SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Asmooyinkii Aw Makaadsade

    Xamar, Jannaayo 12, 2007 
     

      Inaan waarantiin laysu qorin waa war la hubaaye … 
      Aakhiro walaalaha dhabi wax isma siiyaane 
      Waxad* laguma soofsado adduun nin isu waaloowe 
      Anaa wadarta reer hebel ah iyo waalid muu jiro e 
      Nin waliba wixii uu dhigtaa waaran ugu yaalle. 
      (Gacmadhere, Jaamac Axmed Jaamac: "Wacdi" /1950)  
       

   “Walaalow, duqii maxaa helay?” Liibaan oo si wax u dhararsan ayaa saas yiri. “Kas iyo maag ayuu isu soo daahinayaa.”

   “Is deji,” ayuu yiri Shadoor na. “Miyaan uu waayeelkaas soo socda abbahaa ahayn?” Shadoor waxa uu farta ku fiiqay nin duq ahaa, kaasoo la soo wareegayay Beertii Daraawiishta, si aal yar ahayd na ugu soo luudayay xaggoodii.

“Baga! Mar uun aan qindhicilka wax ka jejebiyo,” ayuu yiri Liibaan intii aan uu odaygii weli gaarigii fuulin. Libaan kolkii uu dhaqaajiyay, Shadoor na labadii gacmood ayuu cirka u taagay sitaahoo loo duceynayay. 

   “Waad soo daahday,” ayuu Liibaan odaygii ku yiri.

   “Xamar si loogu kala goosho way adkaatay,” ayuu yiri Aw Makaadsade. “Maandhow, weli waad yar tahay! In lagu soo diido ayaan wax kasta ba ka jeclaan lahaa. Haddii ay ku qaataan se, kolley anigu, weli ma hubo in aan oggolaan doono in aad jihaadka ku biirto, iyo inkale.” 

   Isaga oo dibinta hoose cunaya ayuu Liibaan misana iska aamusay. Wiilkaas baarriga ahaa, ma uu dooneyn in uu aabbihiis ku afceliyo; habaar waarid ayuu nafahiisa kala baqayay. Murankaan oo kale se, horey ayuu u yiqiin; dooddaan oo kale na, tiro ka toban jeer ayay dhegahiisu horey u maqleen. Walaalihiis, shan wiil oo isaga ku aabbe ahaa, ayaa aano loo dilay. Geddisleydii dagaalka ayaa reerkiisii mooradduugtay. In kasta oo Aw Makaadsade uu ifka ugu neceb yahay dagaalooge iyo ciddii dagaalooge soo hubeysa; saas ay tahay, wiilkiisa Liibaan ah ee aargoosi u geyllamo, waa arrinka keliya oo aan sinaba u oggolaanayn. Maxaa yeelay, waxa uu ka baqahayaa: madigii dhashiisii oo idil ugu dambeeyay, goordhow isagii na, in ay geeridu ku soo ag wareegto. 

   “Eebbe idankii. Jeer ay ahaato ba, naftu way baxaysaa. Aabbow waan digtoonaan,” ayuu yiri Liibaan. Gaarigii ayuu ku leexiyay toobiyeha taga Seeriga Dhoollatuska ee Ururka. “Aabboow, maad mar uun weligaa igu kalsoonaatid.” 

   Madaxdii Tababarrada Ururka, haddiiba, waxa ay la dhaceen xiriibyada shiishka, farsamada beerista miinooyinka, legdanka, xeeladaha dagaaleed oo kala geddisan, iyo siyaabaha uu wiilku xarrif ugu ahaa raadgadasha … iwm. Liibaan aad iyo aad ayuu u hiyikacay goortii uu ku guuleystay imtixaankii, loo na aqoonsaday xubinnimada Ururka Xoreynta Soomaaliya. Erey hambalyo se ka ma soo bixin afkii aabbehiis. Goortii, misana laga codsaday in wiilkiisu wax ka raaco colkii habeenkaas duullaanka qaadi lahaa, Aw Makaadsade si diidmo oo kale ka dhignayd ayuu madaxa u kilkilay. Dabadeed na, Liibaan ayuu ku yiri, “maandhow, maalin kale ba yeelkadeed; maanta se maya.”  

   Guryanoqodkii waa uu ka dhiillo badnaa ambabbaxii. Raggii waa la kala aamusay. Shib ayaa ka dhacday. Ciilka cadowga dalkoodii qabsaday ka haya, labadoodu ba, walow ay ka wada siman yihiin, odayga ‘geeri’ ayaa madaxiisa ka dhex gooddinaysa; wiilka na ‘gobnimo’ ayaa maankiisa ka dhex alaladaysa. Labo walxood oo aan sinaba u kala maarmayn: halyayagii geeri u bareera, gobannimo haleel; fulaygii geeri ka maaga na, gobannimo hallee. Liibaan waxa uu si aan quus lahayn iskugu dayayay bal in uu aabihiis qanciyo. Wiilka waxa hadba la horkeenayaa ridaashii qoriga basuukaha: isaga oo inta hubkii deegta saaray, afka na u kala qaaday geddii libaax soo hamaansanayo, yoolkii na inta uu shiiskii ku beegay, durba na keebkii u qabtay; qaraaxadda qaraxyada dilaaga ah oo ay Tigree badan ku hoobanayaan—aragtidaalkaas—waa riyo haddii ay u rumoobi lahayd uu noloshiisa oo idil ba ku doorsan lahaa. Mujaahidku waa warac misana uu garaadkiisu aad u sarreeyo. Liibaan si wanaagsan ayuu abbihiis u yiqiin. Talo kale ayuu ku holliyay.  

   “Ma og tahay in Shadoor walaalkiis uu dhoofi lahaa?”

   “Kuma, ma Kediye?” ayuu Aw Makaadsade weydiiyay, isaga oo gadaal u sii santeecsanaya, in yar na ruuqaansanaya.

   “Waa se wax laga xumaado, runtii. Reerka ayaa tacabbirkiisa si aad ah uga soo horjeestay. Waxa ay rumaysan yihiin nolosha qurbuhu in ay adag tahay, Kediye na aan uu ka bixi karayn, waa na in uu sii sugaa inta uu ninkarmeed ka noqon doono.” Liibaan neef ayaa ka soo fuqday, isaga oo u ciilcunsanaa, dhammaan waalidka, gaar ahaan, kuwooda aan marnaba garawaaqsan yididdiilooyinka ilmahooda, weliba na wiilashooda muraaradillaaciya.  

   “Kediye waa 25 jir hadda, sow maaha? Aad ayaan isaga uga sii yaraa; goorta weliba da'diisa loo eego da'dii aan jiray, waagii aan dhoofay.” Aw Makaadsade, adduun tegey ayuu dib u xusuustay. “Anigu 18 ayaan jiray, waalidkay na iima ayan oggolayn, sina uma aysan oggolayn; qurbihii na waan aaday. Waanooyinkii hooyaday iyo waanooyinkii aabbehay ba, labadooda ba, aniga oo aad uga madaxadaygay; ogow haddana lacago, iyaga iyo naftayda ba aan ku daryeelay, ayaan soo xoogsaday. Sideeda na, hal iga aniga iga barta: hardafta iyo raacdada, qofku inta uu weli dhallinyar yahay, waa in uu nolosha u bareeraa. Biimaa feer falata.” 

   “Aabbow, Mujaahid kasta miyuu ku dhiman jihaadka?”

   “Laga yabee. In qacda hore uu shahiido. Yaa og? Maandhe waa se wax dhici kara,” ayuu ku yiri wiilkiisii isaga welwel dartii la qarqaraya. 

   Liibaan, jartii ayaa haddiiba ku xumaatay. Shukaantii gaariga ayuu intii xooggisa ahayd kula xorgogay. Waxa uu ka dhiidhin in aan uu noqon fulayga keliya oo Xamar joogi jiray, kaasoo aan weligii na toogasho ku dilin hal Tigree oo ardaal ahaa. 

   Xaafaddii ayay soo gaareen. Aw Makaadsade cabbaar yar ayuu u hakaday sitaahoo talooyin kale uu wiilkiisa fari lahaa. Gurboodkii ayuu ka codsaday in ay isaga ka sii wardhowraan. Iyagii na, qorshe horey ugu degsanaa ayay halkoodii ka sii miiseen. Liibaan iyo Shadoor ba waxa ay ku hanweynaayeen in ay u aaraan hooyooyinkii, iyo dumarkii shalayto Sartii Graziani* lagu ag kufsaday.

Dhowr daqiiqood kadib, odaygii oo siday bahal shandad ahayd ayaa soo laabtay. Boorsadii ayuu Liibaan gacanta ka saaray. 
 
   “Kaca oo dooyada horey u tuuryeeya,” ayuu cod nuxuus ahaa ku yiri.

   Dhiftinta shiinyeerkii shandadda ayuu Liibaan far iyo suul ku qabtay; dhinac na u jiiday: Mase, dhowr kartatooyo iyo laba qori oo basuuka ah ayaa dhex yaal!  

   “Aabbow, ma idan oo kale ayaan u qaataa?”

“ Haah. Waxa ay ila tahay in aan mar uun kugu kalsoonaan lahaa. Maanta, maalin kale oo ay kaga habboonaan lahayd na, ma ogsooni. Sheekadii Kediye, waxyaabo aan illowsanaa ayaan dib ugu soo gocday. Anigu ba, beryo ayaa jiray aan uu aabbehay igu kalsoonaan jirin. Iyada oo aan misana og ahay, cid iga yareyd iyo cid iga weyneyd ba, in dad badan ay iga wada hormareen; misana, murugo aan xitaa naawili karayo ma aha, adiga oo hortay Xabaalihii Al-Barakaat laguu sii qaadayo. Waraabow se, furuq baa ka sii daran. Liibaanow waa inaad maanta dirirtaa. Hayeeshee, gaadmadu goorta ay dhacayso waa il cawo; weerarku na waa mir iyo miraaf. Aniga oo weliba na habaarkaygii ku sii dheehay: orod oo gaaladii ku soo gan asmooyinka.” 

   Farxad darteed, odaygii ayuu ka dhunkaday dhabbannada, gacmaha, iyo madaxa. Liibaan gaarigii—Mark II—ayuu durba waraf la gemay oo kale u kaxeeyay. Masjidka Isbahysiga dhankiisa xiga Taaladii Dhagaxtuur, waxa uu hadba jid kale ku sii tamuunsiiyo, cabbar kadib talelkii iyo fannaaliyihii baabuurkii, mar qura ayay wada dameen. Aaggii ay wiilashu gaadmadii ku halakeeyeen se: siyaabo talantaalli ahaa ayuu danab uga halalacleeyay, haddana ay baaruud uga dhex onkodday, misana Tigree waashay ay uga dhex cargaagtameen! Xeradii maxaysatada, bakhaarkii saanaddaha, ma Uraallo hub ku rarnaa baa, gawaari gaashaaman miyaad tiraahdaa, iyo wixii miinooyin teetsanaa siibaddii xerada: halisba, halis kale oo meel wal iska tuunsanayd, sow ma ayan sii qarxin. Xaruntii Wakaaladdii Xarkaha iyo Saamaha, sar iyo so' Tigree oo fayow, loogu ma tegin.  

   Liibaan iyo Shadoor oo xilkoodii soo gutay ayaa u yimid odaygii oo aan weli dhammeyn Qur’aankii uu haddaayey bilaabay, kii oo weli fadhiya isla bersaddii, fiidaddowga, ay weligood ba ku arki jireen. 

*  waxad: magac dhaddigood, ~da. dhaxaltooyo; xoolo ama hantida la dhaxlay.

*  Sarta Graziani: waa magac kale oo loo aqoon jiray Madaxtooyada Soomaaliya ( Villa Somalia) beryihii gumeysigaTalyaaniga. Waxa jiray shirib lahaa:

 
          Garasyaani gaararkiisa haba leey gemmee i geeya.

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Jan 17, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH