SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

16 January 2007 

  • Ogaadeenya: Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.

  •  Dadwayne uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan.

  •  Weerarro lala beegsado ciidammada Itoobiya.

  • Qubanaha Soomaaliya.

  •  Barnaamijkii Kadeedka Gumaysiga iyo Goaanka Geesiga(N/hure  Dhabuuke).

  •  Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Nolosha iyo Khaatuma Xumaada Dabaqodhiga).

======================            

Ogaadeenya: Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay.

Wariyaha RX uga soo warrama xarunte dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ee gudaha dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo cidammada gumaysiga Itoobiya si wayn loogu naafeeyay, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

 Markii taariikhdu ahayd 12/01/07 waxay ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya hawlgallo millatari oo taxane ah ka fuliyeen magaalooyinka Qabridaharre, Garbo iyo Haarcad.

 Magaalada Qabridaharre waxay ciidammada xoreyntu hawlgalladooda la beegsadeen Buundada iyo Xerada Gaaska Qabridaharre. Xerada Gaaska marka hawlgalkan laga fuliyay waxaa ku sugnaa saraakiil sarsare oo uu ka mid yahay ganaraal Mulgeto iyo qaar ka mid ah maamul ku sheegga cadowga u adeega ee soomaalida ah. Xeradan waxaa lagu garaacay hub culsu, waxaana loo gaystay khasaare aad u ballaadhan oon faahfaahintiisa hadda la haynin. 

 Ciidammada gumaysiga ayaa sidii caadada u ahayd wuxuu ku gadooday dadwaynaha rayadka ah ee ku dhaqan magaalada Qabridaharre, waxaana labadii maalmood ee weerarkaas xigay magaalada laga xidhxidhay dadwayne aan waxba galabsanin oo tiradoodu 23 gaadhayso. 

 Isla 12/01/07 waxay cidammada sida gaarka ah u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay agaalada Garbo, waxayna ciidammada xoreyntu gacanta ku dhigeen gabi ahaanba saldhigii ciidammada gumaysiga ee Garbo. 

 Waxaa ciidammada gumaysiga hawlgalkaas lagaga furtay 41 Qori, oo 4 ka mid ah ay yihiin nooca loo yaqaano BKM. Waxaa sidoo kale laga furtay raadyihii isgaadhsiinta. Waxaa iyagana xeradaas dhexdaada laga soo qabtay 36 ka mid ah maamul ku sheegga soomaalida ah ee cadowga la shaqeeya, kuwaasoo markii xaaladdooda loo kuur-galay la sii daayay 30 ka mid ah. Waxaa denbiyo ay dalka ka galeen loo hayaa 6 nimankaas ka mid ah oo hadda maxkamad sugayaal ah. 

 Isla taariikhdaas kor ku xusan waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar ku qaaden xero ay koox Dabaqodhi ahi ku lahaayeen magaalada Haarcad, waxaana gacanta lagu dhigay dhammaanba kooxdii Dabaqoodhiga ahayd ee dhibka dadwaynaha halkaas u joogay. Markii baadhis dheer lagu sameeyay waxaa kooxdaas Dabaqoodhiga ah loo fidiyay cafis, hase yeeshee waxaa laga reebay hubkii iyo qalabkii cadowgu soo siiyay oo uu ku jiro raadyihii isgaadhsiinta. 

 10/01/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Fiiq, waxaana weerarkaas ciidammada gumaysiga lagaga laayay askar badan oo tiradooda dhabta ah aanaan haynin, hase yeeshee la xaqiijiyay inay ku jiraan 4 sargaal. Waxaa sidoo kale dhaawac xun soo gaadhay oo lug ay ka go'day sargaalkii haystay ciidammada gumaysiga ee Fiiq. 

05/01/07 waxay ciidammada xoreyntu weerareen baabuur oo cadowgu lahaa oo marayay Qarsoodi, waxaana cadowga weerarkaas lagaga gubay hal baabuur, iyadoo baabuurkaas iyo wixii saarnaaba ayna waxba ka bixin. 

 04/01/07 magaalada Maraacaato wuxuu iska horimaad ku dhex maray cutub ka tirsan ciidamada xoreynta Ogaadeenya iyo koox Dabaqoodhi ah oo halkaas ku sugnaa. Kooxdii Dabaqoodhiga ahayd waxaa laga dilay labo, midna waa laga dhaawacay.  

Waxaa kaloo iska horimaadkaas ku geriydooday Alla ha u naxriisteen wiil ka mid ah shacabka magaalada. Waxaa sidoo kale ku dhaawacntay gabadh ay wiilka walaalo yihiin. Aad ayaan uga xunahay dhacdadaas, waxaanan u tacsiyaynaynaa qoyskii iyo ehaladii dhibaatadu soo gaadhay. 

 03/01/07 ciidammada xoreyta Ogaadeenya ayaa kolonyo ciidammada Itoobiya ah waxay Miino u dhigeen meel Bukudhaba duleedkeeda ah, ka dib ciidammadii gumaysiga ayaa Miinadii arkay oo ku soo ururay. Markaas ka dib ayay ciidammada xoreyntuna ku qarxiyeen Miinadii iyagoo adeegsanaya rimuutka wax lagu hago, waxaana halkaas cadowga kaga dhintay 15 askari, 19 kalana way kaga dhaawacmeen.  

 02/01/07 dagaal ka dhacay Laan-jaleelo waxaa cadowga lagaga dilay 9 asari oo uu ku jiro hal sargaal. 

 01/01/07 dagaal isaguna ka dhacay Karinka, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa cadowga dilay 7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay. 

 Isla 01/01/07 dagaal culus oo ka dhacay Garwaan, oo u dhaw Nusdariiqa, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay in ka badan 45 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 50 askari. 

 30/12/06 weerar mir ah ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Awaare, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin. 

 Isla 30/12/06 magaalada Gurdumi waxaa lagu qaqabtay koox Dabaqoodhi ah, ka dibna cafis ayaa loo fidiyay oo waa la sii daayay, hase yeeshee waxaa laga qaaday qoryihii iyo qalabkii millatari ee lagu soo hubeeyay. 

 31/12/06 dagaal ka dhacay magaalada Shaygoosh waxaa ciidammada saama la-luudka ah ee gumaystada Itoobiya lagaga dilay 6 askari. 

Dadwayne uu cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan 

Ciidammada nacabka ah ee gumaysga ee Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa meelo kala duwan ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin. 

Markii ay taariikhdu ahayd 29/12/06 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku xidhxidheen dadka kala ah;

  • 1-    Samsam Sh Saafi

  • 2-    Axmed Xuseen Cismaan

  • 3-    Khadar Cabdi

  • 4-    Khaliif Dhagjar

  • 5-    Muxumed Cabdi Isteerin

  • 6-    Muxumed Kirish

  • 7-    Muxumed Cabdi Geeddi iyo

  • 8-    Nin Muxumed lagu magacaabo oo magiciisa oo buuxa aanaan helin.

 30/12/06 wuxuu cadowgu sidoo kale magaalada Dhagaxmadow ku xidhxidhay dadka kala ah;

  • 1-    C/raxmaan Xaaji Axmed sheikh

  • 2-    C/shakuur Car-ka-lali iyo

  • 3-    Nimco Cabdiqani oo iyada jidhdil xun loo gaystay.

 01/01/06 magaalada Kurtun waxay ciidammada guaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

  • 1-    Fardowsa Maxamed

  • 2-    Maxamed Cumar

  • 3-    Nuur Ciise Girrise

  • 4-    Fardowsa Maxamuud Dhogor

  • 5-    Xuseen Mataan

  • 6-    Bureeqa Maxamed

  • 7-    Maryan oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin iyo

  • 8-    C/qani Bile Cali Aaden

Dhinaca kale waxaa jira qorshayaal uu cadowgu hadda billaabayo oo ah in dib loo huriyo colaadihii qabaa�ilka, iyo in dadka qabiilooyin loo kala qaybiyo, iyadoo qabiilo walba lagu qasbayo inay qabato shirar ay ku go�aaminayso inay JWXO la dagaallamayso.

 Waxaa sidoo kale qabiilooyinka lagu qasbayaa inay ururinayaan xoolo la siiyo ciidammada gumaysiga ee qabsaday dalka Somaaliya. Waxaa ilaa iyo hadda xoolo cadowga u gudbiyay gobollada Doollo iyo Qorraxey. JWXO waxay dadwaynaha ku guubaabinaysaa inay qorshayaashaas ka hortegaan oo ku gacan saydhaan xoolaha sida qasabka ah looga ururinayo ee lagu quudinayo ciidammada cadowga ah ee qabsaday dalka iyo dadka aan walaalaha nahay ee Soomaaliya. 

Muqdisho: Weerarro lala beegsado ciidammada Itoobiya 

Ciidammada Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa si joogto ah loola beegsadaa weerarro kala duwan, iyadoo sidoo kale la ugaadhsado saraakiishooda isku daya inay seexdaan hudheellada magaalada ku yaalla.

 Habayn hore waxaa weerar lala beegsaday ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas lagaga gubay ugu yaraan labo baabuur oo Uuraal ah, iyadoo wixii baabuurtaas saarnaa la filayo inay ku dhinteen.

 Waxaa sidoo weerarro lala beegsaday ciidammo kale oo Itoobiyaan ah oo u soo gurmaday ciidammada lagu helay Jidka Warshadaha, kuwaasoo iyagana la gaadhsiyay khasaarooyin kala duwan. 

 Ma aha markii ugu horraysay ee ciidammada Itoobiya lagu weeraro magaalada Muqdisho dhexdeeda. Waxaa marar badan oo hore lagu weeraray nawaaxiga km4 iyo meelo kale oo magaalada ka mid ah. 

 Markii ay bateen weerarrada loo gaysto ciidammada Itoobiya ee ku sugan magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa la xayiray gaadiidkii magaalada ka dhex shaqaynayay, waxaana dabaabadaha ciidammada gumaysiga la dhoobay meelaha muhiimka ah oo dhan. 

========================== 

Qubanaha Soomaaliya 

Kenya oo ciidammo u raadinaysa dalka Soomaaliya 

Dowlada Kenya ayaa ku jirta dadaal ay cidammo Afrikaan ah ugu raadnayso dalka Soomaaliya, si ay uga shaqeeyaan sugidda nabadda iyo kala denbaynta, kuwaasoo lagu beddali doono ciidammada gumaysiga Itoobiya ee hadda xoogga ku haysta badi dalka Soomaaliya.

 Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa toddoba dal oo Afrikan ah u diray wasiirro dowladiisa ka tirsan, waxayna wasiirradaasi dalalka loo diray ka soo dhaadhicin doonaan inay ku yabohaan ciidammo nabad ilaalin loogu diro dalka Soomaaliya.

 Dowlada Kenya waxay xillagan haysaa madaxtinimada urur goboleedka IGAD, sidaas darteed waxay ka shaqaynaysaa sidii ay hormuud uga noqon lahayd qorshaha ciidammo loogu dirayo dalka Soomaaliya.

 Ilaa iyo hadda waxaa ciidammo loo diro Soomaaliya ku yaboohay dalka Uganda oo kaliya, hase yeeshee isaguna wuxuu wali sugayaa in qorsha cidammada iyo hawlohoodaba faahfaahin cad laga siiyo. 

Itoobiya oo lagu caddeeyay been ay ka sheegtay dagaalka Soomaaliya 

Waddanka Britain ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay wax caddayn ah u wayday hadal ay hadda ka hor caalamka u sheegtay oo ahaa inay dagaalka Soomaaliya ku qabatay rag haysta dhalashada dalka Britain.

 Dowlada Britain ayaa xukuumadda Itoobiya ka codsatay inay tusto dadka Biritishka ah ee ay sheegtay inay dagaalka ku qabatay ama ay soo bandhigto caddayn arrintaas mujinaysa, hase yeeshee xukuumadda Itoobiya ayaa arrintaas ku guul darraysatay.

 Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa warbaahinta caalamka u sheegay in ciidammadiisu ay gacanta ku dhigeen rag haysta dhalashada Britain oo ka qayb qaadanayay dagaalladii ay Maxkamaduhu kula jireen.

 Arrintan ayaa muujinaysa sida uu Meles isugu dayayo inuu dunida ka dhaadhiciyo wax aan jirin, si uu marmarsiinyo ugu helo duullaanka gardarrada ah ee uu ku qabsaday dalka Soomaaliya.

Masar oo soomaalida isu keenaysa 

Dowlada Masar ayaa qorshaynaysa shirwayne caalami ah oo dalkeeda lagu qabto, kaasoo lagaga hadlo arrimaha Soomaaliya, ka dib isbedalladii xoogga lahaa ee ak dhacay dalka Soomaaliya.

 Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guda-jirto xidhiidho ay la samaynayso kooxaha kala duwan ee somaalida, dowlada ku melgaadhka ah, dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo dhinacyada kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

 Shirwaynahan ayaa lagu falanqayn doonaa sidii loo dardar galin lahaa hawlaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada loogu jiro in nabad iyo xasillooni laga dhaiyo dalka Soomaaliya.

 Shirwaynahan waqti looma cayimin, hase yeeshee waxaa lagu talajiraa in toddobaadyada soo socda lagu qabto magaalada Qaahira.

 Dhaqdhaqaaqa Masar ayaa yimid ka dib markii ay isbedallo lixaad leh ka dheceen dalka Soomaaliya ee xukuumadda Itoobiya ay faragelinta ciidan ee qaawan ku samaysay Soomaaliya, isla markaana ay iyada iyo xulufadeedu u itaal-sheegateen maamulkii maxkaadaha ee dalka ka talinayay.

Dowalada Soomaaliya oo xidhay Idaacado kala duwan 

Dowlada Soomaaliya ayaa isniintii soo saartay go'aan ay ku xidhayso idaacado iyo tilifishino xafiisyo ku leh agaalada Muqdisho. Dowladu waxay mamnuucid ku soo rogtay Idaacadaha Horafrik, Shabeelle, Idaacadda Quraanka Kariimka ah iyo xafiiska tilifishinka iyo raadyaha Al Jazeera ee magaalada Muqdisho.

 Qoraal ka soo baxay Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka ee dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa isniintii loo qaybiyay idaacadahan, iyadoo masuuliyiinta idaacadahaas iyo xafiiska tilifishinka Al Jazeera lagu amray inay xafiiska Hay'adda yimaadaan maanta oo talaado ahayd.

 Xidhitaanka idaacadahan ayaa loo cuskaday xukuknkii degdegga ahaa ee dalka Soomaaliya lagu soo rogay dhawr maalmood ka hor, kaasoo awood ballaadhan siinayay madaxaynaha ku meelgaadhka ah.

 Ma aha markii ugu horraysay ee dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ay irridaha u xidho idaacado ku yaalla meelaha ay ka taliso. Waxay dhawaan xidhay Idaacada Shabeelle ee Baydhabo iyo idaacad kale oo maxalli ah oo ka soo bixi jirtay magaalada Baydhabo. 

Dadka daneeya saxaafadda ayaa arrintan aad uga walwasan, isla markaana ka cabsi qaba in dowladu ay cabudhiso saxaafadda oo intii hadda ka horraysay ahayd jihada kaliya ee ka nabad gashay qulquladihii siyaasadeed iyo ammaan darradii dalka ka jirtay muddadii dagaallada sokeeye ka spcdeen dalka Soomaaliya. 

16 January 2007

Axmed Gaal-Eri

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: Jan 17, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH