SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Laguu Qabtaye ma Xasilin kartaa?!

Waxaa qoray Bashiir.M. Xersi (Galad)
Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

Waxaan wada xasuusannaa afar todobaad ka hor tabcanaasha kooxda Baydhabo sida xaalkooda ahaa, waxaanna wada ogsoonahay maalmo ka hor niyad xumada ay ku joogeen Baydhabo iyagoo ku go'doonsan, mar qura ayaa waxaa dhacay wax dad badan kawada yaabshay kuna noqday fajac iyo yaab, waxaa dhacay is bedel qaatay waqti gaaban, waxay noqotay kooxdii Baydhaba awood soo korortay, hal marna ay duntay awooddii Maxkamadaha, taasna waxay ku dhacday taageerada iyo garab siinta cududeed ee uu ugu deeqay barbaariye Males una hibeeyey kooxdii go'doon sanayd, waxaa dhacay dagaal iyo wareero Dhulkaa iyo Duqayn Cirkaa oo ay hor kacayeen Ciidamada Xabishada iyagoo weheshanaya maleeshiyo beeleedyada iyo calooshood u shaqaystayaasha aan lahayn damiirka iyo qadiyadda, qul qulkii wuxuu gaaray magaala madaxda Muqdisha iyagoo ku sii fiday iskuna ballaariyey guud ahaan gobalada dalka ee dhaca Koonfurta gaar ahaan degmooyinkii ay ka talin jireen Maxkamadaha, sidaana kooxdii Baydhaba maalmo ka hor go'doonka ku eheed manta waxay ku hoyanayaan Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisha, sida Maxkamada uga saareenna ka hor waxaa looga saaray maleeshiya beeleedkii wasiirka arimaha gudaha ahna ku xugeenka ra'iisul wasaare Geeddi, iyaga ka horna waxaa laga cayriyey ninkii dhisay waa Siyaad barree, sidaa darted yaan loo arkin wax weyn dhex joogga Muqdisha iyo Villa baydhaba haddaan lala imaan Karin wax sii joogteeya arintaan, tanna waxay si toos ah u abaaraysaa cinwanka qormadeena.

Haddaba su'aasha meesha taallaa waxay tahay: LAGUU QABAYE MA XASILIN KARTAA?!, maadaama aysan iyagu awoodooda ku dagaalamin kuna qabsan balse ay ugu suura gashay itaal uga yimid dhinaca Xabashida, run ahaantii su'aashaan jawaabteeda waa mid adag marka loo firsho XASILIYAHA oo ah dadka laga sugayo inay ku dhaqaaqaan arintan oo ah Dawladda, Murtibaa waxay leedahay:NINAA TAQAAN YAA TAHAY LAMA YIRAA!, sidaa darted aqoonta loo leeyahay nimanka hor kacaya Dawladda ma ahan mid ay ka soo bixi karaan ama u qaabsan hir galinta arintan oo kale mana aha dad wax hogaamin kara umana qalmaan inay maamul hagaan!, maadama ay tahay Dawladdu Dawlad Qab qable dagaal ama siyaasadeed walibana xiriir fiican la leh Xabashida.

Haddii aan dib ugu noqdo cinwaanka qormadeena, waxaa hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ka dalaay laba arimood oo soo daashaday kalana ah: DAGAAL iyo QABQABLE ayna u hammuun qabaan NABAD, AMMAAN, iyo XASILOONI, arimahaan oo dhan waxay ku dhici karaan inay ku timaaddo hab soo jiidan karta Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana iska cad inaan Ciidama Shisheeye aysan sigu karin Ammaan inagoo wada ogsoon fashilkii ku yimid siyaasaddii RAJJO SOO CELINTA, ee Maraykanku hor kacayey horraantii sagaashamaadkii, sidoo kale waxaan uwada jeednaa caqabadaha Maraynka iyo xulufadiisa ka haysata dalalka Afghanistan iyo Ciraaq, sidoo kale midow Afrika dhibaatooyinka ka soo wajahay gobalka Darfor ee dhaca galbeedka Sudan, inagoo intaas oo dhan maanka ku hayna ma suura galbaa in Xabashida u qabatay( qabsatay ) dalka inay ku soo celiyaan Ammaan iyo kala dambayn?, taas jawaabteeda way iska caddahay oo waa maya. Hadda oo ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisha dhammaan Qab qablayaashii dagaalka waxaa in badan oo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Muqdisha ka welwelsan yahay inuu dib u soo laabTo kaalintii gurracneed ee hogaamiye kooxeedyada , maadama ay ku soo kordhayso magaalada Dilka, Dhaca, Boobka, iyo Isbaaarada, Dawladdu aysan u muuqan mid la imaan karta qorshe ama aysan hir galin karin qorshe Nabadeed, qorshahaas oo magaalda loogu soo celinayo Qanuunka, Nidaamka, iyo Kala dambaynta, balse waxaa mudan inaan is waydiino ku dhawaaad afar todobaad maxaa qabsoomay? Run ahaantii waxaa iska cad inaysan ilaa hadda ka dhammaan la'yihiin shirar iyo kood, dhaliishu ma ahan wada hadalada ay la fureen guud ahaan qaybaha bulshada balse waxaa loo baahnaa inay garab socoto howle qarshe iyo wax qabad, sababtoo ah markii horaba ma jirin qorshe iyo hanaan lagu socday oo loogu tala galay in wax lagu hago laguna kala habeeyo loona kala hor mariyo hadba sida ay u kala muhiimsan yihiin unala xiriiraan nolo maalmeedka Muwaadinka Soomaaliyeed ayna ugu horrayso soo celinta Nabadda, Hir galinta kala dambaynta iyo dhammaan wax kasta oon looga maarmin Xasiloonida iyo Ilaalinta Degenaanta.

Balse waxaa nasiib darro ah inay isu bedeshay Nabaddii Xasiloonadii Weeraro lala beegsanayo dad Rayida oo Biri magayso ah oon waxba galabsan aan ka ahayn inay shiteen Dab ay ka kulaalaan ama ka qaaqamaan dhaxanta iyo qabawga ama dhanka kale ay kaga gabaddaan iftiinka dabkaa iyo holiciisa Kaneecada, markii dadkaa tabaalaysan loo codsan lahaa gar gaar deg deg ah oo lala soo gaaro ayaa waxaa loo dalbay dayuuradaha dagaalka Maraykanka, waxaase is waydiin mudan Madfaca iyo Gantaalka ay tuurayso diyaaraddu miyaa kala garanaya Argagixiso iyo Marras, waxayse xaaladdu sii murgaysaa markii ay mas'uulintu ay isla markiiba u sameeyaan marmarsiyo duqaynta Maraykanka iyagoo ku andacoonaya in Maraykanku xaq iyo gar u leyahay inuu baacsado Argagixisada Dunida meeshay ka joogaan!, iyadoon la ogaan meesha la duqeeyey? Nooca duqaynta? Sababta ay ku timid iyo khasaaraha ka dhashay toona?!.

Run ahaantii kooxda Baydhaba Dalkii waa loo qabtay gacantana loo galiyey gaar ahaan meelihii ay ku taamayeen, balse su'aasha waxay tahay ma yihiin niman wax qabsan kara? Oo la imaan kara wax qabad lagu taageero, mise awoodaan inay kasbadaan kalsoonida Bulshada, maadaama uu Shacabku yahay Dawladda iyaguna ay kaalin mug leh ku leeyihiin socodsiinta iyo dhaqaajinta qorshayaasha loo bahaanaa hir galintooda, balse waxaa la yaab ah meesha laga bilaabay meel u baahan Nabadayn, Xasilin, Hub ka dhigis, Hub uruurin, Dhaqan celinta Maleeshiyooyinka iyo in loo furo tababarro, soo celinta adeegyada Bulshada howl galinta Ciidamda oo ay ugu horreeyaan booliska, meel u baahan intaas iyo in ka badan oonaan sheegin si aysan noogu dheeraan ayaa waxaa laga hormariyey qaybinta Bassabor cusub oo waa su'aale yaad siinaysaa? Yaase qaadanaya Bassaborkan? Xagayse ku aadayaan oo laga aqoonsan yahay? Micnaheedasu ma waxay tahay dadka dhan haka huleelaan dalka maadaama aad u qaybisay bassabor? Iyo magacaabid danjirayaal iyo Safiirro, oo waa su'aale yey danjirayaal u noqonayaan? Yeyse matalayaan? Ma Shacabka lagu xasuuqayo duqaynta mise kan amaan la'aanta kaga cararay deegaanadooda?.

Hadaba Dalka la idiin qabay, awooddii Wadaadada la wiiq kalana firxade, Qab Qablayaashii wasiirada ahaana horaadba xilka uga xayuubisay aadna ku dhawaaqday xil ka qaadis iyo casilaad oo maanta ma wada haystaan labadii awoodood ee ay shalay wada layaaheen, ayna intaas idiin sii wehliso ee ay idinla barbar taagan yihiin loo tabcanayaasha Addis ee uu hormoodka u yahay Atto males, intaas waxaa sii dheer gargaarka Cirka ay ka soo daadinayaan diyaaradaha dagaalka Maraynka ee xambaarsan farriimaha Xasuuqa, Gumaadka iyo Laynta; Rayidka, , Marasta, Maatada, Sacaboolayda, Dadka Fara maran Xoolaha, iyo burburinta Aqalada, Guryaha, iyo Carshaanta ay kaga gabbadaan Cad ceedda iyo Kulaylka ayna kaga dhuuntaan Qabowga iyo Dhaxanta!.

War iyo dhammaantii wuxuu isugu soo aruuray in Dalkii lagu soo rogay xaalad deg deg ah -marshal low- ama Martial Law muddo sadax bil ah oo la sii kordhin karo, Baarlamaankuna uu ansixiyey ama ogolaaday, sidaa waxaa ku howlgabaya ama aysan wax go'aana qaadan karin Baarlamaanka iyo Xukuumadda labadaba haddii aysan qorshayaashooda waafaq sanayn aragtida Madaxweynaha, guud ahaan awoodda dhanna waxay gacanta ugu jirtaa Madaxweynaha,arintaana waxaa ka dhalan kara: -In Koox gooni lagu baac sado Mabda' iyo aragti, loona gaysto gumaad ba'an, iyo tacadiyo baaxad weyn oo ka dhan xuquuqda Aadamaha.

-In Qolo gooni ah lagu daba galo haybtooda ama Qabiilkooda, laguna sameeyo gabood fal ama laga fagooyo inay ka qayb qaataan maamulka, iyo in looga sameeyo Mashruucyo hour-marineed gobalada ay degaan.

-In la cabburiyo Saxaafadda xorta ah, haddii aysan u durbaan tumin ama noqon seeri ku dhawaaqa siyaasadda ay u baahan tahay xaaladda deg deg ah, haddaysan sidaan dhicin waxaan arki doona Idaacado badan oo hawada ka baxa iyo dhowr kale oo Irdaha loo laabo, Saxafiyiin badan oo jeelka loo taxaaba. Haddaba wixii laga sugaayey oo dhan waxay ku soo biya shubteen xaalad deg deg ah oo la mid ah Dalka oo lagu xukumo Kaligi talanimo iyo Digtatooriyad.

Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 18, 2007


RaabehYABOOH (APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta  (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi   ahantii:... Akhri...


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH