SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Gabay ku saabsanxaalda maanta Soomaaliya

Hassan Garaad
abwangaraad@hotmail.com

Gabaygaan waxaa tiriya aniga oo ah abwaan xasan garaad warsame   waxaan uga hadlayaa  xabashida ku soo duushay wadan keena  oo u jeedkoodu yahay in ay na gumeystaan waxaan ku boorinayaa shacabka soomaaliyeed in ay dagaallamaan oo ay iska difaacaan cadawga ku soo  duulay dhulkeena  war aaway sharafteenii? war aaway xoriyadeenii? [ciwaanka gabaygu waa ]

  • U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
  • ·        Itoobiya waxay soo galeen gulufya duulaane
  • ·        Guutooyin beysoo dirtiyo gaasas fara wayne
  • ·        Gacantey si dhaba ugu dhigeen goboladeeniiye
  • ·        Awalbey soomalida galbeed gumac ku hayseene
  • ·        Annageyse noo soo gudbeen galinka maantaahe
  • ·        Awalbey gunteen dowlad ay ugu ganbaayaane
  • ·        Awal bey gumaadeen ninkii goob dagaal wacane
  • ·        Waana ayka bada guuxayaan gala raacyadiye
  • ·        Geesigiyo wadani geeni bey gawrac ku hayaane
  • ·        Go ‘aan koodu waa dunida oy nagu gumeystaane
  • ·        Gucdurkuba ma joogeen hadaad garanlaheydeene
  • ·        U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
  • ·        Geeridana aqbala eebeheey waydin gacansiine
  •  
  • ·        Gooya hanaqa gaaladu dhulkey nagu guhaadeene
  • ·        Mar haddaan ku waa ciida galay gurano jiirtooda
  • ·        Waa noo guul geeriya nolosha nadu laba gooroode
  • ·        Waa noo guul in aan gaaldilniyo gawrac kirishtaane
  • ·        Waa noo guul in jeer gobanimada geeri loo huraye
  • ·        Waa noo guul gafkey naga galeen in aan ka goynaaye
  • ·        Waa noo guul cadaawaha gardaran goorla dirirkiise
  • ·        Waa noo in gaaladu dhmaan gocasha ooyaane
  • ·        Waa noo guul xoriyadeeni oon muruq ku goobnaaye
  • ·        Go ‘aan koodu waa dunida oy nagu gumaystaane
  • ·        Gucdur kuba ma joogeen hadaad garan lahaaydeene
  • ·        U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
  • ·        Geerida aqbala eebey waydin gacan siine
  •  
  •  
  • ·        Hubka garabka laga tuuro iyo gumac ku maansheeya
  • ·        Ku garaaca meeshey galaan waran ka gaarsiiya
  • ·        Gunta xabadka hootada ku jara gooya kadabkooda
  • ·        Guba oo dabiyo holac ku shida gorofka maydkooda
  • ·        Miinadoo wadada loo galshiyo gaadmo ku idleeya
  • ·        La gabiya gadoonteey koraan gowracna u raacsha
  • ·        Uga dhiga habeen geeriyeed gudaha ciideena
  • ·        Ku gabooda goobteey tagaan gaashin iyo weerar
  • ·        Ayagiyo wixii daba guclaba gamaska leefsiiya
  • ·        Gilgil iyo banbaanooyin iyo toogasho u geysta
  • ·        Guud kooda holac iyo ku shuba garangar qiiqeeysa
  • ·        Go ‘aan koodu waa dunida oy nagu gumeystaane
  • ·        Gudcurkaba ma joogeen hadaad garan lahaydeene
  • ·        U guntada dagaal oo jahaad galiya laabtiina
  • ·        Geeridana aqbala eebeheey waydin gacansiine

Hassan Garaad
abwangaraad@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2007

Waxaan la yaabanahay!  qof walba meesha ay uu is leeyahay dantaada ayaa jirta ayuu taageera,... Akhri..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH