SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Kulligeedba Gaaladu hadday xabashi kaalmayso ?

W.Q.    C/nuur Faarax
Nuurudiin114@hotmail.com

Haddaad si qoto dheer u akhrisdo dagaalladii dhex mari jiray soomaalida iyo xabashida laga soo bilaabo xilliyadii Axmed Guray la dagaalladamayay iyo ka hor salaadiintii soomaalida ee ka talin jiray Zalay, Harar iyo dhamaan dhulka soomaalida; Haddaad taariikhdaas dib u akhriso waxaa kuusoo baxaya saddex arrimood:

Tan koowaad: Mar walba waxaa jiray daba dhilifyo, iyo calooshood u shaqaystayaal hor orda cadawga, dadkoodana ku gumaada, dalkoodana u gacan galiya, sabab waliba ha'u gaysee.

Tan labaad: Culumada diinta iyo Madaxda dhaqanka ayaa mar walba ahaa awoodda ugu wayn ee la dagaallanta gumaysiga iyo caada-qaatayaalka u jaajuusa dadka.

Tan saddexaad: mar kasta oo ay muslimiinta somaalida ahi gacata sare yeelato ama dharbaaxo ayan ka kixin lagu dhufto xabashida waxaa usoo gurman jiray; mar walba calanka dawladaha gaalnimada isku bahaystay tan ugu awoodda badan si'ay u maquuniso muslimiinta xaq u dirirka ah, gaalada xabashidana ay ugu suura galiso inay sii gumaysato muslimiinta ku nool dhulka Ethopia loo yaqaan.

Axmed-gurey markuu jabiyay waxaa soo gurmaday burtuqiiska oo markaas ahaa awoodda ugu dir-fircoon reer yurub, ciidamadii xoogga dalka markay jabiyeena waxaa dagaalka toos usoo galay isbahaysigii Warso ee midawga soofiyeetku hogaamainayay, maantana waxaa kaalintaas u taagan maraykan, oo dagaalka toos ugu jiray ilaa maalintuu bilowday, markii xabashi lagu wiiqay dagaallada hawdkana isku dayay inay adeegsadaan diyaaradahooda noocyada ugu wax baabi'inta badan, allaha naga qabtee. 

Haddaba taariikhdu isma badalin, caada-qaatayaalkii waa halkoodii, walow aad moodo inay aad u sii badanaayan, waana kuwii uu abwaanka soomaaliga ahi lahaa, marka dhulka Somali galbeed Minilik11 ay ku wareejinayeen:

Eebbow la kala miiran yaye minilik hay raacin!

Taasna waxaa ku tusaya dhulka soomaaliya ka maqan intiisa badan dagaal laguma qabsan, ayadoon dhiig daadan ayaa faraha laga bixiyay, damiir-laawayaasha iyo daba-dhilif yada noocaas ahi Waa kuwa u sacab tumaya gaalada culimadii iyo aqoon yahannadii soomaaliyeed ku ugaarsanaysa hawdka jubbada hoose, ayadoo kaashanaysa isbahaysi isku kaashaday inay nuurka alle damiyaan, oo uu hor boodayo maraykan. 

Gabyaagii soomaaliyeed Aadan Yuusuf (Aadan-Carab) allaha u naxariistee ayaa wax ka tilmaamay sida mar walba xabashi gaalo u gacan qabato, gabaygaas oo uu tiriyay 1978 dii markay ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed dib uga soo baxeen dhulkii ay xoreeyeen ayuu gabaygaan tiriyay asagoo dadka oo aad u niya jabay dajinaya. 

Qaybta koowaad ee gabayga ayuu wuxuu ku cadaynayaa badawnimada xabashida, in kastoo ay wax badan dawlad ahaayeen haddana il-baxnimadoodu ma gaarin in hilibka ceeriin la iska kariyo, wuxuu kaloo tilmaamaya inay isku darsadeen; gaalnimo, kibir iyo siyaasad xumo, wuxuu yiri: 

  • Kuman yaal sanaa xabashi calan kor ugu taagnaaye.
  • Uu dahabka kuusani ahaa sida kash kaashkaase
  • Mana korodhsan ceeriinka waa la iska kariyaaye; 
     
  • Kufrina waa u liitaan addoon kibirtay weeyaane
  • Kasina mayso deriskaa sidii laysku kaashado e
  • Caqligii kacbada weerareey keenayaan weliye 
     

Qaybta labaad ee gabayga wuxuu ku tilmaamayaa in mar walboon axmaarta dharbaaxo ku dhufano ay gurmad ka helaan umadaha ay gaalnimada ku walaaloobeen, hadda ka hor sootii Axmed-gurey Buuraha Kaffaa ka tuuray ma'aha ee Burtuqiisku dagaalka soo galay, markana wuxuu yiri: 

  • Kaffa horeba waw geyn jirriyo kodo ciriidhyoone
  • Kolkiise aan kadeedoba qoley 'kaalayaay' odhane
  • Maantana kuwo u hiiliyey baa koodhka buuxsadaye 
     
  • Kaftan nama dhex-joogeene waa lay karaabbamaye
  • Kooraha markii lagu ceshay yay kini-adaygeene
  • Keenyada qadhmuunba ha watee waa kanfi lahayne
  • Kelyo nooma haynnine caddaan kaydsan baa yimide! 

Qaybta saddexaad ayuu ku tilmaamayaa in kasoo bixitaanka dhulka soomaaliyeen uusan jab iyo tabar yari ahayn ee ay keentay duruufta dagaalka iyo cadawga lala dirirayo oo is baddashay taasoo keentay in la baddalo habka la isaga difaacayo: 

  • Kaaraha shisheeyuhu wadiyo kedisadii guudka
  • Iyagana kacaankiyo Siyaad waw kitaab-furiye!
  • Goortuu u kaadsaday dagaal kooshinkaa hadhaye
  • Kaarkuu beddalay bay is tidhi kaafiyaad shubane

  • Kaanbayga iyo raashinkoo loo kal-tirinaayo
  • Kooxdii baxdaba ciidankoo kadinka loo joogo
  • Meeshii kinnaaliyo haddaan Karin walba istaago
  • Kabnigii go'doomaba waxaa loo kaxayn xamare
  • Ma ha kuududdaa sow marnaba kaadi tegi mayso?! 

Qaybta ugu dambaysa gabayga ayuu inagu xasuusinayaa inkastoo gaalo is wada bahaysato, inay na baabi'isana isku kaashato; in allaha wayn ee waaxidka ah aan ku tiirsanno, asagana aamino,  sharcigiisana qabsanno, wuxuuna nagu baraarujinayaa inaan marnaba fulay laga dhaadhicin Karin Gaalo inay Jabayso!!, wuxuu yiri: 

Waxbase hadalku yuu iga kordhine waxaan kusoo koobay:

  • Kulligeedba gaaladu hadday xabashi kaalmayso
  • Isagaa na kaafiya ilaah kaligi weeyaane
  • Kun bay kaga adkaadeen dagaal koox islaamihiye
  • Kashiisaa bugtee faleyse waa kararra'aayaaye
  • Ha ka kafaara-gudo kaan sidaa ugu kalsoonayne! 

W.Q.    C/nuur Faarax
Nuurudiin114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH