SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

 

Ethiopia oo calan cusub samaysatay calankii Somaliyana ku dhex darsatay. Somaliya oo hada noqotay kilinka 6aad

Jaamac Abdi Ali
adoon_2007@hotmail.com

Ethiopia ayaa samaysatay calan cusub oo loo bixiyay “calanka cusub ee qaranka soona baxay 1996” kaas oo xidigtii calanka somaliya iyo buluugiiba lagu qoray dhexbartanka calanka Ethiopia.

Ethiopia ayaa buluuga ku macnaysay nabad taas oo macnaheedu yahay hadii soomaliya la isku diro oo la qabsado in markaas Ethiopia  ku noolaan karto nabad. Xidigta ayaa Ethiopia waxay ku macnaysay sinaan qowmiyadaha degan Ethiopia taas oo loola jeedo in dadka soomaaliyeed ee degan puntland, Somaliland iyo koonfurtaba ay la siman yihiin cafarta, Tigreega, amhxaarada iyo qowmiyadaha degan Ethiopia oo kale. 

Ethiopia waxay kaloo ku darsatay xidigteena iyo buluugeena calaamado ubirbirqaaya sida dhiamonka oo kale taaso ay Ethiopia ku macnaysay mustaqbal fiican oo Ethiopia hesho taas oo loola jeedo badaha soomaliya inay Ethiopia gacanta ku dhigto. 

Si Ethiopia gacan ugu dhigto Somalia waxaa kaloo la soo sheegayaa in sida magaalooyinka ku yaal Somaliland la soo dejiyo dad isku sheegaya inay yihiin Oromo muslim ah laakiin Laga war helay inay Tigree u badan yihiin. Waa sidii yuhuuda ay ku samaysay Falastiine. Nin ka faaloonaya arinkaan ayaa yiri. “War xaaskooda xitaa way keensadeen Somaliland wayna ku dhal dhalaan” 

Mile zanawi oo arinkaan ka dambeeya ayaa ku noolaan jiray Xamar oo jeclaaday magaalomadaxdeena isagoo arki jiray ciilna ka qaaday sida somaliya uga badin jirtay ciidanka Ethiopia isagoo wacad ku maray inuu aarsado. Si uu u aarsado waa inuu isku diro somalida kala qaybiyana isagoo tix raacaya buug madaxdii hore ee ethiopiyaanku uga tagay madaxwayne kasta oo Ethiopian ah oo xukuma Ethiopia. Buuga ayaa waxaa qoray boqorkii ethiopianka aha ee lagu magacaabi jiray Melinikh kaasoo sheegay in xeebaha Somaliya ay leedahay Ethiopia. 

Soomaalidu isma necba laakiin in nalaqabsado waxaa ugu wacan in soomaalida ay isku ogolaan wayeen xukunka oo uu rabo in qof waliba ka ciideeyo kursiga midka kale.  

Aduunka ayaa arinkaan la og Ethiopia hadana waxaa la eegayaa bal in Somalida laga qabsaday wadankooda ka ficiltamaan iyo in kale. Hadii aysan dagaalamin waa lagu sharciyayn doonaa hadii Guumaysiga lala dirirana waxaa la eegi doonaa sidii looga saari lahaa wadankeena Ethiopianku ay xoogga ku haystaan iyadoo naloo isticmaalay wasiiro iyo madax malyuumaad doolar la siiyay kuwaas oo qaarkood hada afkooda ka sheegteen. 

Calanka macnayntiisa waxaa laga soo xigtay websaydkaan oo calamada aduunka oo dhan macneeya: http://www.crwflags.com/fotw/flags/et.html

Jaamac Abdi Ali
adoon_2007@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH