SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Baarlamaanka:may kaasi baddalaan.?!!

Af wax cunay xishoo..

Ibraahim da’ud c/laahi
sayfudii@hotmial.com
Nairobi-kenya
+254721130470

 
 
BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATuHU 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

  sheekada hoos ku qoran iyo ficilada baarlamaanka somlia bal isku fiiri marka aad wada aqriso dhamaan qoraalka oo dhan.sheekooyinka mararka qaar waa xikmad u bahaan wax laga soo bixi karo. 

 Nin xoolo-dhaqato ah oo magaalada u yimid in uu ka dhameysto dano uu lahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu daawasho u tagay ciyaar kubadaka cagta ah oo dhaxmaraysay labo kooxood.ciyaartaas waxa laga soo gagabaynayay tartan mudo soo socday.ciyaartu waxa ay aheed mid xiiso badan maxaa yeelay waa ciyaar final ah,ninkii reer miyiga ahaa ayaa waxa uu arkay ciyaaryahan isaga ula muuqday mid aad u fiican oo la badalayo,garoonkana kasii baxay,markaas ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa waxa uu jaleecay dhankiisa midig,nin ag fadhiyay ayuu waxa uu ku yiri “inta ay ninkaas badalayaan may badalaan ninkas dharka madoow gashan oo isaga marnaba taaban kubada halka ay ka badalayan ciyaaryahankaas” ninka dharka madow ulajeedaa garsooraha ciyaarta.!!

   Baarlamaanka waxa lagu soo aas aasay waddan shisheeye,xulashada xubnaha baarlamaanka waa mid aad iyo aad looga fiirsaday,marka la eego damiirkooda iyo aqoonta ay u leeyihiin siyaasada intooda badan. xubnaha baarlamaanta waa xubno calooshood u sheqeestayaal a,sida ka muuqata ficiladooda.dad fiican way jiraan balse waa farro ku tiris. maanta waqti afhayeenka la badalo miyaa la jooga?.sida muuqata cida badalista u ku haboon waa raga duyuuradaha itoobiya lagu geeyay caasimada,c/laahi iyo geedi ayaa ah dadka u baahan in xilka laga qaado waxa ay galeeyn qiyaamo qaran.

   Somalidu waxa ay tiraahdaa af wax cunay xishoo,baarlamanka waxa ay u shaqeeyan calooshoooda intooda badan,maxaa yeelay markii magaalada Nairobi ay baarlamanka joogeeyn waa kuwii ka horyimid Cali geedi ayay ahaayen,balse markii dib loo soo doortay waxa la sheegaa in nin walba qolka uu ka daganaa hotelada Nairobi lacag fara qabsi ah la siiyay si loo ansixiyo geedi oo ay Ethiopia wadatay.

   Waxa xusid mudan doorashadii Shariif xasan Ethiopia waxa ay ku noqotay lama filaan,markii xilka afhayeeynka baarlamanka ay waysay waxa ay ku xisaabtantan in ay hesho labada xil ee kale sida madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha wayna ku guuleeysatay,maalintaas ilaa maanta Ethiopia waxa ay u arkaysay Shariif xasan in uu yahay nin ka hor iman kara danahooda,waxa uu ahaa ninka kaliya ee ka hadlay faragalinta Ethiopia,marka la fiiro madaxda ugu miisanka culus wadanka.

    Baarlamaanka wuu baahan yahay waxa kaliya uu fiirsano waa mesha ay mushaar ka heli karaa inkastoo mushaarkooda ay bixiso UNDP,hadana marka loo baahdo cod bixin intooda badan waxa ay xubnaha ku xisaabtamaan lacago kale oo dheerad ah,xikmad carbeed ayaa oranaysa (MAN LAA YAMLIKU QUUTAHO LAA YAMLIKU KHARAARAHO) qofkaan awoodin khuudkiisa(nolol maalmaadkiisa) ma awoodo in uu go’aan gaaro,waa guul daro baarlamaan matala umad dhan In ay gacanta u galaan dowlad cadowtinimo ay ka dhaxayso umada ay matalaan..waa baarlamaan umadiisa u horseedaya halaag iyo gumeesi cusub.

 
  Ujeedada Ethiopia waxa ay aheeyd in ay wadanka xoog ku qabsato taasi way suura gashay,kadibna waxa ay dadaal ku bixisay in la maja xaabiyo xubnaha dowlada,magaalada Nairobi waxa lagu qabtay xubno baarlamaan waxa lagu eedeeyay in ay yihiin rag kasoo horjeestay Ethiopia in ay wadanka xoog kula waregto,kadibna isla afhayeeynkii ayay xilka ka xayuubisay baarlamaanka gacanta ay ku hayso Ethiopia.

