SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliyeey maanta ma nala dhadhamiseen khadhaadhkii Itoobiya?

Ogaden Somali Community Sa
ogadenscsa@gmail.com

Waxaa taariikhda lagu sheegayaa in Soomaaliya ay xornimda qaadatay sanadkii1960kii,oo ka xorowday gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga,taas waxaa maanta badalay gumaysi hor leh,oo Itoobiya ah.  

Laga soo bilaabo 1960kii illaa 2006 dii,halkudhagga dadka Soomaaliyeed waxa uu ahaa (Soomaliya ha midowdo,Soomaliyaya ha is raacdo Iwm ) laakiin maanta albaabkaasi wuu xidhmay oo waxaa furmay albaabkii xornimo doonka Soomaaliyeed,halkudhagguna waa kii 1960 kii kahor (soomaliya ha xoroowdo). 

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa wixii fudayd kugu soo galaa fudayd buu kaaga baxaa,taasoo aan usoo daliishanayo Soomaalida hab-dhaqankeeda ninkii fiiriya waxa uu fahmayaa in Soomaalidu ay si fudud ku heshay xoriyadda,taas awgeed ayna jirin cid ay lexejeclo wayni ka hayso ilaalinta iyo dhowrista xoriyadda.  

Saw Soomaali ma aha kuwa Itoobiya kusoo horqaaday ciiddii Soomaaliyeed? Saw Soomaali ma aha kuwa caleemaha qoyan kala hortagay ciidamada injirta leh ee Tigreegu markii ay soo galeen magaalooyinkii Soomaaliya? Saw Soomaali ma aha kuwa aan soo hadal qaadaynin Itoobiyaanka kor tuban xeebaha Soomaaliya, ee eedda iyo eersashada saaraya qabiilooyinka Soomaaliyeed? Saw Soomaali ma aha kuwa ku faanaya keenista Itoobiya iyo laynta umadda Soomaaliyeed? Saw Soomaali ma aha kuwa in laga takhaluso maxkamadaha Itoobiyana la keeno u arkay guul usoo hoyatay umadda Soomaaliyeed?  

Ilaahay dadkiisa ma dulmiyo ee dadku iyaga ayaa dulmiya naftooda, idinka aya naftiina dulmiyay ee yaa lagu eedi cidna?

Dadka Soomaaliyeed waxaa aad ugu yar wadaniyadda,booskii wadniyaddu ay gali lahayd waxaa 80% buuxiyay qabiilka oo marar badan iskaga gudba islaanimada iyo aaminaadda alle.  

Sanadkii 1996 kii ayaa nin Itoobiyaan ahi waxa uu ka sheekeeyay magaalada Jigjiga, isagoo fikirkiisa ku cabiraya Soomaalida xorta ah iyo Soomaalida ay Itoobiya gumaysato (Ogaadeenya) waxa uuna yidhi " Waxaa xaqiiqo ah in Soomalida Itoobiya iyo Soomalida xorta ahi aanay ahayd isku Soomaali, ee ama kuwa nala jooga ayaa soomaali ah ama kuwa Muqdisho ayaa soomaali ah,waxaan sidaas uleeyahay ayuu yidhi kuwa nala jooga waxaan wada noolayn muddo qarni kudhow,intaas aan wada noolayn maanaan yeelanin wax xidhiidh ah sida,saaxiibtimada sakhsiga,darisnimada iyo wax wada cunka, dadkaasi waxay mar kasta ahaayeen kuwa naga sii fogaada oo fogaashihii ay naga fogaanayeen ay gaadhsiisy in ay isku caayaan magacanaga (Axmaar Axmaar dhalay), laakiin soomaalidii hadda aan is baranay waa kuwa ka furfuran kuwii nala daganaa,waxbaa wada cunay,saaxiibaan noqonay,waan wada cabnay,mana jirro wax irdho ah oo nakala dhex taala.marka waxaan ogaanay in dadka aan wada noolnahayi ay uun nagu dirayeen dadka Soomaalida kale ee aan mar hore is fahmi la'ayn, marka labadooda midkee Soomaali ah,mar hadii luuqaddii iyo diintiiba ay isaga mid yihiin?"  

Waxay Itoobiyaanku rajaynayaan in hadda ay qabsadeen wadan Soomaaliyeed oo ay ku nool yiihin Soomali ka ilbaxsan kuwa Ogaadeenya daga oo dhibaato badan ayna kala kulmi doonin joogitaanka Xamar iyo maagaalooyinka kale ee Soomaliya.  

Maanta waa in dib loo soo nooleeyo ururkii SLY si mar kale cagta loo saaro wardadii Xornimo raadinta soomaaliyeed,hadii taasi y dhci waydo,hadalka xuseen caydiid ha loo dababaaldago waa masiirka cusub ee soomaaliyeede.  

Anagu hadaanu nahay bulshada ay gumaysato Itoobiya ee Ogaadeenya waxaa hubaal ah in gumaysigu uu ka quustay in uu ku raaxaysto Goday,Qabridaharre,Wardher,Jigjiga dhagaxbuur IWM,waxaa kale oo uu ka quusatay in uu nacfisto khayraadka rabbaaniga ah ee ceegaaga ciidda Ogaadeenya, qoortana ma dhiibanayno inta ay gabadh food lihi naga nooshahay.  

Marka aynu iska kaashanno halkankii soomaali wayn lagu xoraynayaye dhidhiciina bal wax kasoo dhisa oo cadawgu ha ogaado in uu jiro wadani Soomaaliyeed oo aan qaaybaynin duliga gumaysiga.

Ogaden Somali Community Sa
ogadenscsa@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH