SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
ItoJan 14, 07: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo (50), Baydhabo (29), Beledweyne (21), Muqdisho (18), Kismaayo (14)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa....
Daabaco Boggan | Print
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


FARRIIN KU SOCOTA SHACABKA SOOMAALIYEED

Ku: Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

UJEEDDO: Faafaahin ku saabsan xaaladda Soomaaliya


C/raxdmaan Maacaallin Axmed

Anigoo ah Oday Soomaaliyeed da’diisuna tahay 80-jir, lana socda arrimaha Soomaaliya muddo ka badan 50-sano, illaa gobonnimo doonkii 1943-kii, waxaa ka socda Soomaaliya arrin fool xun oo ay ka wadaan dowlado shisheeye oo ku tashaday inay baabi’iyaan Dhammaan Soomaaliya jiritaankeeda, Diinteeda iyo Dadkeeda. Kaddibna ay la wareegaan qayraadka dalkeenna, dowladaha aan kor ku soo sheegay. Waxaa hoggaaminaya Yuhuudda ka talisa guriga Cad ee Mareykanka oo ay ka mid yihiin Bush iyo Blair oo ah Yuhud dhalad ah oo haysata jinsiyadda ama dhalasho Mareykan iyo ingiriis iyo Yuhuudda ka talisa dhammaan bariga dhexe ee Tal-Aviv iyo Yuhuudda naloo adegsaday oo lagu magacaabo Tigreega.

Waxaa nasiib-darro ah inay heleen wixii ay raadinayeen muddo badan oo ahayd dowlad Soomaaliyeed ka shaqeynaysay danaha Yuhuudda ee gaarka ah sida Dowladaha carabta, Madaxweynaha Masar oo la shaqeeya Yuhuudda guriga cad, waxaana caddeynaya arrintaas weerarka aan xadka lahayn oo ah cir iyo dhul oo ay soo qaadeen Yuhuudda aan kor ku soo sheegnay iyo dowladda la shaqeysa ee lagu sheego dowladda Soomaaliyeed.

Waxay baabi’iyeen dadka shacabka ah oo aan wax galabsan iyo xoolahoodi iyo guryahoodii bal eeg, waxa Mareykanku ku sameynayo Shacabka daggan baadiyaha Koonfurta Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu raadinayo Al-Qaacida.

Ma reeb baadiyaha ayaa ah Al-Qaacida iyo lo’ooda, lo’da iyo geela iyo arigu ma waxay u eg-yihiin dad. Waxay og-tahay qof kasta Soomaali ah ee aysan ku jirin kuwa ayiday weerarka Mareykanka ku baabi’inayo dadka iyo duunyada Soomaaliyeed waxaa kale oo aan ognahay inuu ku saleysan yahay weerarkani islaam la dirirka Yuhuudda billowday mar hore.

Sidaa daraadeed; maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed intooda ay ku jirto damiir waddaninimo oo ah islaam dhab ah, waxaan isleeyahay waxaa la gudboon in ay isku tashadaan aaminaanna ALLAHII abuurtay.

Waxaa nasiib-darro ah in ay muqato dagaalku inuuusan ku sinayn sida aan soo sheegnay oo keliya ee weliba la abuurayo isnacayb hor leh oo ka dhex dhaca beelihii hore u diriray ee Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii ma muuqato in uu dhasho Qaran Soomaaliyeed oo xor ah. Taariikhda ayaa qori doonta cidda ka dambeysa arrintaas uu sameynayo cadowga Soomaaliyeed.

FIIRO GAAR AH:

Bal eeg xagee ka baxday nabaddii aan haysanay lix bilood (6-bilood)?, Yaa baaba’shay nabaddaas? Maxaase loo baab’ashay?, waxaa baaba’shay inta soo weerartay meelihii ay ka jirtay nabadda waxaana la weeraray nabadda nafteeda si loo baab’asho looguna celiyo wixii ka jiray Xamar 16-sano oo aan soo dhaafnay, waana isla shaqadii Socotay 16-kii sano oo ay wadeen qolada nabadda baabi’inaysa.

Intaan soo sheegay waa wax run oo jira, waxaana loo qaadan karaa dagaalkii lagu qaaday Afghanistan oo loogu marmarsiyooday Al-qaacida oo aan illaa iyo hadda la hayn lana baabi’iyay dadka reer Afghanistan, Sidoo kale dagaalkii lagu qaaday Ciraaq, waxaan loogu marmarsiyooday hub Qatar ah oo aanay waxba ka jirin lana waayay aakhirkii.

Sidoo kale annagana waxaan naloogu marmarsiyoonayaa in la dilaayo Al-Qaacida, waxaana la dilay lo’, geel iyo Ari iyo weliba dadka isugu jira haween, carruur iyo odayaal aan carari Karin.

AAWAY AL-QAACIDA? Cidammada Mareykanka waxay yiraahdeen waxaan dilnay Fazul Abdalla Maxamed, Ambassador-kooda Kenyana waa uu beeniyay, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa BEENI RAAD MA LEH.

Dadka Muslimka ah dhammaantood waa inay ogaadaan Mareykan, Ingiriis iyo Yuhuudda inay ku tashadeen in dunida laga tirtiro wax islaam sheegta, laakiin EEBBE ma oran sidaas.

Waxaa qoray:
C/raxdmaan Maacaallin Axmed
Mogadishu – Somalia
14/10/2007

Afeef:Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2007
 

zenawe

Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed

Kufsigaas oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, warkaas iyo Itoobiya oo Cadayn u weydey in ay dagaalkii Soomaaliya ku Qabatay dad haysta baasaboorka.. akhri halkan... Jan 14

 


finlandBANNAANBAX KA DHACAY MAGAALADA HELSINKI, FINLAND


Bannaabax ballaaran oo looga soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weerarada..... Akhri...


Akhri: Wararkii Jan 13, 2007::

  • Baaq ku aadan dowlada FKMG ah oo ay soo sareen Urrurka Dhalinyarada ee Kismayo ee gobolka j/hoose...
  • Baaritaan saakay Ciidammada Dowladda FKMG ay ka billaabeen xaafadda Buulo-xuubeey ee Muqdisho
  • Maanta oo uu mar kale ka doodayo Baarlamaanka Soomaaliya Xaaladda dag-dagga ah ee dalka lagu soo rogay
  • Muuse Suudi oo sheegay in dowladdu ay dadka kasbato, balse aysan noqon hoggaamiye kooxeed kale
  • Ismaaciil Cumar Geelle: “Mareykanka waxaan uga digaynaa inuu Jabuuti ka weeraro Soomaaliya”
  • Hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho oo xalay lala beegsaday bam kuwa qoryaha laga tuuro ah, geystayna dhimashada hal ruux
  • Suuqyada Xoolaha Degmada Qardho ayaa Gabi ahaanba wax shaqo ah aaysan ka socon.
  • Kulankii Maanta Ee Baarlamanka DFKMG Somaliya Oo Lagu ansixiyay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo dalka.
  • Waa sidee Xaalada Villa soomaaliya oo shalay dagaal ka dhacay
  • Ururka Al-Islaax oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ku aaddan duqeynta Mareykanku
  • http://www.somalitalk.com/2007/jan/13jan097.html

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH