ISQUURSIGU
WAA QURUNE AYNNU TUURNO
Hashi,
Abdirahman Elmi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no
BISMILLAAHI ALRRAXMAANI ALRAXIIM
Mawduucan maqaallo badan ayaa laga
qoray,waxaanan anigu gooni ah u
jeclaystay maqaal uu qoray nin la
yiraahdo Muxammed Axmed Wallays oo lagu
daabacay bogagga internetka. Labo
ujeeddo ayaan anigu haddaba u qorayaa
maqaalkan.Waa marka hore,waxaan doonayaa
inaan lacnad dusha ugaga tuuro caadadan
foosha xun ee xataa shaydaanka ku adag
inuu ayadoo kale
hindiso,hadalhaynteeduna aysan kala
go,in oo markii maqaal dadku ka bogtaba
mid kale oo cusub la akhristo.Ujeeddada
labaadi waa inaan,rag talo kama
dhammaatee,soo jeediyo wax aan is
leeyahay wax bay ka tari kartaa sidii
loo tirtiri lahaa caadadan,dadka
soomaaliyed guud ahaanna uga raysan
lahaa hooggeeda iyo ba,eeda.
Waxaan
ka mid ahay dadka soomaaliyeed ee u soo
qaxay dunida reer galbeedka,markaan
halkaas imidna waxyaabihii aan la kulmay
waxaa ka mid ahaa yasidda.Waxaan qofkii
aan horay loo yasin oo aan la quursan u
sheegayaa in yasiddu aad u xanuun badan
tahay.Waxaad moodaysaa in qalbiga middi
dab ah lagugu kala jeexay.Markii la iga
daba tuuro eray xun sida (niggar,madow
uraya) iwm..ama aan la kulmo nooc kale
oo yasid ah waxaan xasuustaa dhibaatada
iyo dulmiga aan ku haynno dadka
soomaaliyeed ee walaalaheen ah.Waxaan
isweydiiyaa siday ugu adkaystaan
xanuunka intaas tirada le,eg,iyo
ciqaabta Eebbe ee aan sidaan kala harka
lahayn aan u kasbannay haddaan soomaali
nahay.Been idiin sheegi mayee,qofkii
xanuunkaas dareemaa mar dambe hadal xun
kuma yiraahdeen qof walaalkiis ah.Waxaa
haddaba xusid mudan in marka aniga la
igu yasayo Yurub ay ka duwan tahay marka
qof soomaaliyeed qabiil awgiis lagu yaso
dalka dhexdiisa.Anigu Yurub dool baan ku
imid,dadka waan ka duwanahay
midab,af,diin iyo dhaqanba.Markaan jidka
marayo si dhib yar baan uga soocmayaa
bulshada.Laakiin dadka soomaalida ah ee
la yaso dadka sina loogama sooci karo
haddii aysan iyagu kuu haybsheegan.Siduu
qof caadi ah kuula yahay oo loo
sheekaysanayo ayaa isbeddel weyni
dhacayaa markuu kuu sheegto
reerkiisa.Waa yaabe maxaa soo
kordhay!!Dalkoodina waa joogaan.Waxaan
bilaabay inaan ku farxo marka qof
soomaali ah,isagoo cataabaya ii sheego
in maanta si xun oo midab takoor leh
loola dhaqmay.Cadownimo igama ahee
waxaan u arkay in tani shaw dawo noo
noqon karto,oo aan xasuusanno
meelkadhaca,aflagaaddada iyo dulmiga aan
ku haynno dadka walaaleheen ah.Waxaa la
yiri daawada fiicani inta badan waa
qaraar.
Ficillada Ilaahay ummadaha ku halaago
waa kuwa wadajir loo sameeyo.Dadka
soomaaliy-
eed
guud ahaan wuu u dhan yahay
dulmigan.Kuwii hore iyo kuwa
hadda,culimmo iyo caamo
carruur
iyo waayeel,rag iyo dumar,doqon iyo
waxgarad middan looma kala harin.Run
ahaantii waa mid yaxyax iyo murugo
leh.Xaddiis ayaa macnihiisu ahaa;Qofkii
qof muslim ah yasaa Ilaahay agtiisa waa
ka qarmuun badan yahay doorshaanka(xaar
walwaalka).Ilaahayna Quraanka kariimka
ah ayuu ku sheegay waxa keliya ee qof
qof kale kaga sharaf badan yahay inay
tahay Alle ka cabsiga(Suurat
Alxujuraat).Dadka soomaaliduna waa yaabe
waa dad muslimiin ah.Xaggee wax iska
daba marsan yihiin?Culimmada qaarkeed
ayaa shuruudaha guurka ku daray wax la
dhaho isudhigan(KUF).Taasoo ay ka wadaan
in ninka iyo naagta is guursanayaa
dhinac kasta ka siman yihiin.Diintu waa
tii Nebi muxammed(NNKH) la yimid,raadka
la raacayaana waa kiisii iyo kii
saaxiibbadiis(Ilaah raalli ha
noqdee).Culimmada laga maqlay in
abtirsigu shardi guurka u yahay lama
iman haba yaraatee wax daliil ah taasoo
ku khasabtay Imaam Ibn Xazam inuu diido
kufka gebi ahaanba,Imaam Malik-na wuxuu
ka reebay isudhiganka xagga diinta iyo
akhlaaqda isagoo eegaya aayadda kor ku
xusan.Daliillada caddaynaya in aan
abtirsigu guud ahaanba wax tixgelin ah
lahayn aad bay u badan yihiin,una cad
yihiin,qiyaas iyo hadaltirona la
tixgelin maayo marka daliil qaadic ah la
hayo.Anigoo aan cilmigeygu saa u
buurnayn ayaa helay xantoobo daliil ah
oo muujinaya in dadka muslimiinta ahi
isu wada kuf yihiin(isu
dhigmaan),arkayna in daliillada kuwa
abtirsiga difaacayaa yihiin
huuhaa.Waxaan halkan ku soo qaadanayaa
dhowr tusaale.Ogow marka hore xagga
abtirsiga iyo jaranjarada bulshada waxaa
shaki la,aan ugu hooseeya qof addoon ah
ama ahaan jirey.Dadka soomaaliyeed ee la
abtirsi yasaa weligood cid addoon uma
noqon,dadkana midab iyo muuqaal midna
loogama sooci karo.Haddaba:
1)Nebi
Muxammed(NNKH) wuxuu Zeynab bint
Jaxash(Alle haka raalli noqdee) u
guuriyey Zeyd ibn Xaaritha(Alle raalli
ha noqdee) oo addoon ahaan jirey.Zeynab
waxay ahayd reer Quraysh,Nebigana ilmo
abti iyo ilmo eeddo ayey ahaayeen.Zeynab
waxay ka dib noqotay mid ka mid ah
hooyooyinka muslimiinta oo waxaa Eebbe u
guuriyey Nebiga markii Zeyd
furay(Suuradda Axzaab ayaa qisadan lafa
guraysa).
2)
Sayidnaa Bilaal(Alle raalli ha ka
noqdee)oo midab ahaan ka duwanaa
carabta,addoonna ahaan jiray wuxuu la
xididay Cabdiraxmaan ibn Cawf(Alle
raalli ha ka noqdee) oo ka mid ahaa
dadkii ugu sharaf badnaa Quraysh
Islaamka ka hor iyo ka dibba.Bilaal
wuxuu guursaday Cabdiraxmaan walaashiis.
3)Xadiis Bukhaari iyo Muslimba weriyeen
ayaa Nebigu naxarriis iyo nabadgelyo
korkiisa ha ahaatee ku yiri;”Ninkii leh
gabar addoon u ah oo si fiican wax u
bara,una wanaag fala,ka dibna xoreeya oo
guursada labo ajar ayuu leeyahay”.
FIIRO
GAAR AH:ISLAAMKU ADDOONSIGA WAA LA
DAGAALAY,MAWDUUCUNA WAA DHEER YAHAY OO
HALKAN LAGUMA KOOBI KARO.INSHA ALLAH MAR
BAAN WAX KA QORI DOONAA.
Saddexdaas daliil ayaan kusoo
gaabinayaa,waxayna si cad u caddaynayaan
in muslimiintu isudhig isu yihiin.
Haddaba
caadadan ku xun
diinta,baniaadamnimada,anshaxa isla
markaasna dhibaato aan la koobi karin ku
haysa qayb weyn oo dadkenna ka mid
ah,maxaa inagu dhajiyey?Maxaa inaka
xumaanaya haddeynnu tirtirno?Maxaynnu
carada Eebbe ugu kasbanaynaa waxaan haba
yaraatee wax dan ahi ku
jirin,dadkeennana ku haya xanuun joogta
ah?Caqligaa diidaya caado
shaydaankaas,jirka qofka noolina waa ka
damqanayaa.Ummad aan caado taas oo kale
ah ka tegi karinina xaq uma laha inay
jirto.
Marka
la rabo in la beddelo caado xun waxaa
lagama maarmaan ah in dadka bulshada
hoggaanka u ah iyo kuwooda lagu daydaa
ay u tafaxaytaan,dadaal ficil lehna
muujiyaan.
Inta
badan sharciga keligiis wax badan ma
taro,waxaana taa caddayn u ah sidii
dawladdii kacaanka ahayd isugu dayday
inay aafadan wax uga qabato.Waxaan isna
meel dheer gaarin hadalka keligiis.Anoo
halkaa ka duulaya,tixgelinna siinaya
xaqiiqda ah in arrintani qabyaalad salka
ku hayso,takoorka xagga guurkuna sal u
yahay dhibaatadan,waxaan soo jeedinayaa;
B)In
shirweyne guud la qabto,laguna
martiqaado dhammaan isimmada
soomaalida(ugaasyo,garaado,suldaanno,boqorro,islaanno,malaakhyo
iwm.).Waa in isimmada laga
dhaadhacsiiyaa inay arrintan hormood u
noqdaan,laguna guubaabiyo in mid kasta
oo iyaga ka mid ahi la xidido(ka
guursado ama u guuriyo) dadkaas la
tafiir sooco.Haddii isimmada oo ah
madaxda qabiillada ay la xididaan
dadkaas waxaa deg deg u daba gelaya oo
ku dayanaya dadka caadiga ah.
T)In
isla shirkaas lagu martiqaado culimmada
waaweyn ee soomaaliyeed,kuwaasoo ayagana
laga rabo inay hoggaan u noqdaan waddada
la qaadayo.Waa in culimmadu fahmaan in
arrintani tahay midaan la dhayalsan
karin oo ay ka mid masiibooyinka ugu
waaweyn ee dalkeenna ka jira.Dabargoynta
caadadini waa waajib diini ah,waajib
bani,aadamnimo,waajib waddaninimo iyo
mid anshax.Sida dhiigga qofka muslimka
muqaddas u yahay, ayaa ilaalinta
sharafkiisa,dadnimadiisa iyo
dareenkiisuna muqaddas u yihiin.
J) In
aqoonyahannada,fannaaniinta iyo
siyaasiyiinta,ganacsatada iyo waxgaradku
u soo jeestaan , doorkoodana ka qaataan
la dagaallanka caadadan.Waa in la
guubaabiyaa guurka iyo dhexgalka
dadkan,lana abaabulaa sanduuq dhaqaale
oo lagu taageerayo dhallin yarada
doonaya inay dadkan ka guursadaan aanse
haysan dhaqaale ku filan,eheladooduna
qadisay iyagoo diiddan guurka.
X)Ugu
dambeyn waa in warbaahiyeyaasha
soomaalidu baahiyaan wararka ku saabsan
arrintan,iyagoo toosh ku daaraya
dhibaatooyinka loo geysto dadkeennan,
isla markaana dhiirragelinaya horumar
kasta oo laga gaaro ka gudubka caadadan.
Caadadani Eebbe idanki way dabargo,aysaa
oo rajo fiican baa ii
muuqata.Taariikhdaa indho kulul ku soo
eegi doonta kuwa isku dayaya inay
ilaaliyaan caado ibliiskan,samada in
laga lacnadona way u badan tahay.Ka qayb
qaadashada dabargoynta caadadani waa
jihaad diini ah,
waa
badbaado qaran,waana tiir loo taagayo
mustaqbal uu ku taamo guud ahaan
shacabka soomaaliyeed.Cid kale ugu
daneyn maynnee,waa danta dadkeenna oo
idil.
WA
BILLAAHI TAWFIIQ
Hashi,
Abdirahman Elmi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no