SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAQASTA JARDIINADA
Marka la rabo in bacaad-celin lagu sameeyo gadoodka rabshadaha wata
 
Free-Lancer Al-Axmed

Al_axmed@yahoo.com

Dabcan xitaa hanqaasta waa ambad deysan oo si fiican looma riiqin oo deden bey aheyd, hadii si daalacan la riiqi lahaa waxay ruxruxi laheyd si hiba-saaxidna isha bidixna ugu xadi laheyd maqaaladii “Lo’da kolka ay uriso biyaha xuriyada, nabada iyo dib u heshiisiinta, hadaan la horin waa tii karkaarada jabisa” iyo maqaaladii kale “Gantaal ku sii jeeda aragti loo dan leeyahay (Mashruuca beerta tijaabada Federaalka” oo loo qaateynka ayaa ah maxay siyaasada Soomaaliya jiibta iyo jaanta isugu heli la’dahay?.

Dabcan waa is heysad u dhaxeeya Soomaalida iyo beesha caalamka ee ina daneysa, ha ahaatee dabeylaha is rogrogaaya iyo siyaasada sabeyneysa ayaa waxay ragaadiyeen wax badan in Qaranimadeenii dib u soo noqoto oo marba geed ayey xaaladu ku soo fooganeyd, balse waxay soo gaamgaambiso waxay Gorada la soo gashay sidee Muqdisho loo nabadeyn karaa?, looguna soo celin karaa nidaamkii iyo kala danbeyntii?.

Oo dabcan waa tii uu ku heesay Fannaanka weyn Hanuuniye “Muqdisheey heshii ha lugula heshiiyee” oo markaa sidee heshiiskaasi ama nabad dhalintaas ku imaaneysaa? Ma xoog baa lagu dhalinayaa?, ma xeer jajab is faham hoose dhalin kara?, Halkee ka bilaabaneysaa ma gunta hoose mise figta sare?.

Oo dabcan haani guntey ka tolantaa waana tii la yiri “Markii geeleyda heshiiso ayuu geella biyo cabaa” oo galaangal dibulaasiyadeed oo korontooyada ka soo bilowda kuna dhamaada miiska wadatashiga iyo dib u heshiisiinta, balse nimaan wax qaldin waxba ma saxo oo waayo aragnimo waxaa noogu filin inta dowladeed ee garabka lagu siday oo ay liqday Muqdishada bahala galeenka ah, taa soo inta badana ku xukuntay daran doori oo ah iney is ballaarin weydo nidaamyadii dowliga ahaa ee dibada lagu soo dhisayey.

Dabcan waxay xaaladu sahmineysaa bacaad celinada ay Muqdisho ku sameysay nidaamyadii dowliga ahaa ee garabyada lagu siday loona diiday in dhulka la dhigo laguna naaneesay “Ood aan dhulka la iskula gundin garabkana la is lama saarto” oo waa yacno looma dhama, waxaadna markaa dareemeysaa in looma dhamadaasi xigto gadood ama mudaaharaad rabshado dhagax tuur wato oo mararka qaarkood u muuqda qaab ciyaaradkii qori isu dhiibka ee xaafadba xaafada kale gadoodkaas rabshadaha wato ka dhaca.

Dabcan xaalada nabad dhalinta ee haatan ka dhisaalan Muqdisho bacaad celinta ugu weyn ee ay u baahan tahay waa xakameynta gadoodka rabshadaha wata oo markaa muxuu na barayaa waqtigu waa aan milicsano waayihii ay Muqdisho ka jirtay maxkamaddii Islaamiga aheyd ee Sh. Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa oo UNISOM baa joogta oo howlgaladii rajo soo celinta iyo rajo sii wadida ayaa lagu jiraa, oo howlgalkaas ayaa soo qaban qaabiyay tartan ciyaareed loogu magac daray “Rajo soo celinta Nabadda”, oo ciyaarta wey billaabatay waxay dhex mareysaa kooxaha Dirir iyo Bikaal oo waxaa garsoore ka ah Garsoore Sheylilaah, waxay ciyaarta socotaba weerar iyo weerar celis gelinka hore waxaa lagu nastay iyadoon aan goolal la kala dhalin, balse gelinkii danbe ayaa kooxdii Bikaal u suurta gashay iney goolkii ugu horeeyay iney dhaliso, wey difaacatay ilaa daqiiqadihii ugu danbeeyay waxaase neefta kusoo noqotay kooxda Dirir oo goolkii barbar dhaca dhalisay, oo markaa maxaa dhacay?.

Dabcan kooxda Bikaal iyo taageerayaashoodii wey ku qanci waayeen goolkaas barbar dhaca ah wey gadoodeen balse hadiiba waa la qaboojiyay oo lagu qanciyay in ay ciyaarta sii socoto, balse hal daqiiqo kadib goolkii labaad ayey heshay kooxda Dirir, ciyaartuna labo daqiiqo ayaa ka hartay, oo markaa maxaa dhacay?.

Mar labaad wey ku qanci waayeen kooxda Bikaal ilaa garoonku uu buux dhaafiyo gadood rabshado wato laguna tugumbeeyo garsoorihii Sheylilaah, balse maxaa laga filan karay ilaaladii Maxkamadda Sh. Cali Dheere?, wax kale ma aheyn waxay ku hubeysnaayeen qoryo ay xabado nool ka dhacayaan, oo kor ayey ugu ashqeysiiyeen dhegna jalaq waa loo siin waayay rabshadihiina wey sii socdeen ilaa ay ciyaartu istaagto bataatanba, maxaase markaa loo baahnaa, waxay aheyd in ciidamada Maxaakiimta ee Sh. Cali Dheere markii horeba ay aheyd in loo soo tababaro ka hortegida gadoodka ama mudaaharaadyada rabshadaha wata oo waxay aheyd iney sitaan budad, gaashaaman balastiko ah, suntan dadka ka ilmeysa iyo gaadiidka dab damiska ee biya seyra oo intaba ma heyn wey ka aradnaayeen.

Dabcan sidaa darteed laguma xakameyn karo ama bacaad celin laguma sameyn karo gadoodyada rabshadaha wato ee nabad dhalinta haatan Muqdisho ka socota hadaanan la helin agabkaas lagu xakameeyo gadoodyada dhagax tuurka ah ee bililiqada, dhaca, iyo dilka isugu jira waase aragtideyda.

Free-Lancer Al-Axmed

Al_axmed@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH