SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

 YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?

Mustaf Haji Ali yanyo
yaanyo114@hotmail.com
Nairobi kenya

Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

Waxaa mahad iskaleh allah weyn ee koonkan abuuray nabi mux'ed naxariis korkiisa ha ahaato.

Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga soobilaabo waqti hore ilaa saacadan aan joogno oo wadanka ay gacanta ay ugu jirto Xabashida ay soo kaxeesteen kuwa damiir lawayaal ah oo taariikhda kagalay baal madow aana rajaynayo hadii alle idmo inay noqdaan iyaga iyo kuwa ay wataanba ee Tikreega in ay kuhungoobaan howlaha uqorsheesan ee fog. howlaha ay wataan Tikreega ay gadaal kariixayaan Americanka iyo Yuhuuda waa howl laga shaqeeyay mudo fog laakin soomartay maraaxil badan waxyaabaha uqorsheesan ee maalinba ay afka kasoo dafeeso waa cadowtinimada ay uqabaan islaamka sida uu alle s.w. uyiri suuratul All cimraan ( khad baditil baqdaa'u min afwaahihim wamaatukhfii suduuruhum akbar) macnaha oo kooban waa sidan (carada ay idin qabaan ee afka kasoobaxayso waxaa kaweyn mida laabta ugu jirto). waxaan maqalnay maalmahan in ladoonayo in Somaliya lagu daro Ethiopia taas waa mid ay kutaamayaan, mida labaad ay doonayaan waxaa kamid ah in soomaliya laga saaro Jaamacada Carabta iyo arimo kale oo farabadan balse soomalida waxay tiraahdaa (Ninka aanan garan waxa taagan waxa soosocdana magarto.)

Haddii aan usoo noqdo maqaalka cinwaankiisa yahay yaa gaagixiyay waxaan ognahay in 16sano kadib soomaliya ay kasoo baxday tayaar doonayo in lagu dhaqo shareecada islaamka taas oo kutimid rabitaanka shacabka soomaliyeed ee muslimka ah markii ay kujireen mudo dagaalo sokeeye kuwa u istaagay in wadanka soomaliya lagu dhaqo shareecada islaamka waxay ahaayeen maxkamadaha islaamka mudo gaaban kadib maxkamadihii waa lagaa gixiyay balse su aasha meesha kujirto waxay tahay Yaa gaagixiyay maxkamadaha? waxaana ukala qaadikarnaa laba qodob mid dibada kayimid iyo mid gudaha.

midka dibada

1) Israil iyo Americanka. sida aynu kawar qabno dawlada maraykanka waa dowlada kaliya ee caalamkan kutakri fasho sidaa awgeed caalamka meeshii ay ka aragto islaam markiiba waxay bilawdaa sidii ay ugu hortagi laheed oo waxay kaqabtaa xasaasiyad, sidaa awgeed markii ay magaalada muqdishu ay gacanta kudhigeen maxkamadaha markiiba america waxay bilawday inay arimaha soomaliya il gooni ah kufiiriso taas oo ay kutusinayso heerkii ay kuleheed magacaabidii ururkii ashahaado ladirirka lamagacbaxay iyo talaabooyinkii kadanbeeyay ee kudhaqaaqday Americanka midakale Yuhuuda iyo america waxay bilaabeen dagaal dicaayad ah oo kudacaayadeenayaan maxkmadaha iyo inay kaqaybqaateen dagaalkii xisbulaah iyo Yuhuuda sidaa awgeed America iyo Israil waa kuwa ugu horeeyo ee gaagixiyay maxkamadaha iyagoo usoo maray Tikreega.

2) Ethiopia waa tan labaad ee gaagixiyay maxkamadaha waayo waxaa soo jiray cadawad aad farabadan oo ay uqabto soomaliya taas oo ay kadhabeesay hamigii waynaa ee waligeed kutaami jirtay laakinse Alle idinkii waxaan rajaynayaa in waqtigee ahaado ay bixi doonto iyadoo dulaysan.

midka gudaha

1) arinka gaagixiyay waxay aheed Qabiil laakin marka aan iraahdo qabiil waxaa laga yaabaa in dadbadan ay arinkan ay igu diidaan iyagoo kafiirinaya dhinac laakin sida aan kawar qabno maxkamadaha waxay kubilawdeen qaab qabiil ah markii ay magaalada muqdishu lawareegeena maysan dhicin in qabiilkii lagabaxo oo ciidamada laisku daro qabiil walibana ay dhacday in tiknikadii laga qaaday loo dhiibo isla qabiilkii taas oo dhibaatadeeda laheed waayo meesha majirin is aaminid waana tan keentay in kalsooni badan ay jiri wayso oo qabaailka dhaxdiisa ah mana doonayo inaan kudheerado arinka qabiilka waayo waxa uu leeyahay dhibaatadiisa laakin aa meeshaas kudaayo.

2) arinta labaad waa khibrad la'aan kadhax jirtay maxkamadaha hadii ay ahaan laheed dhinaca maamulka mararka qaarna ay dhici jirtay in iyadoo aanan laga soo saarin amar in xukunka lafulin jiray kuwa sidaas sameenayayna ay ahaayeen kuwa lasoo dirsaday una shaqeenayay gaalo.

3) in qof waliba oo gar leh la aaminay mana jirin tarbiyo dhab ah oo dhinac kasto lagadhisay sidaa awgeed waxaa dhacay wixii dhacay,majirin kala hufid waxaa la aaminay kuwa danbiileyaal ah loona dhiibay jagooyin sar sare inkastoo laga fiiriyay maslaxad markaas jirtay hadana waxay noqdeen maahmaahdii carabiga aheed ( Eygaaga cayili isaga haku cunee).

4) in ciidamada sirtooda aysan aheen mid sidaas uxadidan waxaana ugu wacnaa in qof waliba uu watay mobile fone sidaas awgeed kuwii aanan sirta bixin xataa warkooda waa ladhagaystay oo aduunkan ma'aha mid wax qarsan yihiin taasna waa dhibato kale oo dhacday.

5) in afkaaraha aysan isku mid aheen hadii ay ahaan laheed waxbarashada uu qof waliba soo qaatay ama fikirkii uu ku ta athuray markaasna waxaa dhacday in qof waliba ay kuwayneed fikirka ama madarasadii uu kasoobaxay mana jirin qof lagu qancinkaray fikirkaaga waa qaldan yahay.

6) majirin wax layiraahdo aw lawiyaad ama kala hormarin qodobkeen hormarinaa ama aan dib udhignaa, taas oo aanan loofiirin jirin maxaa nacfi ah maxaase duri ah.

waxaan ugartay qodobadaas aan soo sheegay iyo kuwa kale oo farabadan oo dhicikarta inay jiraan in ay gaagixiyeen maxkamadaha sidaa awgeed maxaa talo ah oo loogu bixi karaa? waana maqaal furan oo laga jawaabikaro sida lagu sixi karo oo wax lagu qaban karo iyadoo arinku uusan aheen af balse ladoonayo shaqo dhab ah oo lagu xoreen karo soomliya hadii alle idmo.

Mustaf Haji Ali yanyo
yaanyo114@hotmail.com
Nairobi kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2007


RaabehYABOOH (APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta  (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi   ahantii:... Akhri...


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH