SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Allahayoow lakala miiraynyee Malase hay raacin

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Aad ayaan marka hore ugu tacsiyaynayaa walaalahanaga Soomaaliyeed ee maanta gacanta ugu dhacay cadawgii Soomaaliyeed ee horay uhaystay dhulka Soomaalida Ogaadeenya, waxaana ilaahay inooga wada baryayaa in aynaan noqonin kuwo dulliga qaayiba.

Soaamaalida ayaa waxay caado uleedahay in runta ay male uga baydho,maanta wixii ka horeeyay Soomaalidu ismayna waydiinin sababaha umadda Ogaadeenya ay ujoojin la'dahay dagaalka ay kula jirto Itoobiya,ee ay dawladda Itoobiya wax ula qabsan la'dahay.

Ceelka ninkii salkiisa galay majiro karo nin uga war roon,taas waxaan ka wadaa Soomaalida Ogaadeenya waxay gacanta Itoobiya kujirtay wakhti aad udheer, waxay garanayaan luuqadda iyo hab dhaqanka dadka Itoobiya wayna la qabsan lahayeen ama la noolalan lahaayeen hadii ay waxyaalo badan dusha uridan lahaayeen,taas waxay ka door-bideen in ama si xayi ah ay unoolaadaan ama si alle uusan ku ciqaabaynin ay ugeeriyodaan.

Haddii marka aad dagaal maqasho ay durba kuu soo dag-dagtay in khasaaro mooyee ayna faa'iido ka imaanin,dadka Ogaadeenya waxay badankood qirsan yihiin in la gaadhay guul taariikhi ah oo ay garan karaan uun dadka meesha fog wax ka arka.

Soomaaida aan walaalaha nahay ee aan aqoon fiican ulahayn Itoobiya waxaan marar badan ufarirnay dhaqanka Itoobiya iyo in laga dhaxlo waxyaalo badan oo xun xun.

Hadaan inyar ka tabanno dhaqamadooda waxaa kamid ah:-

Cunitaanka hilibka caydhiin:- Dadka Itoobiya waxay cunaan hilibka oo aan dab loo dhawaynin oo caydhiin ah,waana wax ay kaga duwan yihiin caalamka oo dhan,muslin,gaal iyo cawaanba, waxaala la yidhaahdaa xligii Imaam Axmed-Guray uu la dagaalamayay ayaa baqdin ay ka baqayeen in uu kusoo dhowrto dabka awgeed ay ucuneen hilibkii oo caydhiin ah,taasoo dhaqan unotay.

Xaasidnimada:- Itoobiyaanku waxay dadyowga kale ee la diinta ah kaga duwan yihiin xaasidnimada, ruuxna ruuxa kale uusan aaminin,ninka markay naagtiisu cuntada siiso waa in ay isaga hortii iyadu dhadhamisaa,si hadii ay sun kusoo dartay ayna uga dambaynin,naagta hadii ninkeedu lacag leeyahay waxay mar walba la raadinaysaa sidii ay uga takhalusi lahayd, waana sababta keentay in Itoobiya oo kamid ah dawladaha ugu cimriga wayn aduunka ay dhanka kale kamid tahay wadamada ugu dambeeya caalamka dhan dhaqale iyo dhan walba.

Darisnimo xumida: - Itoobiyaanku waa dadka ugu darisnimada xun, hadba midka ay dariska latahay ayumbay cuntaa,wanaag aan xabbad ahayna in ayna lahayn ayaan Soomaalida maanta laqabsaday aanu usheegaynaa.

Cudurada: - waxaa Itoobiyaanka laga dhaxlaa cudurro fara abadan oo wadamada kale kuyar kuwaas oo laga qaado isticmaalka waxyaalo badan iyaga u gooni ah oo ay isticmaalaan.

Arimahaas iyo kuwo kale oo badan ayay leeyihiin Itoobiyaanku,waxaa jira maa-maahyo badan oo dadka Ogaadeenya ay ka sameeyeen dhaqanka Itoobiyaanka,waxaana kamid ah:-

Amxaar iyo Dameerba oodda ugu dhow ayay cunaan

Amxaar Afkii uu kuugu qoslay ayuu kugu qaniinaa

Axmaaro caqli xabbadi gasho ayay leedahay ee caqli hadal galo malaha.

Iyadoo aan sidaas aqoon ugu leenahay ayaan Soomaalida uga dignaa halista ay leedahay ugacan haadinta aan annaga hoosba naloo fiirinaynin,waata maanta muqdisho keentay Tigreega.

Dadka qaar ayaa odhonaya maxkamaduhu way dagdageen,war meesha wax laga fiirinayo xaalku waa ka fog yahay,Itoobiya waxay wadanka ku qabsatay istaraatijiyad boqol sano kahor daganayn oo madaxdii Itoobiyaanku ay iska dhaxli jirtay.

Mar Mangistu Xayle Mariam lawaydiiyay waxa uu Itoobiya uqabtay ayaa waxa uu yidhi (Itoobiya waxaan uqabtay wax uusan waligii madaxwayne Itoobiyaan ahi uusan uqabanin,waxayna tahay tahay cadawgii ay Itoobiya lahaud "Soomaaliya" ayaan kuriday god uusan waligiis kasoo baxaynin)Maxaa marka halkas kaaga cad? In ay miiska saarnayd talaabadan maanta la qaaday,mida kale hadii ayna maxkamduhu dhinacna udhaafeen Xamar kolayba waa la weerari lahaa xaqiiqiyan, taas iskaba daayoo hadii maanta soomaali oo dhan ay ogolaato C/laahi Yuusuf, oo loo durbaan tumo waxaa xaqiiqo ah in Itoobiya ay weerari Puntland.

Majirro ruux soomaliyeed oo labo taako oo ciida Soomaliya ah nabad kusoo rogi kara,bal fiiri hadii Itoobiya ay daacad utahay C/laahi Yuusuf iyadaa wadankii qabataye maxay Qab-qablayaashii awoodooda lawiiqay mid walba isbaaradii ay ugu soo celisay?!!

Soomaaliyeey waxaan hadalka kusoo gabo gabaynayaa majirto wadda idiinka dhow in aad halgantaan oo aad iska xoraysaan cadawga aad afka ugu dhacdeen, arintan qaarkiin waxaa laga yaabaa in ay unuglaaldaan cadawga oo ay dulloobaan,qaarka kale ee duliga diidayna guul ayay mustaqbalka ku dambaynayaan.

Alahayoow lakala miiranyee Malse ha iraacin

Mahadsanid

Mukhtaar Gundid
gundid@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH