse maanta saliibaynta ama gaalaynta iyo waliba gumaysi ayay wadaan dagaalkaasi ayaa socday sida ay sheegaan taariikhyahanada mudu ku dhaw 500 sano oo lamo ilaabaan u ah umadda somaliyeed.

 

iyo waliba dagaalkii waynaa ee Somali Galbeed lagu doonayay in somalia lagu soo daro iyadoo casharo lama ilaabaan ah ay ciidankii xooga dalka somaliyeed ay siiyeen kuwii dalka Ethiopia ee xiligaasi  halkaan ka daawo Film 06/jul/video.html waxayna gacata ku dhigeen inta badan dalka Ethiopia.

 

Melez Sanawi ayaa markii dagaalkii soomaliga lagu qabsayay ee bilawday 19 December 2006  waxaa uu yiri '' waxaanu nahay rogaal cilis ama difaac oo dalkeena ayaan difaacaynaa'' balse xogayntii maxaakinta islaamiga somaliyeed Suulay ayaa yiri '' ma taqanaan rogaal ciliska ama difaaca waxaa loola jeedaa dagaalkii 1977 aan ku jabinay Ethiopa in ay naga aar goostaan oo ay wali qalibga ku hayaan, balse hadii aan fiiriyo labada hadal waa laba aad run u ah waxaase jira in dagaalkaasi oo shalay ahaa oo kii ka horeeyay ee Axmed Guray ay wali xasuustaan marka oo dabka ka iyo qiica ku raadsan jiray taas oo ilaa maata dalka Ethiopia ka dhigtay in heliba isagoo cayriin ah la cuno .

 

Xasidnimadaa is biirsatay oo ku biirowday bartamaha dalkooda ayaa maanta rag somali sheeganaya ay somalia soo galiyeen dalkeenii Ethiopiankaasi sidaas aaminsan iyadoo aysan ka marnayn meesha Dagaal Diimeed maadaama ay Ethiopia ay tahay 80% dad muslimiin ah baa 20% oo Masiixiyiin ah ay doonayaan in Ethoipia islaamkeeda oo ay awal curyaamiyeen ay doonayaan in ay maadana ku daraanm kii somalia oo ay bil ficilan ku dureen cirbad sun ah oo aan ogayn xili ay ka soo kacayaan ilaa EEBE gacan ka siiyo. 

 

Dhulka Ethiopia ma leh wax bad ah oo ay uga soo dagaan waxyaalaha Daruuriga ah ee loo baahan yahay basle dalka somalia ayaa ah mid ay ku xeeran tahay bad waynta Hindiya iyo walia tan gacanta Cadmeed '' Kismayo Marka Muqdisho Xarardheere Hobyo Gara-cad Eyl Qandala Boosaaso Barbara Saylac '' iyo kuwa kale oo badan ayaa somalia ku yaal oo xeebo ah taasi way rumaysna wayday Ethiopia iyadoo gacan ka hayslo Rag ay saaxiibo yihiin ayay ku soo qamaamtay xeebahaasi somalia ku yaal

 

 Dib u milicsi yar somalia Iyo Ethoipia waxii dhex maray

1-Dagaalkii Axmad Guray sababtuu u dhacay iyo taariikhda uu ku leeyahay Xabashida iyo Soomaalida

2-Dagaalkii 1964tii iyo waxay Xabashi u socotay; Burburinta qaranimada Soomaali oo markaasi jiray oo kalia 4 sano .

3-Dagaalkii 1977dii ee la doonayay in la soo celiyo dhulka somaliyeed ee gacanta gumaystuhu u galiyay

4-1980kii ayay qabsadeen meelo ka tirsan Mudug iyo Galguduud oo ay duqeeyen

5- 1996 hub iskugu dhiibtay qabiilada somaliyeed ee dagaalayay si ay isku cirib tiraan oo aysan mid uga harin

6-  Deceber Somalia oo diyaaradu lagu duqeeyay lana qabsaday

 

Ethiopia Calankeeda waa la badlay oo sanadkii 1996 waxaa laga dhigay iyadoo la dhex galiyay xidigta 5ta gees le ee ku dhex jirtay calanka buluuga ah ee somaliya ee uu sameeyay Marxuum Maxamed Cawaale liibaan taas oo looga dan lee yahay 5ta qayb ee somalia .

 

balse waxaa calankaasi somalia lahayd mid u dhaw samaystay Ethiopia sanadkii 1996 intii ay somali ku dhex jirtay burburka.

 

Calankii hore ee Itoobiya

Calanka cusub ee Itoobita

et

 

Somalia cidna uma maqna Ceelna uma qodna

Qabqalbe Qalin meeshii wax lagu qabsan jiray

Quri ku soo caan baxay iyo gumaysi horleh oo soo shaac baxay ayaa somalia ku dhagan.



Mohamed Cabdi Mohamed Bootaan
Kenya,Nairobi,Eastleight
Botaan1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH