-
Ogaadeenya: Dagaallo
ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
-
Dadwayne
uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan.
-
Weerarro
lala beegsado ciidammada Itoobiya.
-
-
-
Ogaadeenya:
Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.
Wariyaha RX
uga soo warrama xarunte dhexe ee Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya ee gudaha dalka Ogaadeenya ayaa
noo soo sheegay dagaallo badan oo cidammada
gumaysiga Itoobiya si wayn loogu naafeeyay, kuwaasoo
ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
Dagaalladaasi
waxay u dheceen sidatan;
Markii taariikhdu
ahayd 12/01/07 waxay ciidammada sida gaarka ah u
tababaran ee xoreynta Ogaadeenya hawlgallo millatari
oo taxane ah ka fuliyeen magaalooyinka Qabridaharre,
Garbo iyo Haarcad.
Magaalada
Qabridaharre waxay ciidammada xoreyntu
hawlgalladooda la beegsadeen Buundada iyo Xerada
Gaaska Qabridaharre. Xerada Gaaska marka hawlgalkan
laga fuliyay waxaa ku sugnaa saraakiil sarsare oo uu
ka mid yahay ganaraal Mulgeto iyo qaar ka mid ah
maamul ku sheegga cadowga u adeega ee soomaalida ah.
Xeradan waxaa lagu garaacay hub culsu, waxaana loo
gaystay khasaare aad u ballaadhan oon
faahfaahintiisa hadda la haynin.
Ciidammada gumaysiga
ayaa sidii caadada u ahayd wuxuu ku gadooday
dadwaynaha rayadka ah ee ku dhaqan magaalada
Qabridaharre, waxaana labadii maalmood ee weerarkaas
xigay magaalada laga xidhxidhay dadwayne aan waxba
galabsanin oo tiradoodu 23 gaadhayso.
Isla 12/01/07 waxay
cidammada sida gaarka ah u tababaran ee xoreynta
Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen ciidammada
gumaysiga ee fadhigoodu yahay agaalada Garbo,
waxayna ciidammada xoreyntu gacanta ku dhigeen gabi
ahaanba saldhigii ciidammada gumaysiga ee Garbo.
Waxaa ciidammada
gumaysiga hawlgalkaas lagaga furtay 41 Qori, oo 4 ka
mid ah ay yihiin nooca loo yaqaano BKM. Waxaa sidoo
kale laga furtay raadyihii isgaadhsiinta. Waxaa
iyagana xeradaas dhexdaada laga soo qabtay 36 ka mid
ah maamul ku sheegga soomaalida ah ee cadowga la
shaqeeya, kuwaasoo markii xaaladdooda loo kuur-galay
la sii daayay 30 ka mid ah. Waxaa denbiyo ay dalka
ka galeen loo hayaa 6 nimankaas ka mid ah oo hadda
maxkamad sugayaal ah.
Isla taariikhdaas kor
ku xusan waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar
ku qaaden xero ay koox Dabaqodhi ahi ku lahaayeen
magaalada Haarcad, waxaana gacanta lagu dhigay
dhammaanba kooxdii Dabaqoodhiga ahayd ee dhibka
dadwaynaha halkaas u joogay. Markii baadhis dheer
lagu sameeyay waxaa kooxdaas Dabaqoodhiga ah loo
fidiyay cafis, hase yeeshee waxaa laga reebay hubkii
iyo qalabkii cadowgu soo siiyay oo uu ku jiro
raadyihii isgaadhsiinta.
10/01/07 ciidammada
xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar mir ah ku
qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay
magaalada Fiiq, waxaana weerarkaas ciidammada
gumaysiga lagaga laayay askar badan oo tiradooda
dhabta ah aanaan haynin, hase yeeshee la xaqiijiyay
inay ku jiraan 4 sargaal. Waxaa sidoo kale dhaawac
xun soo gaadhay oo lug ay ka go'day sargaalkii
haystay ciidammada gumaysiga ee Fiiq.
05/01/07 waxay
ciidammada xoreyntu weerareen baabuur oo cadowgu
lahaa oo marayay Qarsoodi, waxaana cadowga
weerarkaas lagaga gubay hal baabuur, iyadoo
baabuurkaas iyo wixii saarnaaba ayna waxba ka bixin.
04/01/07 magaalada
Maraacaato wuxuu iska horimaad ku dhex maray cutub
ka tirsan ciidamada xoreynta Ogaadeenya iyo koox
Dabaqoodhi ah oo halkaas ku sugnaa. Kooxdii
Dabaqoodhiga ahayd waxaa laga dilay labo, midna waa
laga dhaawacay.
Waxaa kaloo iska
horimaadkaas ku geriydooday Alla ha u naxriisteen
wiil ka mid ah shacabka magaalada. Waxaa sidoo kale
ku dhaawacntay gabadh ay wiilka walaalo yihiin. Aad
ayaan uga xunahay dhacdadaas, waxaanan u
tacsiyaynaynaa qoyskii iyo ehaladii dhibaatadu soo
gaadhay.
03/01/07 ciidammada
xoreyta Ogaadeenya ayaa kolonyo ciidammada Itoobiya
ah waxay Miino u dhigeen meel Bukudhaba duleedkeeda
ah, ka dib ciidammadii gumaysiga ayaa Miinadii arkay
oo ku soo ururay. Markaas ka dib ayay ciidammada
xoreyntuna ku qarxiyeen Miinadii iyagoo adeegsanaya
rimuutka wax lagu hago, waxaana halkaas cadowga kaga
dhintay 15 askari, 19 kalana way kaga dhaawacmeen.
02/01/07 dagaal ka
dhacay Laan-jaleelo waxaa cadowga lagaga dilay 9
asari oo uu ku jiro hal sargaal.
01/01/07 dagaal
isaguna ka dhacay Karinka, oo Dhagaxbuur ka tirsan,
waxaa cadowga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 01/01/07 dagaal
culus oo ka dhacay Garwaan, oo u dhaw Nusdariiqa,
waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay in ka badan 45
askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 50 askari.
30/12/06 weerar mir
ah ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen
ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Awaare,
waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
Isla 30/12/06
magaalada Gurdumi waxaa lagu qaqabtay koox
Dabaqoodhi ah, ka dibna cafis ayaa loo fidiyay oo
waa la sii daayay, hase yeeshee waxaa laga qaaday
qoryihii iyo qalabkii millatari ee lagu soo hubeeyay.
31/12/06 dagaal ka
dhacay magaalada Shaygoosh waxaa ciidammada saama
la-luudka ah ee gumaystada Itoobiya lagaga dilay 6
askari.
Dadwayne uu cadowgu ku
xidhxidhay meelo kala duwan
Ciidammada nacabka ah
ee gumaysga ee Itoobiya ee ka hawlgala dalka
Ogaadeenya ayaa meelo kala duwan ku xidhxidhay
dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
Markii ay taariikhdu
ahayd 29/12/06 waxay ciidammada gumaysigu magaalada
Qabridaharre ku xidhxidheen dadka kala ah;
-
-
-
-
-
5-
Muxumed Cabdi Isteerin
-
-
7-
Muxumed Cabdi Geeddi iyo
-
8-
Nin Muxumed lagu magacaabo oo
magiciisa oo buuxa aanaan helin.
30/12/06
wuxuu cadowgu sidoo kale magaalada Dhagaxmadow ku
xidhxidhay dadka kala ah;
-
1-
C/raxmaan Xaaji Axmed sheikh
-
2-
C/shakuur Car-ka-lali iyo
-
3-
Nimco Cabdiqani oo iyada jidhdil
xun loo gaystay.
01/01/06
magaalada Kurtun waxay ciidammada guaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah;
-
-
-
-
4-
Fardowsa Maxamuud Dhogor
-
-
-
7-
Maryan oo magaceeda oo buuxa
aanaan haynin iyo
-
8-
C/qani Bile Cali Aaden
Dhinaca kale waxaa
jira qorshayaal uu cadowgu hadda billaabayo oo ah in
dib loo huriyo colaadihii qabaa�ilka, iyo in dadka
qabiilooyin loo kala qaybiyo, iyadoo qabiilo walba
lagu qasbayo inay qabato shirar ay ku go�aaminayso
inay JWXO la dagaallamayso.
Waxaa sidoo kale
qabiilooyinka lagu qasbayaa inay ururinayaan xoolo
la siiyo ciidammada gumaysiga ee qabsaday dalka
Somaaliya. Waxaa ilaa iyo hadda xoolo cadowga u
gudbiyay gobollada Doollo iyo Qorraxey. JWXO waxay
dadwaynaha ku guubaabinaysaa inay qorshayaashaas ka
hortegaan oo ku gacan saydhaan xoolaha sida qasabka
ah looga ururinayo ee lagu quudinayo ciidammada
cadowga ah ee qabsaday dalka iyo dadka aan walaalaha
nahay ee Soomaaliya.
Muqdisho:
Weerarro lala beegsado ciidammada Itoobiya
Ciidammada Itoobiya ee
xoogga ku jooga magaalada Muqdisho ee dalka
Soomaaliya ayaa si joogto ah loola beegsadaa
weerarro kala duwan, iyadoo sidoo kale la ugaadhsado
saraakiishooda isku daya inay seexdaan hudheellada
magaalada ku yaalla.
Habayn hore waxaa
weerar lala beegsaday ciidammo Itoobiyaan ah oo
marayay Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho,
waxaana weerarkaas lagaga gubay ugu yaraan labo
baabuur oo Uuraal ah, iyadoo wixii baabuurtaas
saarnaa la filayo inay ku dhinteen.
Waxaa sidoo weerarro
lala beegsaday ciidammo kale oo Itoobiyaan ah oo u
soo gurmaday ciidammada lagu helay Jidka Warshadaha,
kuwaasoo iyagana la gaadhsiyay khasaarooyin kala
duwan.
Ma aha markii ugu
horraysay ee ciidammada Itoobiya lagu weeraro
magaalada Muqdisho dhexdeeda. Waxaa marar badan oo
hore lagu weeraray nawaaxiga km4 iyo meelo kale oo
magaalada ka mid ah.
Markii ay bateen
weerarrada loo gaysto ciidammada Itoobiya ee ku
sugan magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa
la xayiray gaadiidkii magaalada ka dhex shaqaynayay,
waxaana dabaabadaha ciidammada gumaysiga la dhoobay
meelaha muhiimka ah oo dhan.
==========================
Kenya oo
ciidammo u raadinaysa dalka Soomaaliya
Dowlada
Kenya ayaa ku jirta dadaal ay cidammo Afrikaan ah
ugu raadnayso dalka Soomaaliya, si ay uga shaqeeyaan
sugidda nabadda iyo kala denbaynta, kuwaasoo lagu
beddali doono ciidammada gumaysiga Itoobiya ee hadda
xoogga ku haysta badi dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha dalka
Kenya Mwai Kibaki ayaa toddoba dal oo Afrikan ah u
diray wasiirro dowladiisa ka tirsan, waxayna
wasiirradaasi dalalka loo diray ka soo dhaadhicin
doonaan inay ku yabohaan ciidammo nabad ilaalin
loogu diro dalka Soomaaliya.
Dowlada
Kenya waxay xillagan haysaa madaxtinimada urur
goboleedka IGAD, sidaas darteed waxay ka
shaqaynaysaa sidii ay hormuud uga noqon lahayd
qorshaha ciidammo loogu dirayo dalka Soomaaliya.
Ilaa iyo
hadda waxaa ciidammo loo diro Soomaaliya ku yaboohay
dalka Uganda oo kaliya, hase yeeshee isaguna wuxuu
wali sugayaa in qorsha cidammada iyo hawlohoodaba
faahfaahin cad laga siiyo.
Itoobiya
oo lagu caddeeyay been ay ka sheegtay dagaalka
Soomaaliya
Waddanka Britain
ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay wax
caddayn ah u wayday hadal ay hadda ka hor
caalamka u sheegtay oo ahaa inay dagaalka
Soomaaliya ku qabatay rag haysta dhalashada
dalka Britain.
