SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...


TAARIIKHDA QORAALKA FAR SOOMAALIGA
W.Q: Axmed Haybe (Axmed Dawlo) - 2004



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



WALAAHOWGA SOOMAALIDA IYO WADDANIYADDA CUSUB

Hashi, Abdirahman Elmi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

Anigu waxaan ka mid ahay dadka aaminsanaa haddana aaminsan in heshiis iyo awood qaybsi dhexmara Maxkamadaha iyo Dawladda-ku-meelgaarka ah uu yahay waddada ugu roon uguna dhow xal laga gaaro soo celinta qarannimadii luntay ee Soomaaliya.Aqoonta aan haddaba soomaalida u leeyahay awgeed,taasi inay dhacayso u malayn maayo. Soomaalida hadba kan u haysta inuu gacan sarreeyaa ma yeelo wadahadal,”guushuna”madax wareen waalli u eg ayey ku riddaa.Miyirkuna uma soo laabto jeer xeero iyo fandhaal kala dhacaan,arrintuna farihiisa ka baxdo.Dawladda ku meelgaarka ah ayaa maanta taladu faraheeda ku jirtaa,inay ka faa,iideysato fursaddaas oo ay wadahadal la furto Maxkamadahana furaha qarannimo ayaa ku jirta.Waxaa la yaab leh in arrintaa uu xataa maraykanku arkay asagoo weliba maalin walba si joogto ah u dukheynaya haraagii ciidammada maxaakiimta,xasuuq waxashnimo lehna u geysanaya dadka soomaaliyeed ee rayidka ah. 

     Waxaase waayahan soo baxay dad soomaali ah oo ku qaylinaya in dalkii oo xor ah itoobiyaan qabsadeen,si joogto ahna dadka ugu guubaabinaya in halgan gobannimo doon ah la qaado.Ma xuma dareenka waddaniyeed,laakiin waxaa la yaab leh meesha dadkaani jireen 16-kii sano ee u dambeysay!Xabashidu waxay dalka  run ahaantii qabsatay 1991-dii,si toos ah iyo si dadbanna way u maamulaysay.Ciidammadeedu waxay ku cusub yihiin Xamar iyo meelo koonfurta fog ah,laakiin waxay markay rabaan soo geli jireen meeshay rabaan.Waxay amarro siin jireen dadka deggan magaalooyinka ay soo geli jireen,waxayna kaxaysan jireen qofkay rabaan.Meelaha aysan ciidammadeedu tegin waxaa u joogay maamullo ku sheegyo u fulin jirey waxay rabaan iyagoon wax hawl ahi ugaga bixin.Taas ayaan anigu u aqaan gumeysi,cid halgan gobannimo doon ah ka abaabusheyna ma arag.  

DANTA ITOOBIYA KA LEEDAHAY SOOMAALIYA 

Markii Itoobiyaanku wax ka abaabulayeen shirkii Keenya ee soomaalida loo qabtay,waxay mar walba u ololeynayeen inaan wax dawlad ahi meesha ka soo bixin,haddii ay soo baxdana ay noqoto mid aan waarin.Dad ayaa qaba in itoobiyaanku rabeen in dawladda Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Mxamed Geeddi horboodayaan ay guulaysato oo dalka hanato.Taasi wax jira maaha.Markii dawladdu fadhiday Jowhar Itoobiyaanku waxay la daba joogeen dibindaabyo,waxayna iyada iyo maraykankuba taageerayeen dagaal-oogeyaashii Xamar.Sab-

abtuna waa sidan;Danta Itoobiya ee Soomaaliya waxaa ugu waaweyn,sidaan anigu qabo, 3dan qodob: 

1) In aan dawlad Soomaaliya ka dhalan,dalkuna u kala qaybsanaado gobollo mid kasta leeyahay maamul hoos yimaada Itoobiya.Taasi waa gumeysi toos ah,waana tii dalku ku jiray 16kii sano ee la soo dhaafay 

2)In Itoobiya hesho dekad ay siday rabto ugala soo degto waxay rabto,qiimuhuna jaban yahay.Baahidaas waxaa ka haqab tirtay dekadda Berbera. 

3)In jabhadaha ku kacsan maamulka tigreega aysan u helin meel u ah fariisin oo ay kaga soo duulaan Itoobiya.Taasoo ah mid Itoobiyaanku ku xalliyeen qabsashada Soomaaliya.  

Sababo kuwaasi ugu waaweyn yihiin ayaa ku kallifay Itoobiya inay mar kasta jillaafeyso dadaal kasta oo la isku dayo in dalka Soomaaliya qaran ku yeesho.Zenawi kursi ayuu dhacadiid ugu jiifay,wuxuuna si diirran ugu raaxeysanayey waddada ay ku socoto dawladda Embaghati oo aad ugu ekayd tii ay martay dawladdii Carta.Keligitashadaha Addis abeba weligi talada kuma darin in kacdoon siyaasadeed ay dadka soomaalidu abaabuli karaan.Sannadihii la sheegay inuu Soomaaliya marti ku ahaa waxay siiyeen aqoon aan dhammaystirnayn oo uu u leeyahay dadka soomaalida,isaguse u qabo inuu khabiir ku yahay sida soomaalidu u fakarto.Kacdoonkii bulshada Muqdisho ee ay hoggaaminayeen Maxkamadaha Islaamiga ahi wuxuu Meles Zenawi iyo maraykankaba u caddeeyey in aysan aqoon buuxda u lahayn dadka soomaaliyeed,wuxuuna si halhaleel ah u beddelay siyaasaddiisii uu 16-ka sano ku caanomaalayey.Wuxuu door biday inuu taageero dawladda Baydhabo oo uu aaminsan yahay inuu ka heli karo 2da qodob ee u dambeeya 3dii qodob ee aan ku soo sheegay danaha Itoobiya.Wuxuu qiyaasay in dawlad maxkamadaha islaamiga ahi hoggaaminayaan uusan ka heli karin danaha Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya,Maraykanka

Oo aan maqli karin magaca Islaamkuna wuxuu u ballan qaaday waxa ku baxaya dagaalka. 

Haddaba annaga soomaalida ahi fursad ayaan iska dhuminnay markii maxkamaduhu Xamar qabsadeen,taasoo ahayd xukun qaybsi maskax ku dhisan oo dhex mara maxkamadaha iyo dawladda.Maanta oo dawladdu Xamar joogtana fursad kale ayay inoo tahay.Tii hore haddii aan ka faa,iideysan weyney yeysan tani ina dhaafin,oo aan taageero hiil iyo hooba leh siinno dawladda.Fursaduhu maalin walba ina soo mari mayaan,ummadihii aan fursadaha soo maray ka faa,iideysanna meeshay ku dambeeyeen kutubta taariikhda ayaa qoraysa.Mucaaradka dawladdu ha noqdo mid canaan iyo tusaaleyn ah,khaladkoodana lagu saxayo ee yuusan noqon mid hubaysan.Nacaybka loo qabo qaar ka mid ah madaxda dawladduna yuusan indhaha inaka ridin.Waxa meesha yaallaa waa ka weyn yihiin qof ama urur.Waa jiritaanka Soomaaliya. 

Waxaa xusuus mudan in Itoobiya oo ay ka taliso mid ka mid ah dawladaha adduunka ugu liita dhinac kasta,ay dalkeenna ka yeesho siday rabto sababtuna tahay dawlad la,aanteenna.Marka hore aan dhisanno dawlad soo celisa qarannimada dalka,dabadeedna aan awoodda saarno sidii aan u samaysan lahayn dawlad haqab tirta baahida aan qabno oo idil.Waxba tari mayso walaahow iyo iska daba-ka-laabasho aan lahayn wax natiijo ah.Dawladda Itoobiya ka jirtaa ma waari karto,cimrigeedana waxaa xaddidaya maamul xumada,saboolnimada iyo jabhadaha ka soo horjeeda.Ka badan mayso 20 sano hadday raagto,dalka Itoobiyana u malayn maayo inuu mar dambe isu imaanayo.Xabagta isu haysaa waa mid duugowday.Haddaba waa lagama maarmaan inaan is diyaarinno oo aynnu noqonno dawlad tabar leh maalintaa iyada ah.Dalka inaka maqan si dhib yar ayaan markaa ku heli doonnaa,innagoo mar kasta awoodda saaraynna inaan qawmiyadaha gumeysigu madaxa ka galay xukunka Itoobiya gacanta ku dhigin. 

  Dad badan oo soomaali ah ayaa waxaa aad uga caraysiiyey hadalkii aan loo meel dayin ee ka soo yeeray Ina Caydiid,kaasoo ku saabsanaa isku darka Soomaaliya iyo Itoobiya.Aniga siday ila tahay taasi weligeed dhici meyso,waxaanan marna oggolaaneyn Itoobiyaanka,sababtoo ah;

B)isku darka 2 dal wuxuu keenayaa in la beddelo magaca dalka,calanka iyo astaamo kale oo qarameed.Dadka itoobiyaanku way ka waddanisan yihiin soomaalida,weligoodna ma aqbalayaan inay beddelaan calankooda,magaca dalkooda iyo astaamihiisaba.Hadday Ina Caydiid ka suurowdo inuu beddelo magaca dalkiisa,kama suurowdo taasi qof itoobiyaan ah. 

T)in kastoo aan lahayn tirakoob sax ah,haddana waxaa la qiyaasayaa in 60% dadka Itoobiya yhiin muslimiin.Haddii 10milyan oo muslimiin soomaali ah lagu daro tirada muslimiinta ”dalka cusub” ayaa aad kor ugu kacaysa,sidaa awgeed qawmiyadaha Masiixiga ahi marna aqbali maayaan inay dalkooda ku noqdaan koox yar oo aad looga badan yahay. 

WA BILLAAHI TAWFIIQ 

Hashi, Abdirahman Elmi
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2007
 

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...


Maxaa Sababay Burburkii Maxaakiimta?
Qore: Cabdirisaaq maxamed xusen, Eskilstuna , Sweden.| Jan 21, 2007
Sida ay dadka soomaaliyeed ee wadanka gudihiisa iyo dibadiisuba la socdaan waxaa bur-bur deg-deg ahi [Akhri....]

MMI, Halyaydii Qarnigan! 
Qore: Ahmed-shil Mohamed| Jan 21, 2007
Iyadoo umadda soomaaliyeed meel kasta oy joogto mugdi kujirto, iyadoo... [Akhri....]

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH