Kuma ayaa
Fadhiya Gurigii Mililiq?
A. M. Yusuf |
wayeel@operamail.com
Xamarweyne, Dismeebar 28, 2006
- Kha’i teen
wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyne
- Ninkii
khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaaye
- Nin
khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaaye
- Khatar
haysku ridin jeer danbay kula kharaaraane.
-
(Sheekh Cali Cabdiraxmaan Fiqqi Khayrre:
“Alif Yeen”/1835)
HADDII AAD
SOOMAALI TAHAY, haddii aad qabyaaladda neceb
tahay, haddii aad Soomaalinimada jeceshahy, haddii
aad tahay Muslim Ilaahay yaqaan: waa adiga
qofka aan maanta la hadlayaa; marnaba na, ma na
oggolaadeen in akhriyo biiriqaate, weliba
Soomaalinimadii na gabay. Soomaali diidow silac u
dhimo! Waan ka samreynaa, silac u dhimo!
Wiilkii Damaca
Waalanaa
ATO MELES ZENAWI,
JACEYLKA uu awoodda u qabo, dhadhabkiisu waa mid soo
jiray teeryo carrurnimadiisii. Matxafka Addis Ababa,
ilaal ka shaqeeya ayaa u sheegay Maxamed Diiriye,
aqoonyahan Soomaaliyeed, in Meles oo cagabbaruur
ahaa, beri, isaga oo baal maraayay gurigii Menelik,
ka ku yaal Addis Abeba; inta uu ku dheygagay,
dabadeed na hooyadii ku yidhi:
“Hooyooy gurigaas
baan doonaya.”
“Aamus,” ayay
tidhi hooyadii.
“Kaas waa
hooygii Iberatoorka, ma na dhex fadhiisan doontide.”
Gabankii yaraa,
Meles, oohin ayuu ku waashay; ilamo ayaa ku dul
dareertay dhabannadiisa, taas oo ay ugu wacnayd
argaggaxii ay hooyadii ku ridday.
Durbadii ba na,
ooyintii intuu joojiyay ayuu yiri, “Gurigaas
ayaan dhex fadhiisan doonaa goorta aan hanaqaado”
(Mohamed Diriye Abdullahi. “The Jackal, the Hyena
and the King of Beasts in Somalia”. Hargeisa,
Somaliland, Jannaayo 1, 2007).
Waa Kuma
Menelik II?
Menelik II—Soomaalidu
na ay u taqaan Mililiqii Labaad—waa Iberatoorkii
Xabashida ee ku caanbaxay boobitaanka dhulalka
dadyow kala jaad ah ee maanta wada hoostaga
gumeysiga dalka dhalanteed ah ee loogu yeero
Itoobiya. Mililiq II (1889-1913), afaryalabaatan
dabshid, ayuu ahaa boqorkii Xabishada.
Haddii aan sheekadiisa in kooban kaaga soo qaado,
waxa jiray dhambaal hirgalay, kaasoo ay maalintiisu
na ahayd Abriil 10, 1891. Dhambaalku waxa lagu kala
hagaajiyay Gumeysteyaashii Dhulweynaha Afrika ee
Reer Yurub, sida Jarmalka, Faransiiska,
Ingiriiska,Talyaaniga, iyo Ruushka. Nuxurkii
dhambaalka na waxa ka mid ahaa: “Afar iyo toban
qarni ayay Itoobiya ahayd jasiirad ku dhextaal bad
wada cawaan iyo diinlaaweyaal miiran ah”.
Soomaalida waa in dib loogu baraarujiyaa tibaaxoha
kale ee beenabuurka ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa isla
qoraalkaas isaga ah: “waayadii hore soohdinta
Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii
ay wayday awood ku filan oo ay wax isaga caabbiso,
xoogaggii kiristaanka ahaa na ay wax kaalmo ah
taaran waayeen, ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jiray waxa ay u gacangaleen quwado
Musulmaan ah.” Maanta Meles Zenawi
waxa uu maleegayaa shirqool horleh, kasoo lagu
dhammeystiri doono halgankii Boqor Mililiq ee
qabyada ahaa—“isballaarinta xagga dhulka iyo
gacan ku dhigidda badaha ay ummadda soomaalidu
leedahay” (Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. “Ethiopian
Unwarranted Interference in Somali’s Internal
Affairs”.
Somalitalk.com | May 19, 2002; Afcelintii: Axmed
F. Cali idaajaa).
Soomaalida waxa
aan ka codsan lahaa in ay si feejigan ugu
hortagaan damaca waalan ee Ato Meles Zenawi—diktatoorka
dhexgelay Guri Mililiq, kalitashadeha
ku fadhiya kursigii Menililiq, hoggaamiyeha burcadda
Tigreega ee doonaya in uu ka dhabeeyo Riyadii
Mililiq II—sheegashada Xeebahii Banaadir. Boqor
Mililiqii II, isagu, ma arag Badweyntii Hindiga,
weligiis na ma maqalin hugunkeeda. Ogow se, Meles
Zenawi hore ayuu Badweynta ugu dabbaalbartay, hore
ayuu na uga soo daalay hugunkeedii: waxa uu hataan
istaawinayaa in aan ay jirin, hirar, damicii Mililiq
hafin kari doono—macnaha, Soomaali wax iska dhicin
karta.
Arladaa la
kala Boobi
Ma og tahay
Madaxweyneha—waxa loogu yeero—Dowlad Goboleedka
Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiyo Md
Cabdirashiid Duulane, iyo dhiggiisa MW Junegdi Saddo
ee Ismaamulka Oromada in ay warmurtiyeed ka
soosaareen xurguf ka dhexeysay labada Ismaamul,
taasoo ku saabsanayd xuduudaha u dhexeeya
labadooda dalal ama labadooda Itoobiyo. (Isha:
http://www.djibnet.com/;
Khamiis, Diseembar 19, 2002)
Maanka
Soomaalida Ogaadeenya (Soomaali Galbeed), maanka
Oromada Oromiya, iyo maanka Tigreega Tigraaya,
beryahan, waa kala maan. Kolkii la afbembiyay
diinlaawehii la oran jiray Mengistu Haile Mariam
ayuu Meles Zenawi ogolaaday: “lixyatoban gobol ay
Itoobiya ka koobnaan jirtay, in shan gobol oo qura,
ay iskood isu taagaan”. Oromiya iyo Ogaadeenya,
labaduba, waxa ay ka mid ahaayeen shantaas gobol.
Dadyowgii Oromo iyo Soomaalida waxa la dhex dhigay
colaad lagu saleeyay diinta Tigreega—dhulballaarsi.
Yaa foodda isu gelinayay labadaas ismaamul?
Haddaba, bal
arrimaha soo socda ila eeg, walaal. Oromada waxa
laga raariday—magaalooyin ay weligeed Soomaalidu
lahaan jirtay—in sitaan magacyo asal ahaantoodii
hore ka soo jeeday afaan Oromo (af Oromo).
Tusaale ahaan:
- Magaalada
Fayaanbiiro, dhacda inta u dhaxaysa Jigjiga iyo
Harar: Taliska Tigreegu waxa uu Oromada ku soo
boorriyay in ay Soomaalida ka qixiyaan. Oromo
waxa ay ku doodeysaa in magaca ama ereyga
Fayaanbiiro uu yahay ladhkab ka kooban “Fayaan”
iyo “biiro”; afka Oromoda na ku noqonaya salkii
suurta; waayo magaalada iyada ah ayaa buur
salkeed ku taalla.
- Ilihii
dhaqaaleha Soomaalida, magaaladii ganacsiga,
Diridhabo, ayaa lagu qeexay dood kale, oo
gurracan. Afka Oromada, sida kii Fayaanbiiro ba,
isagu na waxa uu ka koobmaa “dirree” iyo “dhawaa”;
tibaax afka Oromada u dhigmeysa: “garaacii
dhulka”; waayo, Oromadu waxa ay rumaysan yihiin
in magaalada laga dhisayay dhul didib ahaa; si
ay fuundigii u qiireeyaan, in ay u qaadi jireen
heeshawleed ahayd, dirree dhawaa: “dhulka
garaaca”. Sidaas ayuu na ku baxay maagaca
“Dirreedhowaa”
- Magaalomadaxda
Dowlad Goboleedka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
ee jigjiga, ayaa, haddana, iyada na afaankii
Oromo (afkii Oromo) lala soo galay. Sidii
kuwii aan soo aragnay ba, Oromadu waxa faafisay
in ereyga Jigjiga uu ka soojeedo "ji iyo jituu”
ama “jii iyo jiiggaa”—macneha waa “dhul iyo
gariir” ama ba: Dhulkii Gariiri Jiray.
- Hargeysa,
caasimadda Somaliland, Dowladda Ismaamul
Goboleedka Soomaalida Soomaaliya ayaa
qaansheegadkii reer Oromiya wax ka soo gaadheen.
Sidii kuwii kore ba, waa “hargga iyo gaysa”—waa
weedh u dhiganta hargaha geeya. Oromadu waxa ka
dhaadhacsan in ay awooweyaashood ganacsi la
lahayn jireen waayadii Carabtii ka beecmushtari
jirtay xeebaha Afrika ee Badweynta Hindiga iyo
Gacanka Cadan.
- Berbera iyo
Oromiya waxa iska galay ayaa kuu laaban. Afka
Oromada “bir iyo birraa” ama bil iyo billaa”—micneheedu
na waa “magaaladii ololeysay ama kululeed”.
Intaas waxa aan
uga baxayaa sida dadyowga Itoobiya qoorta la isugu
gelshay. Dhagartaas Tigreegu waxa uu ka helay
waayaragti weyn: waa na tii ookale waxa uu haatan
ula soo cidgalay Soomaaliweyntii—“qeybi oo xakun”.
Midda ugu wada xun waa goorta la yaso afkaagii hooyo
iyo dhaqankii dadkaagii. Qolo loo oggol yahay ma
jirto, haddii ay ama Soomali yihiin ama Oromo, in ay
afafkooda xafiisyada dowladahooda uga shaqeeyaan.
Mudnaan lahaydaa in la xusuusto, Oromada—dad uu
hataan kahor Maxamed Siyaad Barre (aun) ba uu
yeelsiiyay in ay ku dagaalgalaan magaca Soomaali Abo—in
ay sheegtaan caasimadda dalka Itoobiyo! Diktatoorkii
Soomaaliya, Macallinkii Kacaanka, waxa uu ogaa in
dadka la sinjidhaami karo, la na dhalanrogi karo;
waa se haddii waxdheef ay kugu qabaan. Yaa ii sheegi
kara Soomaaliga waxdheefka ku haysta Tigreega
Itoobiyo? Soomaaliga doonaya dalkiisii, dadkiisii,
iyo diintiisii ba in uu dhaafsado, tacbada na
halalad beeso ah? Waa kuwama “… niman sidii
baaniyaal beeso uun rabo” (Ina Suusle. “Boocame
II”)? [baaniyaal: waa ganacsade Hindi ah;
waa kuwaas maantadan ka ganacsanaya meydkii
Soomaalida reer South Afrika. Ereyga
dagaalooge in lagu tilmaansado bahalladii Soomaalida
dilay, ereyga baaniyaal ayaa kaga habboonaan lahaa.
Waayo baaniyaalku waa manexe dadka dhibaateysan ka
dheefsan jiray, weli na ka dheefsada: waa sida
gudurigii ama geeltoosiyehii ee bakhtiga uun cuna;
haddii kale na eegta teeryo inta ay nafleydii ka
dhiman doonto. Maanta wixii ka dambeeya aan ugu
yeerno baaniyaal ragga ay ka mid yihiin Daahir
Qanyare, Cabdi Waal, Cabdi Qeybdiid,Xuseen Caydiid,
Muuse Suudi, Bootaan Ciise, Cumar Finish … iwm.]
Goorhdow ayay Soomaalidu na ku fuli doontaa,
waddadii lagu habaabiyay dadyowgii reer Oromya.
Meles Zenawi, Soomaalida si uu u legdo, waxa uu u
kaashan doonaa Oromo uu soo liqsiiyay sixirkii
dhulballaarsiga: in Oromadu dib mar kale u sheegtaan
dhulkoodii, kii ay Soomaalidu iyaga wahore ka “gaalkacasadeen”—Gaalkacyo
ookale. Gaalla—waa fir ka mid ah firarka reer
Afrika ee loo na yaqaan Oromo! (Wikipedia: “galla”.)
Gaalkacyo, beri beryaha soosocda ka mid ah, haddaa,
ma Puntland ayaa lahaan doonta? Reer Bariga
Soomaaliya ayaa waxa ay ku maahmaahaan, “adigoo
nabad u balawaaja belooy kaalay lama yiri; belo
hadday timmaddana, lama booyo boowow”! Yaa
Salaam. Oday Cadde Muuse, mooji inuu u joogi doono,
halabadii Oromada gooraha uu Tigreegu u baadifadi
doono!
Darraad, waxa
argaggax igu riday, jawaabihii uu i siiyay arday wax
ka barta Dugsiga Sare ee Axmed Gureey.
“Dhul la
yiraahdo Soomaaliya, miyaa maabka ku yaalla?” ayaan
weydiiyay.
“Maya.”
Weydiin kale
ayaan ku celshay, “ma jirtaa magaalo la yiraahdo
Taytu Betul?”
Ardaygii,
sitaahoo uu af Soomaaligii illoobay ayuu indhaha ka
mirigsiiyay. Af Tireega ma taqaan? Kaas ayaa ii
sahlanaan lahaa in aan ku sheekeeyo? In yar dabadeed
ayuu se igu yiri, “Haah! Iminka ayaan gocday. Raalli
iga noqo warcelinta aan la soo daahay. Sheekooyinkii
hore iyo taariikhda beryahaan iskuulka laga dhigo
ayaa iskaga kay qasnaa. Horta, magacii Soomaaliya la
oran jiray waa la baabi’yay; waxa lagu bedelay magac
yaab leh oo illaayo hadda la garan la’ yahay waxa ay
ujeeddadiisu tahay: Bal ka warran, haddii magacii
Soomaaliya lagu bedelay “Riyadii Boqorrada”?
Muqdisho na, magac cusub, Taytu Betul ay loo
baxshay. [Taytu Betul waa magacii boqoraddii
Xabashida (1889 - 1913), afadii Mililiq. Dhanka reer
aabbeheed waxa ay ka soo jeedday, ugaasyo ka talin
jiray degmada la yiraahdo Yejju, kuwaas iyagu na ka
soojeeday fir ahaan, qoyasas Oromo ahaa asii Musliin
ahaa;bal se, xukunjaceyl dartii u wada gaaloobay.
Taytu Betul, waa Iberatooraddii sahansatay halka ay
maanta dhacdo xarunta Addis Ababa—tibaaxdaas oo la
macne ah: Ubaxii Cusbaa.] Soomaaliya waa
kililka Lixaad—qeyb aan sina uga go’i
doonin—dhulweyneha Itoobiya. Soomaalidii na waa la
toleeyay. Qaar na Tigree ayaa sheegtay;
haraagu na, gocgocii na, Amxaarada ayaa
diiwaangashatay. Addis Abeba na, waxa noqotay
Caasimaddii Cusbeyd ee Riyadii Boqorrada.
Colaaddiihii
sokeeye sidii ay dalka uga qarxeen, af Soomaali
candadawlan (qaabdaran, silloon) ayay
Soomaalidii ku wadahadlayaan. Maya, waa aan hafay.
Aan kuugu soo celsho halkaas: Ma jiro wax la
yiraahdo wadahadal; Soomaalidu ma wadahadlaan ee waa
ay fadhi-ku-diriraan. Maanta Soomaalidii afjaxuunsi
ayay isku harowsadaan. Maxaan doonaya in aan kaaga
hadlo? Haa. Ardaygii Axmed Gureey, ereyo baas oo aan
garan kari waayay ayuu intaas igula fadhidirirayay.
Haddaba, aniga iyo isagii, innaga oo isku
dhakafaarnay ayaan halkii ku kala dhaqaaqnay. Dhan
kasta oo aan ka eega se, wallee arday Tigree ah oo
wax ka barta Dugsiga Sare ee Menelik II ayaan iiga
soo dhowaan ardayga Soomaaliyeed ee Dugsiga Sare ee
Axmed Gureey wax ka barta. Ardaygan isaga ah, ogow,
aqoon kale ayaa ba iiga korortay. Casharro, kuwo
weliba aan loo dhigin weligood xitaa bareyaasha
dugsiyada sare waxkadhiga, iyo Barfasoorrada
jaamacadha waaweyn lakjarrada ka akhriya, iyo
hagarta weligeed lagu indhasarcaadi jiray
siyaasiyiinta Baarlamaannada Soomaalida codeyntoodii:
Arrimo aanan weligay ba u dhabbagelin ayuu daahyadii
iiga rogay.
Anigu, ardaygaa
kahor, weligay ba ma ogeyn, cid ogeyd ma ba jirin in
Hargeysa dowlad iska lahayd, Daahir Riyaale na uu
madaxweyne ka ahaa! Bosaaso in ay dowlad iska lahayd,
Cadde Muuse na uu madaxweyne ka ahaa! In Xamar ayan
dowlad lahaan jirin, jawrfaleen ama jafaliille,
midkood na, weli madaxweyne ka noqon—16 sano ee u
dambaysay! Sidee wax uga jiraan? Ma sheegi karo. Hal
baan se kuu og ahay: Iyada oo la dhiso dowlad Xamar
u gaar ah mooyaane, dowlad federaal la
yiraahdo oo Soomaaliya ka jirta, qofow na ha
aqoonsan. Ka Soomaali ahaan, aniga laf ahaantayda,
ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo aan aqoonsan ahay.
Heey Nabee! Jabuuti na ku sii biiri, haddii
ay wax kuugu muuqanyaan sida aan wax u arkahayo;
haddii kale, adiga ayaa Baydhabo siyaasado
dahsoon ku og.
Reer Muqdishu,
imisa beri, imisa bilood, imisa sanadood, imisa
qarniyaal ayay ku qaadan doontaa, Tigreega boobay
madaxbannaanidoodii, si ay mar kale dib uga soo
dhacsadaan? Inta aanan meel fog lagala dhicin, waar
maa soo marooqsadaann qarankoodii la dafay! Burcadda
Tigreega ha ka saareen Koofurta Soomaaliya. Kuwoodii
aan ka bixin na, digniinta na aan maqal; waa dhegool
ee dhegaha dhiig ha loo daro; koodii aan
mujaahidiinta aan arkayn na; waa indhoole;
indhahiisa wax ha ku arko. Mujaahidiinta
Soomaaliya, hubkooda, sida khaa’imiinta qaranka ay
yiraahdeen, waa in ayan geyn Hiilweyne ama
Laantabuuro: Xeerooyinkaas wixii la geeya ba ha
noqdeen lafaha Tigreega ee Soomaaliya ku soo duulay!
Walaal, ha
iloobin halgankii ay awooweyaasheen ugu galeen
xoreyntii Soomaalida. Gumeysi, kii ugu weynaa ayaa
maanta Soomaalidii lagal keenay. Gumeysi garbo og.
Gumeysi Soomaali kala jabay og. Gumeysi og dal ay
barwaaqo ka buuxdo. Haddii laga tirtiri lahaa “argagixiso,”
tii ugu arxan darrayd hadda ayay Muqdisho timi: Waa
kuma Ato Meles Zenawi? Waa aabbehii
ashahaada-la-dirirka iyo hoggaamiyeha
faqashtii Tigreega: Ninka gaaladii Amxaarada
xasuuqay, ma waxa uu babaadin shacab Soomaaliyeed oo
weliba Muslim ah? Ya dabbaal oo duurka loo diraa, aw
diindiin (Maahmaah Banaadiri).
Dowladda
Federaal KMG waa dowlad Shaydaankaas uu soo dhistay;
waa dowlad midiidin u ah Shuftada Tigreega, taasoo
Soomaalida u soo jiidday “taariikh iyo mahadhooyin
madow”. Daydaydii xeradii Carmo, mooryaantii
Daay-Nuunnaay, iyo xujeereebtii Manaas, kuwaas kuma
sheegeen Xooggii Dalka Soomaaliya; bal se waa
Hooggii Dalka Soomaalida. Ciidan qaran oo aan
anigu oqoonsan ahay maanta kama jiro dalkii la isku
oran jiray Jamhuuriyaada Soomaaliya. Horta sideeda
ba dalka yaa ciidan u ah? Soomaaliyeey, haddii
aynaan mideeynin halgankeenna, innaga oo aan
xitaa waxba galabsan, waa hubaal, in la inoo
hoobin sidii ayax, “geedaha … sun loogu daray” (Ismaciil
Mire, “Guuguule”).
Xamar waxa loo
sammeyn maamul goboleed, taasoo Maxamed-Dheere
ookale uu madaxweyne ka noqon doono. Dowlad
wanaagsan, iga dheh; ogowse se, Meles Zanawi waa uu
ridi doonaa, haddii madaxweynuhu, sideeda ba, aan uu
noqon mid sokeeyehiisa laaya, qarankiisa na
halakeeya. “Basaas faayow doorta, kaasoo ka ganacsan
kara geerida qarankiisa,” ayuu Meles Zenawi, beri
hore, kula dardaarmay baaniyaalladii Soomaaliya.
Xamareey, tayada lagu dheer yahay ba, maanta, waa
wax intaas ku siman uun: Weligaa na ha dooran wadaad
Ilaahay yaqaan uun, sheekh aan Ameeriko u
aabayeeleyn, iyo qaaddi Shareecada Islaamka okobban—Xeerarkii
Ilaahay na—wax kasta ba ku garsooraya. “Muslimiintu
waa Al-Qaacida waalan,” Meles Zenawi ayaa yiri,
“Soomaalidu waa in ay Soomaaliya ka aasaasaan
dowlad aan Islaamnimo shaqo ku lahayn.”
Akhristow, bal
adigu ba malee: Maanta kuma ayaa ka taliya Gurigii
Menelik? Maxaysatada Tigreegu se dib ma uga laaban
doontaa Banaadir, gobollo, Boqorkii Menelik uu ku
beerlaxawsan jiray, gumeysteyaashii reer Yurub ee
macatabka xirnaa, in Musulmaanku uu ka
kacsaday Imbaratooryadii Itoobiya—Yaityopya
Nigusa Nagast Manguist?
Ma og tahay in
uu weli jiro, xusuustooda Orooma, magac aan weli ka
tirmin; asii laga tirtiray dhaxalreebka qoran ee
Amxaarda iyo Tigreega ba? Addis Abeba, intii
kahorreysay 1887, waxa degaan ahaan iska lahaan
jiray qaranka Oroomo (badanaanta dadyowga
Itoobiya), taasoo, magaaladaas, illaayo haatan
ay ugu yeeraan Finfinne. Soomaalida qaar
ayaan xogogaal u ahayn weli, Oroomadu ba in ay soo
lahayd hees tii Hadraawi dhiganta: “Finfinneey ma
nabad baa?”
“Xamareey ma
nabad baa?” Bariidadaan dhiillaysan, maalinka maanta
ah, walow ay aad u qadhaadh badan tahay, misna ha
niyadjabin; illayn, abwaankii sillansugannada, Axmed
Ismaaciil Diiriye, kii ku caanbaxay Qaasim
(1933-2006) ayaa nagu baraarujiyay, “dacarta”
xaraarka badan, isla jeer ahaan, in ay dhali karayso
“dhabaq” macaan badan; ogowse, maanmaalkii
Soomaaliyeed, abwaan Hadraawi, ayaa beri inoo
tilmaamay gabyaa kale, kaasoo ifafaalooyinka “asteeya”.
Haddaba, su’aashii kasta ee silloon “Cabdi-Qays
ba weydii”: Haddii uu jiray dhul, Amxaarku
iyo Tigreegu ba, intay ku soo qamaameen, haddana, ay
dib uga qaxeen?
A. M. Yusuf |
wayeel@operamail.com
Xamar, Dismeebar
28, 2006