Dowlada
Britain ayaa xukuumadda Itoobiya ka codsatay
inay tusto dadka Biritishka ah ee ay sheegtay
inay dagaalka ku qabatay ama ay soo bandhigto
caddayn arrintaas mujinaysa, hase yeeshee
xukuumadda Itoobiya ayaa arrintaas ku guul
darraysatay.
Kaligii
taliye Meles Zenawi ayaa warbaahinta caalamka u
sheegay in ciidammadiisu ay gacanta ku dhigeen
rag haysta dhalashada Britain oo ka qayb
qaadanayay dagaalladii ay Maxkamaduhu kula
jireen.
Arrintan ayaa
muujinaysa sida uu Meles isugu dayayo inuu
dunida ka dhaadhiciyo wax aan jirin, si uu
marmarsiinyo ugu helo duullaanka gardarrada ah
ee uu ku qabsaday dalka Soomaaliya.
Masar oo
soomaalida isu keenaysa
Dowlada Masar ayaa
qorshaynaysa shirwayne caalami ah oo dalkeeda
lagu qabto, kaasoo lagaga hadlo arrimaha
Soomaaliya, ka dib isbedalladii xoogga lahaa ee
ak dhacay dalka Soomaaliya.
Dowladda Masar
ayaa sheegtay inay ku guda-jirto xidhiidho ay la
samaynayso kooxaha kala duwan ee somaalida,
dowlada ku melgaadhka ah, dalalka deriska la ah
Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee daneeya
arrimaha Soomaaliya.
Shirwaynahan ayaa
lagu falanqayn doonaa sidii loo dardar galin
lahaa hawlaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo
dadaallada loogu jiro in nabad iyo xasillooni
laga dhaiyo dalka Soomaaliya.
Shirwaynahan
waqti looma cayimin, hase yeeshee waxaa lagu
talajiraa in toddobaadyada soo socda lagu qabto
magaalada Qaahira.
Dhaqdhaqaaqa
Masar ayaa yimid ka dib markii ay isbedallo
lixaad leh ka dheceen dalka Soomaaliya ee
xukuumadda Itoobiya ay faragelinta ciidan ee
qaawan ku samaysay Soomaaliya, isla markaana ay
iyada iyo xulufadeedu u itaal-sheegateen
maamulkii maxkaadaha ee dalka ka talinayay.
Dowalada
Soomaaliya oo xidhay Idaacado kala duwan
Dowlada Soomaaliya
ayaa isniintii soo saartay go'aan ay ku xidhayso
idaacado iyo tilifishino xafiisyo ku leh agaalada
Muqdisho. Dowladu waxay mamnuucid ku soo rogtay
Idaacadaha Horafrik, Shabeelle, Idaacadda Quraanka
Kariimka ah iyo xafiiska tilifishinka iyo raadyaha
Al Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay
Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka ee dowlada ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa isniintii loo
qaybiyay idaacadahan, iyadoo masuuliyiinta
idaacadahaas iyo xafiiska tilifishinka Al Jazeera
lagu amray inay xafiiska Hay'adda yimaadaan maanta
oo talaado ahayd.
Xidhitaanka
idaacadahan ayaa loo cuskaday xukuknkii degdegga
ahaa ee dalka Soomaaliya lagu soo rogay dhawr
maalmood ka hor, kaasoo awood ballaadhan siinayay
madaxaynaha ku meelgaadhka ah.
Ma aha markii ugu
horraysay ee dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya
ay irridaha u xidho idaacado ku yaalla meelaha ay ka
taliso. Waxay dhawaan xidhay Idaacada Shabeelle ee
Baydhabo iyo idaacad kale oo maxalli ah oo ka soo
bixi jirtay magaalada Baydhabo.
Dadka daneeya
saxaafadda ayaa arrintan aad uga walwasan, isla
markaana ka cabsi qaba in dowladu ay cabudhiso
saxaafadda oo intii hadda ka horraysay ahayd jihada
kaliya ee ka nabad gashay qulquladihii siyaasadeed
iyo ammaan darradii dalka ka jirtay muddadii
dagaallada sokeeye ka spcdeen dalka Soomaaliya.
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31
MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00 waqtiga
Afrikada Bari
Faafin: Jan 17, 2007