   Marka la fiiriyo xil ka uu wayay Shriika ma yahay mid saxan?jawaabto waxan filayaa inta leh aqoonta ay fahmi karaan,baarlamanka isaga ayaa is casilay waxa ay soo saareyn xeer hoosaad kaas oo qeexaya in wadnka xaalad dag dag ah uu galay,meeshaas waxa ka muuqta in baarlamaanka uu yahay mid aan awood laheeyn kulan kalane aanan isugu imaanaynin,awoodana uu leeyahay madaxwaynaha,xila ka qaadista waxa ya aheeyd in uu madaxwaynaha ka hadlo sax iyo qalad balse waxa uu Al-jazeera TV u sheegay in uu ahaa nin argagixisada taageera maxakimta ayuu ula jeedaa sida muuqata.xilka ka qaadistana waxa uu ku tilmaamay mid xiligan loo baahnaa saxna ah.

   Reer xamarka ayaa yiraahda -waa la moodaa hadii la moodi waayana waa la moosa-,maanta waxa wadankii uu galay marxalad aad u adag una baahan ragganimo iyo dulqaad.ragga maanta wadanka sheegta in ay madax ka yihin waa kuwo waqtigooda uu sii dhamaanayo,mana filayo hadii somalidu ay noqoto somalidii la yaqaanay in ay raggani wadanka xitaa sii joogi doonaan aduun iyo aaqiraba waxa u yaal xisaab,waxa ay dhaawac u geestan qaranimo loo soo dhintay,waxa ay wadankii gacanta u galiyeen tigree,balse waxaas oo dhan waa waqti kooban,waxan filayaa in somalidu maanta meelkasta oo ay joogan ay la yaaban yihiin waxa wadanka ka socda,ama dibad joog ama dalka joog waxa na wada sugya in wadankeena aan u tashano wadanka waxa uu u ooman yahay inta caqliga wanaagsan leh,maanta inta hoogaanka heeysa waxa soo daroogeyay Zenawi caqli kale oo aan aheeyn mar un madax halgu yiraahdo iyo mushaarkaada qaado in ay ku jiro maskasdoona uma maleeynaynayo.

  Ficilka baarlamaanka xitaa waxa wax lala yaabo ku tilmaamay midowga yurub,mareekanka iyo qaramada midoobay intaba.waxa ay ayna yiraahdeeyn waxa ay arintu abuuri kartaa dhib kale maxaa yeelay dowladu waa dowlad dib u heshiineed oo gumeel gaar ah.

Baarlamaanka waxa aan ku xasuusan doonaa arimahan:

1-Waxaa lagu soo dhisay wadan shisheeye,iyaga oo aan wadanka iman waa kuwii ku dagaalamay isla Kenya,dhiigna isaga daadiyay wadankii ayay sharafta ka qaadeeyn.
2-Wali kulan loo dhan yahay oo ay ku yeesheeyn caasimada maanta madaxwaynihii oo jooga maJirto waxa ayna ku codeeyaan gumeeysida  iyo lacagta jeebka ay itoobiya u galiso.
3-Waa kuwii u codeeyay in wadanka la keeno ciidamo shisheeyo,markii Ethiopia wadanka ay soo gashayne kama aysan hadlin,marka laga reebo in yar oo wadanimo ay ku jirto.
4-Dib u dooradhadi Cali geedi oo ah nin aaminsan in wadanka la kala gooyo aqoon siyaasaded oo sidaa u si fogna anan laheyn.
  Intaas iyo in ka badan oo ah xaaladu aanan wadanka waxa faa’iido ah aanan ku soo kordhin ayaa muuqata in ay hooshooda noqoto.dabcan dadaalo badan ayay sameeyen intooda badan u badan arimo aanan wax laga qaban
  Ugu danbeyntii maanta wadanka waxa isugu soo haray dabadhilifyadi Ethiopia,sida muuqata shriifka waxa uu ahaa madaxda sare ninka kaliya ee ka madax banaan Ethiopia balse isagiina meesha ayaa laga saaray oo xoog ayaa loo adeegsaday,yaa xilkaasi loo dhiiibi doonaa wadanka waxa uu galay xaalad adeg ee allow umadeena u gargaar.baarlamanka maskaxka ayaa laga gumeesta umadiina awood ayaa lagu gumeeystay iyo calooshood u shqeeyntaaal damiirka wadanimo ka daroogeeysan.
Wabilaahi toqfiiq

Salaamat min kuli aafaT

Ibraahim da’ud c/laahi
sayfudii@hotmial.com
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Jan 21, 2007

YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga [Akhri...]

AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH