SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowladda iyo Baarlamaanka ma Muslim baa.
Raabeh
SOOMAALIYEEY HALKEEBAAD KU SOCOTAA... AKHRI....

Cabdi cisman
abos50@hotmail.de
Germany


Waxaan arintan ugu soo qatay waxaan jeclaan lahaa in aan wax ka ogaado dowladda federladka in eey naga dhaadhiciso waxa mabaadiiŽdeeda tahay oo eey dooneeyso in eey ku xukunto ummadda soomaalida,mar haddii eey ku takooreen walaalahooda maxaakamiinta in eey yihiin argagixiso taasoo muddo 6 bilood ah ku hagaajisay dhibaatadii 16 sanno soo jirtay oo eey ummadda soomaalida meel waliba oo joogaan ku kacan siiyen.

Haddaba dowladda waxaa waajib ku ah in eey noo cadeeyso haddii aanu nahay ummadda soomaalida qaraarka iyo ajandaha eey dooneeyso in eey waddanka soomaaliya ku xukunto mar haddii eey ummadda soomaaliad tahay 100% dad islaam ah,wayo waxaan horey u aragnay ku dhaqanka shareecada islaamka in uu yahay xalka kaliya ee simi kara ummadd soomaalida iyo xukun lagu dhaqmo in uu yahay shareecada islaamka ee aanu meelna ku garsiineeynay waxa eey maanta ugu yeeraan xukun Dimoqoraadi ah uu soo dhoodhoobay baniáadam .aragtidan oo eey ila qabaan sida aan jeclahay ummadda soomaalida meel waliba oo eey kaga noolyihiin Adunka gudaha iyo dibaddaba in eey Dowladda federalka ka jawaabto oo eey faahfaahin la taaban karo ka bixiso ayaan jeclaan laheeyn .mar haddan xaq u leenahay in aan wax ka weeydiino amuuraha soomaaliya.


Cabdi cisman
abos50@hotmail.de
Germany
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 6, 2007

GeeddiJan 6, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan: Galkacyo (42), Baydhabo (21), Beledweyne (13), Muqdisho (10), Kismaayo (6).. Hadalkii Diinaani ee Sarbeebta ahaa....

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH