SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Dadkeenna Iyo Dagaalka Diinta Lagula Jiro 

Waxaa Qoray
Mohamed A. Elmi
melmi@bcmn.com 

Miiska hore ee soo dhoweynta aqalka cad waxaa waayadaan yaalay codsi lagu doonayo saaxiibbo cusub oo la dagaalama argagixisada. Marka codsaduhu qoro magaciisa, dalkiisa, ama kooxdiisa iyo darajadiisa sida madaxweyne, amiir, boqor, kaligii taliye ama dagaal ooge. Su,aasha la weydiinayaa waxey aheyd yaad dooneysaa in lagu tilmaamo argagixiso oo lagaa caawiyaa la dirirkeeda.  

Dawlado badan ayaa ka faa’ideystay howshaas iyada ah sida Raashiya ku dartay Chechniya, India oo ku dartay Kashmiir, Israil oo ku dartay Xisbullahi, Xamaas iyo wixii la mid ah. Haddaba marka laga fiiriyo dhanka arimaha Soomaaliya waxaa isku dayay iney ka faa’ideytstaan fursadaas qaaliga ah dawlado daris. 

Waxaa ugu horreeyay Miles Zenaawiga Itoobiya oo ku dooday in Soomaaliya ay khatari ka soo socoto isla markaana ay habboon tahay in asaga loo wakiisho. Waqtigaas Zenawi waxaa lagu wargaliyay in loo yeeri doono markii loo baahdo. Dhanka kale waxaa iyana isku dayay iney kaarkaas isticmaalaan kooxo kala duwan oo dagaal oogayaal Soomaaliyeed ah.  

Markii codsiyadii si fiican looga baaraan dagay ayaa markii dambe shaqadaas ayada ah loo qoray koox dagaal oogayaal ah oo Muqdisho ku sugnaa. Iyaga ayaa loo arkay iney yihiin kuwa ugu wanaagsan ee shaqadaas fulin kara maadaama ay Muqdisho joogeen isla markaana awood ku lahaayeen, aysanna u baahneyn miisaaniyad culus.  

Waxaa Muqdisho horaantii sanadkii dhamaaday ee 2006 looga dhawaaqay ururka la dagaalanka argagixisada iyo nabad soo celinta. Reer Muqdisho ayaa yaabay waxaa la isweydiiyay tolow yaa loo jeedaa? Dadku waxey garteen in argagixiso aan dagaal oogayaasha aheyn aysan jirine waxa loo dan leeyahay ay tahay sidii loo dhameyn lahaa culimadooda, isla markaana loo baabi’in lahaa diintooda.   

Taasi waxa ay keentay iney durba qaataan qoriga isla markaana la dagaalamaan oo waliba si fudud isaga saaraan iyaga iyo ciddii ay u adeegayeenba. Waxaan ognahay wixii intaas ka dambeeyay sida ay Muqdisho noqotay, ammaanka ay heshay, sharafta Soomalinimadii soo noqotay iyo heerka wax qabsi ee aan gaarnay. Waxey culimadu dadka tuseen ineynaan u baahneyn jawaan galley ah ee kaalmo naloogu keeno marka naftu na qabato. Waxey na tuseen inaan anagu wax qabsan karno oo aanaan cid kale u baahneyn.  

Taasi waxey caro ku dhalisay batroonigii weynaa ee shaqada u qoray ururkii argagixixso la dirirka, waxeyna keentay inuu dib ugu noqdo qolyihii soo codsaday shaqada argagixiso la dirirka. Horeyba waxaa ka soo booday codsigii Meles Zenawi oo keydsanaa horena loogu wargaliyay in la soo wici doono marka loo baahdo. Waxaa la gartay in lagaaray xilligii Meles la howlgalin lahaa. 

Meles oo wata qalab aynaan hore u arag ayaa burburiyay waxoogaagii yarka ahaa ee aan ku rafaadnay intii yareyd ee cadaaladdu soo noqoyay. Waxaa nuxuusay iftiinkii yaraa ee aan helnay, waxaana soo noqday dagaal oogayaashii iyo xumaantii. Waxaa hurdo anfac ka tagay intii wanaagga jecleyd ee rajadu ku soo laabtay iney dadkoodii iyo dalkoodii mar uun wanaag ku arkaan. Waxaa cadaatay in aan wanaag iyo horumar nalala dooneyn ee si kale wax u jiraan.  

Waxaan qabaa inaan ku jirno imtixaan, waana waqtigii la kala hari lahaa intii markii horeba aanan sidaas sii aheyne waa hari doonaan. Intii wanaaguu daacadda ka ahaana waxey u noqon doontaa inay hurdada ka kacaan oo dagaalka lagula jiro si fiican u gartaan. Waa waqtigii la is weydiin lahaa maxaa qaldamay sideese loo saxaa? 

Soomaalida ayaa tiraahda qeyladu orgiga ka weyn; waxaa hubaal ah in qeyladu orgiga ka weyn tahay. Wax nalagu heysto oo aan kitaabka ka aheyni ma jirto oo aan u adeegsannay inaan nolosheenna ku hagaajinno. Ma jirto cid kale oo aan dambi ka galnay. Ma jirto cid aan dhulkeeda ku duulnay. Ma jirto cid aan xumaan kale u geysanay. Waxa nalugu heystaa waa diinta. Laakiin waxaa su’aashu tahay maxaa diinta naloogu heystaa ileyn cid walba diinteeda weysataaye? 

Waxaa diinta naloogu heystaa; waxey diintii ka mid noqotay dagaalka lagula jiro argagixisada laakiin waxaa isweydiin maxaa is dhexgaliyay argagixisada iyo diinta waa maxeyse argagixiso? Qeexidda ereygaan ayaa aad u macno badan cid walbana ciddii markaas ay iska soo horjeedaan ayey ku tilmaantaa argagixiso. Xukunkii Koofurta Afrika markii ay la dagaalami jireen ururkii xaq udirirka ee ANC (African National Congress) waxey ugu yeeri jirtay dawladii midab takoorka koofur africa argagixiso, sidaasna waxaa raali ka ahaa waagaas Mareykanka iyo Ingiriiska. Tan hadda jirtaana waa taasoo kale waxba kama bedelna.  

Maanta ururada u diriraya xorriyadooda sida Chechnia waxaa lagu tilmaamaa argagixiso. Marka waa maxay argagixiso “Argagixiso maahan aaladda kuwa tabarta daran ee waa waa aaladda kuwa naga soo horjeeda anaga. Ereyga anaga ha doono ciddii la doono” Sidaas waxaa yiri  Noam Chomsky oo qoraa weyn oo Mareykan ah. Marka argagixiso waa markaas ciddii aad dagaal ku wada jirtaan.   

Haddaba waxaad moodda maanta inaan qeyb ka noqonay dagaalka lagula jiro argagixisada oo loo macneeyay kooxo raba iney qarbudaadda wax ku noqdaan. Laakiin muslimiin badan ay u arkaan dagaal looga soo horjeedo Islaamka. Haddaan si kale u iraahdo waxaa nalagu colaadinayaa maxaad diinta muslinka iskugu xukumeysaan?  Waxaan dambiile ku noqonay in kuwa dagaalku ku socdo ee muslimiinta ah aan isku diin noqonay. Waa intaas oo kaliya. Iney arintu sidaas tahay waxaad ku garaneysaa ma jrto cid aan weerar u geysanay oo waddankooda aan ku duulnay. Midda kale, waxaa dhibaato na heysatay in ka badan 16 sano oo aan dowlad la’aan aheyn marka haddii nala jecelyahay oo wanaag nalala doonayo maxaa intaas wax naloogu qaban waayay. Iska daa in wanaag nala rabee markii aan anagu wax qabsananay oo aan caalamaka tusnay inaan wax qabsan karno ayaa nalugu soo duulay. Kuweeenna u heysta in wax nala tarayo waxaan dhihi lahaa oo kaliya taariikhda ayaa sheegi doonta.

Marka hadda iyo dan waxaan leenahay inaan labo arimood kala doorano. Tan hore, waa in aan waddanka iska hibeyno oo faraha u galino cadowgeeenii soo jireenka ahaa.  Culimadeennuna noqdaan kuwo loogu yeero marka qofku muraad leeyahay oo la yiraahdo kaalay shiikhoow waxoogaa wardi ah ii akhri oo howshoodu intaas ku ekaato. Arinta kale ee nala gudboon waa in aan ku faro adeygno diinta iyo dalka oo aan is difaacno. Haddii aad aniga i weydiiso waxaan ku talin lahaa inaan isdifaacno oo aan dhabar adeyg la nimaado. 

Waxaa kale oo isweydiin mudan sidee ku ilaashanaa diinteenna, isla markaana aan ula dhaqanaa kuwa kale u arka in diinteennu ku tahay cadow. Waxaan qabaa in siyaasadda maamulka Mareykanka ee la xiriirta la dagaalanka argagixisada aysan sidaan ku sii socon doonin. Waxaan cad in shacabka Mareykanku aysan dooneyn dagaal in ay la galaan shacabka islaamka ah ee ay rabaan iney nabad kula noolaadaan.  

Aqoonyahano badan oo mareykan ah ayaa qaba sida hadda wax u socdaan ineysan aheyn mid sax ah isla markaana dagaal iyo fowdo aan wax natiijo ah lagu gaareyn. Marka waxaa ila haboon in dhankaas laga abbaaro isla markaana leysku dayo sidii siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka culeys loogu saari lahaa sidii loo heli lahaa xal waara.   

Haddii aan fiirino aftiyadii ugu dambeeyay ee laga qaado dadka Mareykanka oo la weydiiyay su’aal aheyd “ma ogoshahay mise waa diidan tahay sida George Bush uu u wada dagaalka la dagaalanka argagixisada, 55% waxey yiraahdeen ma oggolin. Waxaa kale oo jira aftiyo badan oo qiyaas ah oo dhamaantood in ka badan 50% aysan dadka Mareykanku ku faraxsaneyn sida loo wado dagaalka looga soo horjeedo argagixisada. 

Marka waxaa habboon in aqoonyahaniinta islaamku ay isku dayaan sidii ay uga dhaadhacsiin lahaayeen shucuubta kale ee adduunka ineynaan fowdo u joog aheyn ee runtu tahay inaan raadineyno caddaalad iyo sinnaan. U maleymaayo iney tahay howl fudud laakiin waxaan qabaa iney qeyb ka tahay sidii aan isku difaaci laheyn ka sokow dagaalka tooska ah ee aan Itoobiya ciidamadeeda isaga saareyno.  

Ugu danbeyntii, in aan iska-difaacno dulmiga soo noqday, islamarkaasna aan iska dulqaadno ciidamadan na dul-dhigay, waxay u baahan tahay dedaal dhameystiran oo Soomaalida dibaddu, gaar ahaan kuwa Mareykanka deggen ay qeyb weyn ka qaataan. Waajibka na saaran waa inaan ku qancinno dunida sidii Soomaalida looga dulqaadi lahaa culeyska la saaray.  

Waxaa Qoray
Mohamed A. Elmi
melmi@bcmn.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2007

Waxaan la yaabanahay!  qof walba meesha ay uu is leeyahay dantaada ayaa jirta ayuu taageera,... Akhri..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH