SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Itoobiya iyo Somaliland

Cabdirashiid Faarax Xassan
maaful@hotmail.com

Sidii loogu dhawaaqay goosashada Somaliland waxay xiriir hoose la lahayd dawlada Itoobiya, xirirkaasi ma ahayn mid ay labada dhinac si isle’eg  ugu faa’iideystaan, ee waxuu ahaa iskaashi lagu bahdilo Somaliland waxuu ahaa xiriir ku eg in dadkadaha Somaliland waxii la rabo lagala soo dago ka dibna xoogaa sadaqaa loo tuuro madaxda Somaliland, ma jiro iskaashi kale oo ka dhexeeya, waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa arrinta ugu mihiinsan geeska Afrika oo ah xagga difaaca, waxaan og nahay in Somaliland iyo Itoobiya aysan marna dhexmarin wax xiriir oo ku aadan xagga milatariga, taasna waxaa qiray sargaal ka tirsan Somaliland waxuuna yiri: ”Itoobiya waxay hub iyo saanad laga soo dajiyey Bebera siiyaa cadawga Somaliland annagana waxay xoogaa sandreertaa naga siiyaan dakadahayaga.”

Haddii aan kaa faaloono waxa ugu wacan xiriir xumida ka dhex jirta dawlada Itoobiya iyo gobolka Somaliland ayaa waxaa lagu soo gaabin karaa labo qodob midi siyaasad xumo iyo karti la’aan ka timid madaxda Somaliland, mida labaadna waa shacabka Somaliland oo neceb dad weynaha  Itoobiya, labada arrimood waxaa mihiimsan tan danbe waxaa la hubaa in dadka Somaliland aan laga saarin cuqdadii ay dadka soomaalidu waligood u hayeen qoomiyadaha dariska la ah ee ku nool Itoobiya, waxaa kale oo jirta in shacabka Somaliland ay wali la haystaan qaar ka mid ah beelaha soomaaliyeed qaar kalana ay shaki ka weyn ka qabaan.

Reer Somaliland waxay kasoo carareen ummad ay cuqdad ka qaadeen isku afna ahaayeen, kolkii ay kuwaas kasoo tageena dariska kale lama yeelan xiriir wanaagsan oo taaba gala, ee waxaa dhexmara muran hoose iyo mid sare. Muranka hoose waan kasoo hadalnay waana in dadka reer Somaliland aysan jeclayn ummada Itoobiya itoobiyaankuna waa og yihiin, waxaa daliil u ah in reer somaliland mijoxaabinayaan qaranimada Itoobiya kolkii Xassan Dahir Aways jihaad dhan ka ah dawlada Itoobiya ku baaqay shacabka Somaliland way u riyaaqeen arrintaas, madaxda Somalilandna ma aysan tarjumin wax dadkoodu rabo ee waxay ilaashanayeen xoogga canshuurtaa ee Itoobiya u tuurto markii ay wax kala soo degaan Berbera.

Muranka sarana waa kan markasta ka dhex asoolan Somaliland iyo Jabuuti. Waxaa la yaab leh in madaxda Somaliland ku guulaysan waayaan in ay siyaasad degen kula macaamilaan Jabuuti, laakiin waxaa Somaliland loogu garaabi karaa in madaxweynaha Jabuuti uu yahay qof aan la aamini karin oo xiriir fog la leh cadowga Somaliland. Madaxda Somaliland adduun lama sodaan shacabka Itoobiyana waa warmoog, laakiin waxaa biyo hoostoos iska arkay shacabka Somaliland iyo madaxda Itoobiya. Madaxda Itoobiya way og yihiin in shacabka somaliland ay Itoobiya nacayb gaamurey u hayaan iyaguna way ka digtoon yihiin. Waxaa isla haysta shacabka Somaliland iyo madaxda Jabuuti, iyagana waxaa mini af badan dhuunta kaga haya madaxda Itoobiya.

Madaxda Somaliland iyo shacabka Itoobiyana waa dad indha xiran oo mugdi jira.

Cabdirashiid Faarax Xassan
maaful@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qiraaga ju saxiiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH